Abdo Xumada Soomaalida (WQ: Maxamed Aadan Tarabi)

Xilli xun, xaalad xun, iyo xeelad xun, ayaa sababaya dhibaatatadan daba dheeraatay ee boqollaalka sanno adduunyada soo taxnayd. Waa wiil yar wuxuu ku calool galay qasab iyo jujuub, muu rabin noloshan inuu yimaaddo, hadduu imanayana waxa hubaal ah inuu mari lahaa meel kale. Maya si caadiya ayuu u calool galay hooyo caadiya ayaana dhashay laakiin xilliga uu dhashay ayuu waqtigiisii in yar ka soo horu-maray.
Isaga daaye hooyadiina miyey soo qaddintay? Illayn waa tan kadeedane. Kabo mahaysato nolol ay habeen ku faraxdo may arag, illaa habeenkii uu soo duduucay ninkani waxay is lahayd waxbaa is baddalaya wax isbaddalayana ma jiraan. Biyuhu waa kuwii dhooqada lahaa, ee meelaha qaarna biirta ahaa, cuntadu waa yaabistii caloosha oo lagu tiiriyo mooyee wax dheefi ku jirin. Roobku waa sidiisii ayuu iska da’aa dabadeedna badduu iskaga shubmaa, xooluhu waa sidii oo waliba daaqii ku sii yaraaday.
Noloshu waatii awoowgii rajo sugaha ka ahaa, aabbihiina wax ka dhawray, ayuu isna  sii eegayaa. Haddii awoowgaygii 15-aad la soo noolayn lahaa siduu u socdo ayuu gurigiisii tagi lahaa, wax is baddalay ayaa ba iska yar. Waxaabuu la yaabi lahaa kulayl ka cadceedda iyo abaaraha joogtaysan. Wuxuu kaloo la yaabi lahaa dad kan iska nool ee aan neef xoolo ah haysan, wuxuu aad u la yaabi lahaa geedkii uu beeray oo la gooyey, barkaddii uu dhistay oo biyaha laga cabbo, iyo gabaygii uu tiriyey oo la isu adeegsado. Su’aasha uu ina waydiin lahaa waxa weeye 15-qarni maxaa qabanayseen, sawtan wax walba sidaannu kaga tagnay ay yihiin.
Wiilka yar ee u dhashay qaaradda madaw, sankuu qolfaha ka gurtaa, biyo dhooqo ah ayuu cabbaa, hal waqti ayuu cunaa cunto aan dheelli tirnayn. Waligii muu arag hooyadii iyo aabbihii oo is dhunkanaya, wuxuu ku koraa qalo iyo qumamo. Waxa guri u ah cariish darroora markuu roob ku yimaaddo. Qoobka dameer ka ayaa dhaawac badan u geysta siduu u fuulayo, waana gaadiid ka koowaad ee uu haysto. Cagocaddaan iyo baylah badan baa ka muuqata markaad aragto, wuxuu sitaa maryo karkaran oo uskag badan. Waligii intuu noolaa ma xasuusto habeen uu si fiican u dhargay.
Gurigooda waxa sal u ah qaylo iyo buuq joogto ah, kala daadsanaan nololeed iyo waji gabax dhex yaalla waalidka iyo caruurta. Muu arag maalin kaliya aabbihii oo rajo ka muujinaya nolosha, manuu arkin isagoo hawaala warran iyo odoros ku samaynaya nolosha, wuxuu kaliya arkaa waa aabbihii oo mar walba cadho ka muuqato iyo isagoo nolosha quus kaga jira. Maxaa yeelay wuxuu u fekeraa sidii uu awoowgii u fekeri jiray, waxaannuu u noolyahay sidii awoowgiisii afraad u noolaa, wuxuu ka shaqeeyaa shaqadii awoowgii, waxaanuu ku shaqeeyaa qalab kii uu awoowgii ka tagay.