Adiga uun baa yoolkaaga arki kara Q.2aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Gunaanadki wax kasta oo qalbigaagu kuu sheego rumayso waayo qalbigu wuu ka il dheeryahay araga iyo maskaxdaba labadaba. waxaad odhan waa dareen Rabbaaniya iyo bildhaamin xagga Rabbi ah.

oo aan indhaha iyo khibrada diira’doodu gaadhi karin dareenkan xawaarihiisu ilayska qoraxda la moodo in uu ka dheeraynayo is badbadalkiisa iyo shaqooyinka mar kaliya ka dhexdhaca ilbidhigsiyo gudahood.

Waligaa mar kasta rumaso niyadaada hoose cid kula dareemi karta riyadaada oon qof ka ay dhex jiifo mooyaane. waxaa kuu muuqda aduun baa arki kara, falanqayn kara, hilaadin kara, waliba xaliibin iyo odoros ka ugu culus niyada ay ka soo burqatay uun baa weelayn karta waddada higalinta iyo u hayaankuna u muuqan karaa taasi oo aan marna shidaal yaraani ku dhici Karin maadaama taangiga qalbigu u buuxo.

Sidaa daraadeed dareenkaaga hoose ha u lagdin dareeno iyo aragtiyo dibada kaaga yimaada oo qariib iyo waageeni ku ah laabtaada ama aad adigu u yeedhato.

Kaliya adaa arkaayee ka biyo kee nideeda madbakhaaga ku shiil oo ku bislee. Kana dheeraw qalin daarka talooyinka kale iyo is ku mulaaqida riyooyin aan kaa soo burqan. Dad badan baa dhibane u ah talooyin cid khabiir u ah shaqada aad hilaadisay kuwaasi oo talooyin qaloocan boga u galiya mida arkaaya wax weyn oo kuwa kale arkayn.

Taladu waa geesinmo geesinimo ka dambaysa, balse sida ku cad aayada quraanka mar kaad la tashato go’aan ka gaadh oo Rabbi swt Talo saaro. sidaa daraadeed go’aanka u dmbeeya adaa leh sida aayada talo bixinta ku cad.

In aad keer keertaana waa waddada guul darada, markaad go’aanka hesho ku adkayso oo Rabbi swt. Tallo saaro. jihada loo dhaqaaqayo waa hanti mulkiyadeeda aad kali ku tahay. Ee riyadaada iyo doonis taada sida niyadaadu raali ku tahay u hogaansan mashruuc kasta mid kastaa ha ku dhago barjeeyee xamilkeedana lahaw.

Aas aasaha shirkada baabuurta ee Ford ee maraykan, markuu hindisay in gaadhi la sameeyo muu ahayn qof khibrad u leh aqoontaa makaanikada ee baabuurta balse waxa uu dareemay in faraskan jiidaya labbada taayir ee waagaasi la isticmaali jiray.

In faraska wax kale lagu badali karo. Waxa uu u sheegay khubaradii in ay sameeyaan mishiin badala faraska. Oo hawshii faraska qabta u fiirso hadda awooda baabuurta waxaa lagu miisaamaa (horse power) oo macnaheedu yahay awood u dhiganta ta farasku jiidi karo.

Muddo dheer ka dib marba qolaa guul daraysata, kaliya waxa uu shaqada ka saaray khubaradii hore qaar cusub buu ku badalaa marki qoloba meel gaadhsiiyeen khubaradi shanaad ayaa mishiin kii u horeeyay istaadhay ee cariga maraykan. Walina shirkadaasi waa mid kamida kuwa ugu waawayn ee baabuurta soo saara ee caan baxay dunida.

Ninkaasi muu ahayn khabiir makaanikada ah balse waxaa ka dhex guuxayay in faraska wax kale lagu badali karo kaliya riyadiisaa ka xoog badisay khubaradii marba ku guul daraysanaysay soo saarida badal faraska.

Sidaa daraadeed dadka aqoontaa ehel ka u ah waxay yidhaah daan intaan saynis la gaadhin waxa ka horeeya wax kastoo saynisa fikrada ama aragti cilmiga arts ka la bah ah. Oo dhamaan wax kastoo cilmig ah oo la gaadhay mar bay ahayd riyo qof, ama koox, ama haayad, ama dawlad. Kolba inta itaalka fikradaasi yahay.

Dhawaantan waxaa aad caan u ahaa ninkii asalkiisu Suuriyaanka ahaa ee steave jobs. Ee shirada Apple aasaasay oo qisooyinkiisu xiise gaara leeyihiin dhinaca hal abuurida dagdaga ah iyo qarxinta tiknoolajiyada casrigan.

Nin baa waxa uu ka sheekeeyay in uu ganacsi uu ku jiray oo uu ku cusbaa muddo uu intuu dadka waraysto uu allaabta iibsan jiray isagoon cidba waxba waydiin.

Balse maalin ayuu allaab ka yar shakiyay waxa uu talo u doontay qof kale oo suuqa iyo badeecadaa khibrad dheer u lahaa. Ugu dambayn taladii waxay noqotay in allaabtii uu ka yar shakisnaa taladii saxiibkiisii uu aqoonta biday ku dhiiriyay in uu iibsado.

Isa goo yar keer keeraya oon niyadiisu daganayn talada saaxiibkiina si niyada ugu qancin buu qiimihii jaray allaabtiina gacantiisa ayay ku soo wareegtay.

Muddo yar ka dib waxaa ku soo baxay ceeb aad u dhaawacday raasamaalkii uu suuqa ku joogay taasi oo keentay in uu qiime khasaare ah ku xaraasho.

Ka dib markii uu beensaday maankiisii hoose ee la hadlaayay intii uu lacagta tirinaayay u markhaati furay in maankiisa hoose ka awood iyo khibrad badan yahay cidkasta oo wax is bida.

Ninkaasi waxa uu dareemay maadama uu muddo suuqa ku jiray si faaiido joogta ah leh in uu hadda awoodi waayay in uu qiimihiisii raasamaalka suuqa si fiican ugu ciyaaro taasina waxay keentay in uu suuqa dib uga fadhiisto gadgadis kaasina joogsado iyadoo uu wali eersanaayo saxiibkii.

Halka uu maankiisiisa hoose wali hibanaayo hadaladii loo soo tabinaayay ee uu qalbiga isha dheeri tafatiray balse laga diiday.

Sidaa daraadeed sheekooyinka riyooyinka riyada ahaa ee rumoomay aad bay u badan yihiin waana qisas aad u xiiso badan oo qof kastaa sheeko u gaara hayo. Mawduucan waxa aad uga sheekaysanay Khadar Ismaciil Wayab oo wax badan igu biiriayay. Mahadsanid.Dhamaad.

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin