Af-gudhiye: Shumuc ka damay Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta (1962 – 2018) (WQ: Cabdirisaaq Saalax)

 

Tixo Iyo Tiraab badan wuxuu dhaaxa tiriyaaba tiriyaaba,

Tuducyada wuxuu meeriyoo hadal tusmeeyaaba

Suugaan tubteedii wuxuu toogga bixiyaaba

Taladii Allaa baaqiyoo taagan oo qorane

Maantuu talfaday oo rabbigu tiisii oofsadaye       

Tusaalihii janadiyo allow tiirkii nabi raaci

Tiiraanyada cadaabtiyo ka dhawr tu aan la eexaysan

Tiriigii fardawsiyo Allow farajyo sii toossan

Tallaahidu adday taada tee tabo-san oo khayr leh

Annagana Tiriig baa damaye, Samirka noo teebi.

         –Maxamed Jimcaale- 27/1/2018

Ugu horeyn aynu u ducayno walaalkeen, abwaankeenii, buunigii afka iyo dhaqanka Axmed Siciid Diiriye. Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Dhamaanteen iyo dhamaanteenba-na Samir iyo iimaan saaddaqa.

Waxaa soo qaad lahayd, sidii loo galbiyay mid ka mid ah ilaha gaaxdey duruusta manhaj-ka ubadkeenu dugsiyada ku bartaan. Yeelkadeede, Waxa aan aad ugu mahadcelinayaa, guddida dhalinyarta u badnayd ee hawsha galisay sidii qaar ka mid ah maansooyinka waawayn ee Abwaanka looga faaiideyn lahaa ubadka u ooman barashada afkooda iyo suugaantooda.

Bismilah.

Sanadkii 1964-kii ayuu Axmed Siciid Diiriye oly Af-gudhiye Ku dhashay Tuulada Fiqi-Aadan oo Ka tirsan degmada Lughaya ee Gobolka Awdal. Axmed waxa uu aabihii Siciid Diiriye Dhalay caruur gaadhaysa illaa dhawr iyo toban. Sida uu isagu sheegay, Axmed waxa uu ahaa inan dumaal. Xagga hooyadii – oo ahayd Sidciyo Kulmiye Madar – afar caruur ah ayuu ‘Guri-u-dambays’ u ahaa. Noloshiisu deegaankaa si degdeg ah ayay uga wareegtay oo kumaba indho dilaacsan.

Waxa uu ii sheegay, in isaga oo yar, habeen uu gudgude mahiigaan ahi meel walba is qabsaday, onkodka iyo hilaacuna aanay labada daan isku daraynin, uu falaadh danab ahi gafuurka ku joojiyay xeryihii xooluhu ku jireen, halkaasna wixii xoolo xeryaha ku jiray halkaa ku mooro duuggay.

Meel uu iigu sheegay ”Meel baadiye ah oo Diridhaba u dhaw” ayuu reerkii oo wata neefafkii ka hadhay danabku, naq u beegsaday. Waa halkaas halka uu Axmed ku indho-dillaacsaday, ku kacaamey, oo uu ka fuulay jaranjarada hawsha raacatada; Waxaraha, waylaha, iyo xoolaha kaleba. Halkaas ayuu quraanka; qalinka iyo dawaadda Macalin ‘Farxaan Dirir’ iskugu qabtay.

Isaga oo qaan ah madax taagan, ayuu baydkii ugu horeeyey ee suugaan ahi ka soo go’ay. Qiyaastii 15 jir buu ahaa. Waa meeris aan ku labaad lahayn una baahnaynba in lagu daro. Sababta uu uga soo go’ayna waxa ay ahayd; xifaalo iyo guhaad dhalaannimo oo dhex mari jirtay isaga iyo barbaartii ay isku ayniga ahaayeen. Maalin maalmaha ka mid ah baa laba wiill oo ka itaal rooni isku dayeen in ay u gooddiyaan. Halkii wax kale laga dhawrayay ayuu la soo booday;

“Baqe waa iga xaaraan, naftoon bixiyo mooyaane”

Axmed haddii uu wax yar sii joogayba, waxaa hayn kari wayday noloshii baadiyaha ee uu markaa ku hawlanaa. Waxa uu goostay in uu baladka qabto. Haddiiba uu kabaha iladayba, waxa uu waydiimihii qoyska ee ahaa ‘Waar reerka adigaa u ciidan iyo cid ba ah’ uu iskaga reebay baydkan.

“Waagii baryee bilig yidhaa, Balaq-da hayn maayo

Bilisihiiba adhigay neceen daba, buslayn maayo

Sidii oday xun oo baylah badan, buuri badan maayo

Fartaan baran, dhulkaan badi arkiye, badaw ahaan maayo”

Hargeysa ayuu ku horeeyey. Wax yar haddii uu joogayna baabuurbuu ka raacay oo illaa xamar qabtay. Wax yar ka dib, sanadkii 1986 ayuu toos fanka cagaha u galiyay. Kooxdii ururka dhalin yarta ee Danan ayuu heesaagooda ka mid noqday (Af-gudhiye heesaaga ayuu ka bilaabay fanka). Waxaa kooxda Danan guddoomiye u ahaa Salaad Cismaan Rooble, halka uu heesaagana calanka u siday Fanaanka wayn — Alle ha caafiyee – Cabdi Tahliil Warsame, Maxamed Qarbooshe; halka ay Mu’alifiintana ka mid ahaayeen Xasan Kulane, Axmed Nuur Yuusuf, iyo Cabdi Bashiir Indhobuur. Riwaayaddii ugu horaysay ee uu ka qayb qaato waxa ay ahayd ruwaayad wacyi galin ahay oo magaceedu ahaa “Tacabbaa Tanaad Leh” oo soo baxday Siddeetanka dhexdiisii, oo uu hal-abuuray Cabdi Bashiir Indho-Buur. Waxa uu jilayay ninka sheekadu ay ku socoto; waa nin shaqada iyo xoogsiga ay kala wayn tahay in uu meel iska fadhiyo oo gacmaha hoorsado. Dhawr maadays oo dambe ayuu wax ka matalay intii aanay qabtu dhicin.

Markii qabtii dhacday, ee golihii Murtida iyo Madadaalada dhildhilaha loo saaray, Af-gudhiye waxa uu ka mid ahaa raggii dabdkii fanka iyo masraxa ahaa ee Xamar ka baxayay inta ay xulad ka soo goosteen jabuuti geeyey ee dogobbo sii saaray. Halkaas ayay ku dhalatay kooxdii deegaan ee uu buunnigooda ahaa.

Axmed Siciid Diiriye, waxsoosaarkiisa rasmiga ahi waxa uu la kowsaday xilliyadii ay sii ciiraysay dawladdii Milataryga ahayd. Waxa uu curiyay maansooyin dhaadheer oo mawaadiic tiro badan uu marba mid ku i

Abwaanka, Suugaantiisu waxa ay u kala rogan tahay, dhamaan qaybaha nolosha aadamaha iyo dabeecaddaha uu Alle wayne dunnida guud dhigay; Siyaasadda adduunka, ta Soomaalida, Dhaqanka iyo Edaabta Islaamka, Haasaawe iyo kalgacal, Kaftan iyo Gole ku haasaw, Narnaqsi iyo guubaabo, Hawaale Warran iyo wax sheeg iyo qaar kale oo badan. Dambaabi maayo haddii aan idhaa, qaamuus buu ahaa Afka iyo dhismihiisa dhud-dhud iyo dheg-dheg u raacay!

Gaadhigiisa, waxa uu ka soo istaadhayaa oo isteerinka ka soo qabsanayaa, duullimaadyadii reer galbeedku waddamada soo koraya ay ku ugaadhsanayeen toddobaatanadii ilaa siddeetannadii. Waddamo yar yar oo cagta la mariyay ka dib waxa uu cagta soo saarayaa mid kale oo agtooda ah aseenay dhawdhawduba u dhacsanayn, oo isagu durduro cirka iyo dhulka dhexdooda iskugu bixinaya. Waakan u degay, oo isagoo gacanta ugu fiiqaya  jaalkiisii oo agtiisa lagu sadqeynayo, yidhi;

 

“Warraaqa baxaayi waa gob

Waxyeeliyo dhib aan samaynin

Waddada lagu haysto fiican

Waxaa lagu yidhi wareeggan

Anuu wakhti ila hayaaye

Sidayda ha welecsamaanin

Wankeyga cadoow ha naaxin!”

Sidii uu u soo socday waakan ku soo baxay Soomaalidii oo is cuntay oo baabah iska dhigtay oo aan kuu taliyo iyo ii talin maysid eedday. Cabbaar markii uu dhawray, waakan duqii oday biiqay isaga oo kambadhuudha meel oli ah uga gacan haadiyay. Ku baydh.

Dantayda anoo asiib leh

Anoo aramida dawee leh

Anoo cuqdad iyo nac maydh leh

Abaar iyo omos basaasan

Anoo oomane ka guur leh

Anoo arad doog leh gaadh leh

Anoo bulshada u adeeg leh

Anoo abshir iyo barwaaqo

Aqoonta ku caano sii leh

 

Waxaaa oli iiga yeedhay

Duqii oday biiqay oo leh

Wuxuu yidhi ‘Inan ragoowah’

Dhulkoo ragga abadh jarkiisa

Mindida lisinku u afeeyo

Ayaan nafta oolinteeda

Awooday ilaalinteede

Sidee imikoo adduunka

Ragoow addinka aad ku hayso

Sidee noloshu u irdhawday?

Sidee qofka aayar aayar

Ilaaq loogaga dhameeyey? 

Oday biiqay waa uu sii wadayoo, kuye;

Markay carrabka iyo uurka

Afkaartoodu is-khilaafto

Markay qof ujeedo leexsan

Siduu doono u ahaato

Markay xaqa eheladiisu

Ab-haysi u maaro waydo

Markuu qof xumaan arkaaya

Wax sheega ka aamusnaado

Markuu ubadkaad rabbaysay

Naftaadu ku eedanaato

Ahaatay dhamaad adduune

Xaqiiqada aadisteeda

Adkaysi ha loo lahaado

Wax uu soo socdaba waa uu ka imanayaa siyaasad adduun iyo mid dalba wareerkooda. Waxa uu u soo degayaa siyaasadda dhismaha qoyska. Waa halka ay umadi ka unkanto. Iyana heshiis ma la yahay, toloow?  Waxa uu cagta soo saarayaa, Maxkamad gabdhihii ay Muddici yihiin raggiina Mudaacaleeygii. Dumarkii oo markan maahmaahdii ahayd ka dhigay “Wixii Xumba Aadan baa leh” ragiina sutti gaashaan!

Rag;

Waxa raanta loo feedhayaa, waa rag

Waxa cadarka layskugu rushaa, waa rag

Waxa fiidka loo roorayaa, waa rag 

Dumar:

Kuwa quruxda nagu raacayaa, waa rag

Markaan raanwisno-na naga ordaa, waa rag

Rasmi iyo kuwaan aayo rabin, waa rag. 

Markii uu arkay Quruumihii oo is diidan, Qaran kala quus qaaday oo ay ilaa qoyskii marayso xifaaladu, waakan Faduuli shanfaroodleba dhaaf tidhi. Waakan Jin iyo Jaan bal iyana caqli ka day is yidhi; Kuye:

Jacayl baa iga tabsaday

Janbaa keeno igu xidhay

Jujuub bay igu wadaan

Jihaan u socdaan an rabin

Jid baan marayaa dhib badan

Jin baan hagbad kula jiraa!

Cirfiid baan jaalle nahay

Jaan baan la xisaabtamaa

Sagaal jirjiroolayaal

Ayuunbaan’ jiid irmaan!’

Shax aan jareheedu dhicin

Hawaawi ku wada jillaa

Juxaan talo siinayaa.

Jin iyo Insiba wacdigoodii markii uu sacabbo madhan ka keenay, ayuu isagu isku soo baxsaday. Adduunyo xumaan moogiye wanaag sacab loo tumaa uu beri hore allaystay ayuu ku cago go’ay! Waakan Isagii is faray in uu wacdiga isku fillnaysiiyo.

Nafteydaay Hoos u Hadal

Haye-da baro iyo qushida

Heshiis la ahaw wakhtiga… 

Af-gudhiye, nin caynkaas ah buu ahaa. Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyo. Halkaa ha inoo joogto, waa inoo qaybo ka mid ah Suugaantiisa.

 

La Soco…

Abdirasak Salah

Abdirasaksalah@gmail.com

+252634466677

Mogadishu, Somalia