Afar qodob oo aan ugu bogay madaxwayne Muuse iyo afar aan kaga baydhay (WQ: Abdisalan Sulub)

AFARTAAN UGU BOGAY
1.Madaxweyuhu malaha wax belwad ah, waxaana dadka ka ag dhawi in badan sheegaan in madaxweynuhu Qaadka aad u neceb yahay taasina waa arrin ku dayasho mudan
2.Madaxweynuhu waxa uu soo celiyay karaamadii iyo sharaftii dumarkii kadib markii uu ku yareeyay xilalka xukuumada. Waxa dhegaha dadku ka reysteen kelmadii ‘marwada koowaad’ oo dhiig-kar ku riday dad badan xiligii xukuumadii Siilaanyo
3.Shaqsi ahaan madaxweynuhu waa qof ad adag oo ka dheer jiljileec iyo is-maldhikhin, jidh ahaana waa qof dhisan isagoo madax badan oo dhigiisa ah aad bakhaar moodo
4.Shaqadii ugu fiicnayd ee madaxweynuhu qabtaa waxay ahayd kala eryadii uu kala diray GUDIGA ABAARAHA oo roobka dhibsan jiray

AFARTAAN KAGA BAYDHAY
1.Madaxweynuhu wuxuu aad ugu guuldaraystay inuu soo xusho dad aqoon iyo karti leh oo la shaqeeya taasina waxaad ka garan kartaa xubnaha wasiiradiisa oo badankooda la geeyay meel aanay ehel u ahayn
2.Madaxweynaha iyo dhulka banaan waxa ka dhaxaysa aragti taana waxa sabab u ah dadka faraha badan ee hadh iyo habeen cabanaya, markhaatiyaalna haysta. Horena looma arag madaxweyne iyo dad dhul isku haysta
3.Madaxweynaha iyo xukuumadiisa waxa aad ugu yar dulqaadka. Cid kasta oo dhaliisha waxay kaga jawaabaan xadhig, arrintan oo keentay inay caan noqdaan dad badan oo markii hore xataa aanay jaarkoodu si fiican u aqoonine
4.Madaxweynuhu waxaan weli ka dhaadhicin inuu dalka oo dhan madaxweyne u yahay waana ta keentay inuu beelaha qaar aad u cadaadiyo, arrinkoodana inta badan ka dhigo ku jiqsii