Sabti, 24.11.1984, waxa la afduubay Somali airlines ka haddey Muqdisho, kuna sii jeeddey Saudi Areebiya.
Waxa ay siddey 130 qof oo isugu jira rakaab iyo shaqaalihii dayuuradda oo nooceedu Boeing 707.
Saddex xiddigle Cawil Caddami, Baashe Diig iyo Axmed Waraabe oo saddexduba maanta mootan, AHN, ayaa diyaaraddaas u afduubay Itoobiya, kuna khasbay in ay fadhiisato Addis Ababa, oo xarun u ahayd ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM.
Afduubayaashu waxa ay ka cadhaysnaayeen toddoba dhallinyaro arday ahaa oo dil lagu xukumay, siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Ismaaciil Cali Abokor iyo Cumar Carte Qaalib iyo saraakiil lagu xidhxidhay Muqdisho, waxana dalabyada afduubkooda ka mid ahaa in dhallinyaradaas dilka laga baajiyo, lana sii daayo maxaabiista xaqdarrada siyaasadeed u xidhan.
Waxa aan ka mid ahaa dadkii Addis maalintaas ku sugnaa. Radio Halgan ayaan ka mid ahaa hawl-wadeennadeeda.
Farxadda iyo raynrayntu cirka ayay isku maqiiqday meel kasta oo ay joogeen dadkii ka horjeedey nidaamkii Maxamed Siyaad Barre.
Diyaaraddu markii ay Boli Airport la soo fadhiisiyey ayaannu wax yar ka dib u tagnay. Cabdiwahaab Jaamac Nakruuma oo dhinaca caafimaadka qaabilsanaa ayaa naga mid ahaa.
Raashin iyo dawooyin ayaannu u qaadnay rakaabkii oo markiiba la sii daayey 22 ka mid ahaa oo dumar iyo carruur u badnaa.
Guddoomiyihii SNM ee xilligaas oo ahaa madaxweynihii Somaliland dhowaan kursiga banneeyey, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa nala soo hadlay oo noo sheegay in aanay afduubayaadhu SNM sheegan, Idaacaddana aannan ka sheegin in SNM wax lug ah ku leedahay afduubkaas.
Maalmo ka dib, door muhiim ah oo beesha caalamku ciyaartay awgii, waxa la sii daayey diyaaraddii.
Waxa dilkii laga baajiyey dhallinyaradii, waxana la sameeyey ballanqaadyo in maxaabiista siyaasadda la sii daayo.
Cawil Cadami oo ka mid ahaa ciidamada oo lahaa qorshaynta afduubka, Baashe Diig iyo Axmed Waraabe kalkaaliyeyaal u ahaa, waxa na loogu keenay xaruntii dhexe ee SNM ee Addis Ababa.
Baashe Diig iyo Axmed Waraabe waxa ay ahaayeen macallimiintayadii dugsigii dhexe ee Biyo-dhacay ee Taariikhda iyo Afsoomaaliga iyo Suugaanta sida ay u kala horreeyaan.