Anigu dhab ahaan agaasimahan lama ahi saaxiib dhow iyo qaraabotoona, ee waxaan ahay shaqsi jecel cid kasta oo horumar la jecel dadka iyo dalka.
Waxaan halkan idin kula wadaagayaa hal maalin oon agaasimaha u tagnay aniga iyo shaqaale oo kale oo aanu isku qaybnahay waxaa na dhex maray, bishii shanaad ee sanadkan ayaa goor subax ah agaasimaha ugu tagnay xafiiskiisa anaga iyo dhowr shaqaale kale ahi, waxaanu u sheegnay in waadhkayaga wax ku soo kordhinayno anaguna ka qayb qaadashadiisa ugu horeynayno, waxaanu kala kulanay arin aanan kala kulmin masuuliyiin kale oo ah, maxaa dhiman, intaas baa dhiman ( 60% ), oo ahayd lacag waxogaaya, wuxuuna yidhi maadama idinka oo shaqaale ahiba wax bixinaysaan, waxaa dhiman oo dhan laga bixin maayo dhaqaalaha cusbitaalka ee ana jeebadayda ayaan ka bixinayaa, arintaasi, waa arin uu samayn karo uun shaqsi hogaamiye ahi.
Sanadka kaliya ee uu agaasimaha ka ahaa cusbitaalka Hargeysa Dr abdirahman, wuxuu cusbitaalku gaadhay horumar qayrul caadiya oo cid kasta oo indho horumarka jecel wax ku eegaysaa arki karto.
Dhagax jabey nin kabi kara
Dhul dilaacey toli kara
Gobanimada dhaawacan
Dheeliga ka bi’in kara.
Agaasimahani waa habeen dhalad
Dhulku uu sugaayee
Dhamaantiin u sidaas ku ogaada.
Waxaan idinka codsanayaa in arinkaas bulshada la gaadhsiiyo ( to share ).
Waxaa qoray÷ Dr. farabadane
Bandhige@gmail.com