Akhlaaqaha xumaaday, Q.1aad (W.Q. Maryam M. Faarax iyo Raxma C.C.)

Dalkeena waxa ku soo badanaya akhlaaqo xumaaday oo u baahan in wacyigelin laga sameeyo si loo toosiyo. Haddii uu qof bulsho dhexdeed yimaad, waa in uu aad uga fikiraa una ilaaliyaa habdhaqankiisa iyo dhaqdhaqaaqyada jidhkiisu samaynayaa in ay yihiin qaar waafaqsan akhlaaqda caamka ah. Sidoo kale, waa in ay noqdaan qaar aan wax u dhimayn caafimaadkiisa.

Waxan jeclaysanay in aan dareenkiina ku soo jeedino qodobbo dhawr ah oo ay noola muuqato in loo baahan yahay in qof kastaa ka digtoonaado si dad-la-dhaqankiisu u wacnaado.

Ka daa faraha sanka

Waxaad arkaysaa qof bulsho dhan dhex jooga oo fartiisa ku wadwada sankiisa. Waa arrin dadka badankiisa ugu muuqanaysa yaqyaqsi, sidaas daraadeed wuxu qofkaasi meel kaga dhacay jawigii dadka uu la joogay oo jidhka is gelinaya. Haddii aanu faraha uu sankiisa ku walaaqayaa nadiif ahayn, waxay isaga qudhiisa u soo jiidi karaan caafimaad darro. Sidaas daraadeed, waxan ku talin lahayn in qof kastaa ka war hayo arrinkan ilaaliyana akhlaaqda iyo anshaxa. Qofkii u baahda in uu sankiisa, indhihiisa ama wejigiisa wax ka masaxo, waxa u furan in uu musqusha yara galo, isa soo hagaajiyo kadibna dadka ku soo dhex noqdo.

Qodobka kale ee arrintan la xidhiidhaa waxa weeyi in haddii uu qofku isaga oo dad dhex jooga u baahdo in uu siin ama duuf iska hagaajiyo, waxa habboon in uu isticmaalo shayada ku habboon sida maro nadiif, waana in uu hubiyo in dadka la wadaagaya goobta aanay wax duulduul ahi gaadhin.

Afkaaga ka ilaali in uu dadka shiido

Soomaalidu sideedaba waxa lagu tilmaamaa bulsho hadal badan. Hadalkaasi wuxu u eg yahay in aanu meelna ku joogsan. Waxa jira dad marka cuntada la cuno aad u sheekeeya qosol badana ku dara. Haddii aad tahay qof dhaqankan leh waxa kuu taal hawl muhiim ah oo ah in aad ka ilaaliso wixii afkaaga ka soo duulduulayaa in ay gaadhaan dadka goobta kula wadaagaya. Waa akhlaaq-darro ay dadku aad u dhibsadaan.

Waxa loo baahan yahay in qof kasta oo cunto dadka la wadaagayaa uu marka hore si miyir qabta u sheekeeyo qosolkiisuna ahaado mid aan sababayn arrintan aynu kor ku soo sheegnay. Haddii aanu taas karayn, waa in qofku maro nadiif ah ama warqadda yar ee meel walba lagu iibiyo ee “tissue-ga” la yidhaa uu afka ku qabtaa si uu uga taxadaro arrinkan.

Waxa jira dad iyaguna caadaystay in meel kasta ay candhuuf ku tufaan haddii ay tahay marin la maro, goob dadku fadhiyo, miis dushii, iwm. Waa akhlaaq-darro aad u daran. Waxa habboon in uu qofku dad-la-joog la yimaad, ixtiraam iyo qaddarina u muujiyo hadba ciddii la fadhida, kuna sifoobo akhlaaq-wanaag isla markaana aanu dadka jawiga ka xumayn.

Sidaas daraadeed, fadlan candhuuftaada basri. Meel kasta ha isaga tufin. Ka dhawr in ay dadku arkaan meesha aad ku tuftay iyo sida aad u tuftay isla markaana ay dhibsadaan. Ta ugu darani waxa weeyi haddii ay candhuuftaadu gaadho dadka kale. Waa anshax-xumo aanad dadka xaq ugu lahayn, haddii aad xanuun qabtayna waxa laga yaabaa in aad sidaas ku gudbisay. Haddii aad taay qof danaynaya dad-la-dhaqan wanaagsan, waa arrin aad si hawl yar wax uga qaban karto.  Haddii kale waxad noqon doontaa qof meesha uu fadhiisto laga baydho, ama meesha uu soo fadhiisto laga kaco.

Shiirkaagu cadar maaha

Arrin kale oo muhiim ahi waa ilaalinta guud ahaan nadaafadda qofka. Sheeko gaaban oo arrintan ku saabsan aan idiinka warramo. Maalin ayaa waxa naga xumaaday dhishka telefishanka, kadibna waxanu doonanay ciddii noo hagaajin lahayd. Gurigayagu wuu durugsan yahay basna ma gaadho sidaas daraadeed waxaan ku khasbanaanay in aanu annagu tagno soona kaxaysano nin ka mid ah ragga farsamo-yaqaannada ah ee sameeya dhishashka.

Markii hore saddex qof baanu ahayn. Isaga ayaa afar nagu soo noqday oo kursiga dambe la fadhiistay habro-wadaagtay oo qurbe-joog ahayd oo dalkana ku cusbayd. Gaadhinagana aniga oo Maryan ah ayaa waday. In yar markii aanu soconay ayaanu dhammaantayo gagabnay. Waxa na daaray shiirkiisii iyo urtii dhididkiisa oo ahayd mid aan la xamili karayn oo xadka ka baxsan.

Markiiba waxan dejiyey daaqadaha laakiin jawigii waxba iskama beddelin. Dabadeed waxan haabhaabtay qaboojiyihii (AC-gii) gaadhiga, nasiib-darro wuu ii shaqayn waayey ilayn muddo dheer uma aan baahane. Aniga oo weli ka fikiraya xalkii ayaa waxan maqlay cod matag. “Naa ii jooji gaadhiga” ayay tidhi habro-wadaagtay. Kadibna gaadhiga agtiisii ayay ku matagtay. Iyada iyo gabadh kale oo nala socday waxay go’aansadeen in aanay gaadhiga nala raacin oo aanu u soo noqdo marka aan wiilkan guriga soo dhigo. Isagiina wuu fahmay waxa meesha ka socda kadibna waxa ku dhacay waji-gabax. Bal eega dhibta uu ninkaasi noo gaystay isagiina isku gaystay. Miyaanay akhlaaq-darro weyn ahayn?

Arrinku intaas uun kuma ekaane markii aanu guriga tagnay wuxu galay qolkii uu ka hagaajinayey dhiska. Hooyaday iyo dad kale oo xaafadda joogay ayaa fahmi waayey waxa uraya. Kadibna cod dheer ayay ku yidhaahdaan “Naa maxaa guriga ka uraya, naa maxaa inna soo galay?” Illayn tan oo kale! Ma ninkii oo isoo eegaya ayaan odhan karayaa kanaa uraya. Qolkii uu galo ee uu ka baxaba waxad moodaysay in “air-fresh” qadhmuun lagu buufiyey.

Waxan is weydiiyey sidee ayay dadka uu la noolyahay shiirkiisa u xamilaan. Miyaanay dhibsan dadka uu masaajiddada kula tukadaa…mise tolow maba tukado ?

Nadaafadda iyo dad-la-dhaqanka suuban waa arrin diinta iyo dadnimaduba ina farayso. Walaal ku dedaal inta aanay dadku kaa yaacin!

La soco qaybaha dame…

Waxa qoray: Maryan Maxamed Faarax

marializaf80@gmail.com

Waxa tifaftirtay: Raxman C. C.