Akhlaaqda iyo edaabta (Ethics) (WQ: Rashiid Odowaa)

Waa maxay Adaabtu,side loo qeexaa? side ayay diinteennu u sharaxday? Xagguu ka yimid eraygu ?maxay ka yidhahdeen gabayaagii Somalida ee hore ? maqaalkan kooban ayaynu kaga warrami doonaa wixii allah inaga fahamsiiyo.

Erayga Ethics asalkiisi hore wuxuu ka yimid Greek “Ethikos” “macneheedu yahay dabeecadda uu qof leeyahay”waxay u soo gudubtay Latin “Ethica” waxay haddana u soo gudbtay Franciis “Ethique” sidas ayay English ku timid “Ethics”Siyaabo kala duwan ayay philosofiyuuntu u sharaaxan sida “Socrates,Epictetus,ama ruthworth” oo kale hase ahaatee marka la soo ururiyo waxa loo badan yahay tan hoos ku qoran.

“Marka la qeexayo Aadaabta waxa lagu micneeyaa habka uu qofku isu xukumo naftiisa dhaq-dhaqaaqa nolosha ee uu qabanayo isagoo is weydiinaya maxaa khalad ah,maxaase sax ah?Maxaa xun maxaase wanaagsan?maxaa cadaalad ah maxaase danbi ah?arrimaha tee ayaa mudan in la horraysiyo teebaa la danbaysiin karaa? Waxyaabahan oo dhan oo qaab nidaamsan loo habeeyo ayaa lagu macnayn karaa “Ethics” Aadaab ama akhlaa”.

Qofka aadmiga ah waxa lagu cabbiraa in edaabtiisa iyo akhlaaqdiis laga rabo inay gaadho 85% inta soo hadhay oo 15% ah waxa uu ku buuxin karaa Aqoon iyo Cilmi,waxyaabo kale oo uu hibo u leeyahay sida Aftahamo,Abwaanimo,caqli fiican oo alleh hibo u siiyay,ama xirfado kale sidas darteed haddii qofku aqoon kasta barto oo akhlaaqdiisu yaraato waa waxba kama jiraan, waxa faaiido ah uma keenayo cilmigaa uu bartay haddii aanu Edaab iyo akhlaaq ka horraysiin,Matalan haddii u qofku shahaadoyin badan haysto oo uu ka madhan yahay akhlaaq waxa dhaama qof akhlaaq badan ilahay siiyay haddu doono yaanu lahaan cilmi badane.

Dhinac kasta oo nolosha ah waxa looga baahanyahay inuu qofku Edaab iyo akhlaaq ku wajaho sida “Adaabta Hadalka,adaabta wax iibsiga,adaabta dagaalka,adaabta dilka,adaabta siyaasadda,adaabta wax qoridda iwm”.

Tusaale ahaan haddii qofku uu ujeedinayo ummad hadal ama uu wax qorayo,waxa ka reebban inuu qalinka u qaatto inuu wax ku xumeeyo,inuu cid gaar ah ku weeraro,waxa ka reebban inuu qish “plagiarism” ku sameeyo wax qof hore qoray lkn wuu qor karaa haddii uu magacaabo qofkii qoraalkaas lahaa,sdoo kale qofka qudbad jeedinayaa waa inanu soo xadin hadal qof ka hoorreyay jeediyay,lkn waa inuu yidhaa hebel ayaan hadalkaas ka hayaa,waxa kaloo aan fiicnayn inuu qofku ceebayn isla soo taago madal la fadhiyo,lkn waxa u banana inuu hab asluubaysan wax u toosiyo.

Sanadkii 2012kii ayuu Siyaasi reer Australia “Anthony Albanese” ka jeediyay madal ilyartu is qabatay oo ay fadhiyaan dad badan oo aqoon lihi,hase ahaatee fadexad ayuu kala kulmay,waxa lagu eedeeyay inuu hadalkiisu u ekaa qaybo ka mid ah hadal uu hore u jeediyay Nin maraykan ah oo la odhan jiray “Michael Douglas” keliya waxa uu bedelay magacyadii ku jiray,waxa lagu khasbay inuu raalli gelin bixiyo,waxana la sheegay in siyaasigaas sumcaddiisu hoos u dhacday.

Waxa la rajaynayaa inuu qofku guulaysan karo haddii uu daacad yahay,waxa uu gudbinayona hab aftahanimo u gudbiyo iyo aragti cilmiyaysan,ee aanay ahayn ka hor gee uun, waa waddo sax ah oo kaga badin karo saxibkiisa tartanka kula jira si qurux badan.

U fiirso aayadda 4aad Suuratul “Nuun”ilahay isagoo Nabigiis Muxamed SCW amaanaya wuxu yidhi “waxad ku dul sugantahay akhlaaq wayn” lama odhan waad ku sugantahay ee waxa la ydhi waad ku dulsugantahay macnaha sida faraska oo kale waxay muujinaysaa aayaddu sida akhlaaqda nabigu (SCW) ay u wayntahay mar kale Nabigu wuxuu xadiis laga soo wariyay ku sheegay “Waxa la ii soo saaray inaan akhlaaqda wanaagsan dhamaystiro”

Xayawaanka dadka dhibaateya marka aad dilayo lama ogola inaad nafta ku silciso,haddi aad hal mar usha ku dhufato oo aad nafta dhaafiso ajar ayaad leedahay haddi aad laba jeer ku dhufato ajarkii waad waayaysaa macnaha adaab ayaa meesha laga rabaa,maxaad u malaynaysaa qof ibnu aadam ah oo waliba islaam ah karaadiisa,sharaftiisa,iyo dhiigiisaba waa wax aad u wayn.

Gabay uu lahaa Sayid Muxamad Cabdille xassan waxa ku jiray.“MAANDHOW IXSAAN LAGAMA TAGO EED HADDAAD FALIYE”macneheedu waa wanaag lagama tago xattaa haddii aad qofka is dilaysaan ee waxay u baahantahay in wax la xeeriyo.

Sidaas darteed akhlaaqda oo hagaagtaa waa waxa bulsho dhisi karta,akhlaaqda oo xumaatta waa cudur ku faafi kara bulshada dhexdeeda waxayna halis u tahay inay umadda bur bur ku keento,haddii la kala saari waayo maxaa khalad ah maxaa sax ah.
Somalida ayaa ka mid ah dadyowga abaalmarinta iyo maamuuska siiya qofka khaldan waana arrimaha bur-burka ugu wacan,iyagoo inta badan ka eegaya xagga qabiilka ama danaha khaaska ah.
Gaar ahaan xlligan oo aynu ku jirno bishii ramadaan ee qiimaha badnayd waxa wanaagsan in akhlaaqda iyo edaabta aad loo dhiso.si loogu dhowaado ilaahay ilahay ha ina garansiiyo sida xaqa ah.

Ramadaan mubarak
Rashiid odowaa M.A Diplomacy and IR
khadarsalaan@gmail.com
063-4101213