Tixraac maqaal ku soo baxay wargeyska Foore cadadkiisii 1095, kuna taariikhaysan 10-04-2017. Maqaalka waxa soo qoray Ambassador Rashiid Gaaruf wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka. Qoraalku wuxuu si faahfaahsan uga hadlaya doorka Baananka Dhexe gaar ahaan ka Somaliland ku yeelan karo dhaqaalaha dalka, sarrifka lacagaha iyo adeegyo kale oo badan.
Waxa kale Ambassadoorku tilmaamay cidda ka masuulka ah sarrif bararka sida xun u saameeyay nolosha bulshada. Ugu dambeyn xukumadda wuxuu u soo jeediyay in la hawlgaliyo Bangiga Dhexe ee magac u yaalka ah iyo in meesha laga saaro adeegga Zaadka. Haddaba inkasta oo aan ixtiraamayo aragtida Safiirka iyo aqoonta uu u leeyahay cilmiga maamulka lacagaha sida laga dhadhansan karo qoraalkiisa haddana waxa aan u malaynaya in aanu si fiican uga warqabin waxyaabaha is biirsaday ee keenay sarrif bararka iyo waxa ka socda dalka gudihiisa.
Mr Ambassador waa run umaddaana ka makhraati ah in Baanka Dhexe shaqadiisii gabay laakiin, waxaad ogaata Baanka Dhexe ee Somaliland in uu ka mid yahay โsystemโ dawladeed; waxa uu ku shaqeeya hadba siyaasadda xukumadda jirta u dejiso ama ay ka leedahay dhaqaalaha iyo maamulka lacagaha. Si kale haddii loo dhigo Baanka Dhexe waxa lagu haga siyaasadda iyo barnaamijka madaxweynaha la doortay.
Waxba ha ka warwareegin Baanka Dhexe waxa uu ka fadhiya dhanka xukumadda iyo maamul xumada Madaxweyne Siilaanyo sida aad adiguba xustay waxay ahayd Baanka Dhexe in uu xukumo Baananka Ganacsiga (Islamic) laakiin, iyaga xukuma oo uu u daba fadhiya hawlihii iyo adeegyadii kale ee uu qaranka u qaban laha, xaaladdaasi waxay ka turjumaysa siyaasadda wanaagsan ee xukumadda iyo aqoonta cilmiga dhaqaalaha ee Madaxweynaheenu soo bartay, sidaas daraadeed Baanka Dhexe ma laha canaanta aad u xambaarisay adiga oo iska dhawraya in aad farta ku fiiqdo cidda iska leh dambiga.
Dhinaca kale danjiruhu waxa uu masuuliyadda iyo dhibaatada sarrif bararka dusha ka saaray shirkadda bixisa adeegga Zaadka oo qudha sidii xukumadduba hore ugu dhawaaqday iyaga oo uga jeeday in ay iska jeediyaan cadhada dadweynaha, isla markaa Qoraagu wuxuu aad ugu celceliyay magaca shirkadda qaybta Zaadka iyo doorka ay ku leedahay qiimo dhaca shilinka laakiin, qalinka safiirku waxa uu ka gaabsaday in uu magacaabo shirkaddaha kale ee bixiya adeeggan oo kale.
Si kasta ha ahaatee aan ku soo dhawaado sababaha keenay sarrif bararka:
- Xukumadda oo si masuuliyad darro ah u isticmaasha kharashyo dheeraad ah oo ka badan dakhliga soo gala;
- Ganacsatada qaadka oo habeen kasta dalka ka saarta lacag doollar ah oo lagu qiyaasay saddex boqol oo kun si ay ugu soo bedeshaan qaadka dalka lagu cuno;
- Cuntada iyo qalabka kala duwan ee la soo waarido oo ka badan waxa la dhoofiyo;
- Xukumadda oo doollar ku qaada qaybo ka mid ah cashuuraha oo diiday in lagu bixiyo shillinka Somaliland;
- Musuqmaasuqa oo la ogyahay sida uu u saameeyo sarrifka lacagaha, sixirka alaabta, nolosha danyarta iyo guud ahaan sida uu ula daadago dhaqaalaha.
Haddaba wixii qodobadan ka baxsan saamayn sidaas u sii ridan kuma yeelan karaan sarrifka lacagaha, sidaas daraadeed safiirku muu abaarin halka ay sartu ka qudhuntay balse waxa loo arkaa masuul taageeraya mawqifkii hore ee Xukumaddu ku marin habaabinaysay bulshada.
Qalinka Cabdiraxmaan Cadami