Aniguba waan liibaanee, yaan ladnayn dalkan…Warancadde (W.Q. Fu’aad Sheekh Abubakar)

 

Samadii daruur laguma arag Seerma weydadae
So’dii ceelka waa waxa biyuhu uga sal guureene
Adduunyadu sidaa kuma gudhoo subaxba waa cayne
Nin kastoo sallaan dheer u baxa siibashaa xigiye
Suuldaaro waw halis ninkay rag isa seegeene
Sirqabahana taariikhdu way sahamin doontaaye

Maantana Siciidow waqtigu saamaxaad malehe
Moorada salkeediyo xalaan sugay malluugtiiye
Sufurtaa madow ee dayaxa saaran baan garanne
Dhiig buu sidaa waqalkan aad sagalka mooddaaye
Siigada dhacaysaa ragbay sabibi doontaaye
Ilaahay sidaan ka arki jirey way ku socotaaye

Duulkii sedkoodii dhammaa saancadka lahaaye
Sanbabada gantaalaha ka mudi sahdanbay garane
Waa nayla kala soocayaa subax aan dheerayne
Ninki cadho la sooyaamayow sabirka maad dhowrtid

Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye “Qaasim”-IHUN-

“Dalku maanta maalin uu ka wanaagsan yahay oo ina soo martey  ma jirto” ayuu yidhi Cali Warancadde  

Dhacdo kasta oo aduunka ka dhacda waxbaa laga bartaa, sidoo kale ayaa laga reebaa  warbixin gasha taariikhda. Shalay  Cali Warancade wuxuu ka tirsanaa xisbigii UDUB ee  uu kaalinta ku lahaa burburkiisa, wuxuu taageero laxaad leh u fidin jiray madaxweyne  Daahir Riyaalle, waxaanu  aflagaado iyo  dhaleecaynba aanu ka gaabsan  u jeedin jiray Madaxweynaha iminka Axmed Maxamed Siilaanyo oo markaa ahaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye. Waxaa  ayaandaro laga yaqyaqsoodo ah afkuu shalay ku aflagaadeeyey Axmed Maxamed Siilaanyo ayuu maantana aad ugu amaanaaa. Bulshadu mar kasta oo uu hadlo waxay iswaydiisaa marna intuu kaligii fadhiistay ma  dhageystay hadaladiisa hore iyo kuwa iminkaba.

Dadka hab-dhaqanka  noocan  oo kale lihi  way jiraan,waxaase kaalmeeya  bulshada ay ku dhex nool yihiin.Waa hab-dhaqan  la dagaalankiisa aaney wali u bislaanin bulshooyinka aduunka siiba kuwa qaarada Afrika. Waxaa qaarada Afrika laga doortaa  kuwa  loo arko inay waxyeeladoodu yaraaneyso markay maamulka qabtaan, iyadoo sooyaalkoogu aanu sugayn inay wanaag sameeyayaal yihiin.

Bishan Oogoto markay aheyd 10, 2105 ayaa   wasaarada arimaha gudaha ee uu madaxda ka yahay Cali Warancade warqad u dirtay  mujaahid Axmed jabaan  amreysa inuu joojiyo dhismaha gurigiisa. Arintaasi umay cuntamin Axmed Jabaan oo  halkaa la deganaa caruurtiisa  ilaa  1994 sida la sheegay. Wasaarada arimaha guduhuna may cadeynin sabab uu guriga ku joojiyo oo aan aheyn adeegsiga awoodda dawlada ee laxaad sheegada ah.  Axmed  Jabaan waa mujaahid dulmiga iyo awooda dawlada oo si khaldan loo adeegsado hore uga diiday Afweyne Barre, Sidaa darted ayey warqadani xasuusisay dareen hore oo u ka baqay awooda dawladeed.  Si kastaba arintu ha ahaatee Axmed Jabaan arintaasi lamay haboonaan, maanka wanaagsanina  wuu diidayaa. Dalku wuxuu leeyahay sharci, haddii la leeyahay  meesha ma lihid waa in dacwad lagu soo oogaa oo maxkamada la geeyaa, sidaasi ilaa iminka inay dhacdey lama hayo.

Arintu markay halkaa mareysa ayaa sidii Afweyne u lahaa ciidamadii Dhabarjabinta iyo Hangashta, Dawlada Siilaanyan u leedahay ciidamada  RRU. Sidaa darteed ayuu Cali Warancade oo aqoon u lahaa sidii loo adeegsan jiray lahaa ciidamadii Dhabarjabinta iyo Hangashta, adeegsadey ciidamda RRU una diray inay isagana soo xidhana , reerka  awood ku muquuniyaan. Taasi waxay keentay in wiil  11 jir oo uu dhalay Axmed Jabaan oo xabsidga ku jiraa   uu ku dhinto adeegsiga ciidamda RRU, afar caruurtiisa ka mid ahina ay ku dhaawacmaan, lana aflagaadeeyo xaaska Axmad Jabaan. Muuqaalkaa markaad aragto waxaad dib u jaleecaysaa wixii laga dagaalamey.Waxaana kuu soo baxaya in dalku horumar  dhismaha wadooyinka iyo guryaha gaadhey, hase yeeshee uu dib u dhac weyni ka jiro  daryeelka dadka cadaalad ahaan  iyo kaalmeyn ahaanba,

Hase yeeshee Cali Warancadde oo salaanka siyaasadeed ee la jaanqaadey iyo kurisga lagu boqray eegaya ayaa yidhi:   “Dalku maanta maalin uu ka wanaagsan yahay oo ina soo martey  ma jirto”.  Markay weedhahaasi dhagahaaga ku soo dhacaan, waxaad xasuusnayesaa maansada Qaasim(IHUN)  eek or ku xusan oo ididiilo iyo  tilmaan inoo ah. Sidoo kale waxaa maankaaga  ka soo maaxneysa maansada

Wali dunida kama dhicin

Dawlad maatideedii

Kaare dalun dulceeyiyo

Madaafiic dilaantiyo

Ku duqaysa maadhiin

Wali dunida kama dhicin

Dawlad maantideedii

Hub is daadaheeyiyo

Diiradliyo gamuuniyo

Ku daqiiqda naabaal

Wali dunida kama dhicin

Dawlad maatideedii

Subax mooro duugtoo

Guryahoodi dumi soo

Rabta iney diboodaan

Wali Dunida Kama Dhicin

Dawlad maatideedii

Ciidankii dalkoodiyo

Daraawiish ku saartoo

Ku dabaasha haawey

Wali dunida kama dhicin

Dawlad maatideediyo

Oor yaheeda dooxdoo

Dhallaankeeda dubatoo

Dabar goysa waayeel

Maansadii Wali Dunida Kama Dhicin, Abwaan Axmed Aw Geedi

Waxaan maqaalkeyga ku soo gabagabeynayaa  warbixin uu inoo diyaariyey mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale. Warbixintani wuxuu mujaahid Boobe inagu dareensinayaa dadaalkii iyo halgankii uu mujaahid Axmed Jabaan u soo galey dalkan iyo dadkan si aaney u dhicin in awood dawladeed loo adeegsado  qaadashada xaqooga,   xabsiyada lagu abuuxiyo, caruurtooda qoryaha cashuurta lagu bixiyey lagu dilo, ooryahooda la aflagaadeeyo, iwm.

Waxaanu  yidhi Boobe:

“Dil fool xun oo dhagareed  ayaa ka dhacay Magaalada Hargeysa, oo lagu bartimaameedsaday nin Mujaahid Axmed Jabaan la yidhaah, ayaa isaga oo xidhan xilli ku beegan makhribkii, intay ciidamo ku soo baxeen inay ku durduriyeen qoyskiisi iyaga oo madax ka toogtay mid ka mid ah Caruurtiisi.

Axmed Jabaan waxa uu ka mid ahaa hal-doorkii SNM nin mudakara ayuu ahaa, waxa uu ahaa dadkii gudaha ka shaqayn jiray, markii hore Wakaaladii Bardiroolka ayuu u shaqayn iiray, Sahankii gudahana   ee Ciidankii SNM ayuu ahaa,  gaar ahaan qeybtii 31-aad ama aaga 31-aad, markii dambe shaqadii uu ka tagay, dabadeed gaadhi yar buu wadan jiray, uuna jaadlayn jiray, isaga oo wali shaqadii SNM u haya sirdoonka markii dambe ee la ogaaday ee warkiisu baxay, ayuu Madax ka noqday qaybtii Sahanka, ee jiidii galbeed. 1988-kii iyaga oo ay wada socdaan Maxamed Weere oo Ciidamadii SNM ka mid ahaa iyo Maxamed Ismaaciil (Fitan), ayey Axmed Jabaan xabadi ku dhaceen.

Axmed hadaad aragtaan imika ama sida aan anigu ku arki jiray uu fool jaban yahay, dabadeed xabadii waxa ay kaga dhacday ilkaha, gudahana umay galin, laakiin ilkihii ayuu markii dambe iska soo guray, uuna soo daadiyey, mushiladaas  Axmed ku dhacday, oo qaar badan oo aanu ka mid nahay ku dhacday, oo u soo dagaalamay ama qayb libaax leh ka qaatay dagaalkii dib u xoraynta qaran ee SNM horseed ka ahayd, oo qaar badani ku cel celiyaan oo ay yidhaahdan Axmed baa hogaaminaayey, Axmed baa dibada ugu baxay, Axmed baan u soo dubjiray, is weydiintu waxa ay tahay Axmed waxa uu u dagaalamaayey iyo waxa uu ka dagaalmaayey, cidii la dagaalamaysay iyo cidii uu la dagaalamayey in wixii loo soo halgmay ee uu Axmed hogaamiyaha ka ahaa ay ka mid tahay in dhashii Mujaahidiinta sidaas lagu cuno iyana la xidho waa ayaan daro taala, laakiin kol haddi aynu noolnahay oo aanu joogno, waa waajib ina saaran in khaladadkaas dhacay aynu  saxno, oo guusha aynu xabada ku keenay nay saxno haddii ay khaldantay inaynu ku soo celino oo majaraheedii ku keeno, inaga oo codka sanduuqa ku ridayna, inaga oo hadlayana, inaga oo wax qorayna”.

Xidiga cirkee sare

Xarun taan ka siiyee (Dawlada Siilaayo)

Iyaduna I xoortaay!!!

Xumey dirirkii baaqdaay

Xansheerkaba iyadoon furin

Xariirteeda kala fidin

Xubxubaydin daahyada

Xalka nabada daydayin

Xakamayn waraabaha

Ayay tuute xidhatee!!!!!!!!!!!!

Abwaan Haybe Faarax Nuur

Qalinkii iyo tifatirkii :

Fu’aad Sheekh Abubakar

Bahda Mareegaha Farshaxan

www.farshaxan.com  iyo www.farshaxan.org

admin@farshaxan.com