Maxaa uu yahay xidhiidhka ka dhexeeya edab darrada iyo dambiyada ? inaad xidhato labbiska dhedigga adoo lab ah iyo adoo xidha labbiska labka adoo dheddig ah meelaha qaarkood waa edab darro, meelaha qaarkodna waaba dambi aad ciqaab ku mudanayso halka meelaha qaarkoodna aanay waxba ku jabnayn. Diinta islaamku waxa ay qabtaa qofka cid isku eekaysiiyaa uu iyaga ka mid yahay walow dood badan laga keenay halkaas iyadoo la yidhi maxaa uu yahay waxa dhab ahaan looga jeedo isu eekaysiin ? sidoo kale diinta islaamka waxay ay qabtaa in ay nacdali kusoo degayso qofka xidha labbiska liddiga ah, walow halkanna dood looga keenay oo la yidhi marka horeba labiiska yaa dadka u kala sameeyay. Sida ay qabaan bulsho baadhayaashu waa ku ku xad-gudubka hiddaha, dhaqanka iyo diinta ay bulsho gaar ahi haysato. Bulsho kasta oo adduunkan ku dhaqan waxa ay leeyahay xeerar dhaqameed u gaar ah oo ay bulshooyinka kale ee adduunka ay kaga duwan yihiin.
Anshax xumo, edab darro amma akhlaaq xumo waa erayo aynu badanaa adeegsanno, innagoo ku sheegna qof innoola dhaqma amma ku hadla waxyaabaha ay bulsho gaar ah ay u aragto in waxaasi ay yihiin wax xun. Khadra daahir ayaa ku heestay โ Waxaad ceebta u taqaan qofbay camalkiisa tahayโ anshax amma edaab waa aragti ku qotonta falal hab dhaqankeenna kasoo fula kuwaas oo aynu isla qaadannay in falkaasi xun yahay amma uu wananagsan yahay. Sidoo kale fal amma hadal qof kasoo fula ayaa aynu nidhaahdaa waa fal wanaagsan amma xun innagoo xeerinaynaa xeerarka iyo anshaxa ay bulsho leedahay.
Culimada aqoonta u leh arrimaha bulshada ayaa ku dooday in anshaxa iyo edaabtu ay yihiin waxyaabo kasoo fula diimaha kala geddisan, iyadoo doodo badan laga keenay xagga ay ka yimaaddeen waxybaaha laga siman yahay ee uu bani aadamku wadaago iyagoo kala af iyo diin ah. Haddana doodasi waxa ay noqdeen kuwa bura markii la arko bulsho samaynaysa waxyaabo ay diintoodu ka reebtay, halka qolyahaya cilmiga naftu ay ku doodayaan inay kala madax bannaan yihiin baahiyaha qofka iyo waxa ay diintu farayso, arrinkaasna waxa diiday wadaada diimaha oo la shir yimi in fal kasta oo qofku samaynayo ay diintu u sheegtay.
Waxa dood badan laga keenay waxa sal u ah akhlaaqda amma anshaxa, kuwo badan ayaa ku dooday in anshaxa iyo akhlaaqda ay sal u yihiin diimuhu, halka qaar kalena ay ku doodeen in dhaqanku uu yahay waxa sal u ah anshaxa iyo edaabta. Nebiga Scw waxa uu leeyahay โ waxa laysoo diray inaan dhammaystiro akhlaaqdaโ tani macnaheeda ay ah in akhlaaqdu amma anshaxa uu yahay waxa jira oo ku abuuran bani aadamka. Si kastaba lama odhan karo anshaxa iyo edaabtu waa waxa ay ka siman yihin aadana keliya aan ahayn in bulsho kasta haysato waxyaabo ay anshax u yaqaanniin oo bulsho kale anshaxdarro amma edab darro u taqiin. Keliya waxa laysku raacsan yahay sunnayaasha kawniga ee ka midka yihiin, runta, daacadnimada, naxariista, dulqaadka iyo deeqsinimada.
Xakamaynta bulshada
Marka uu qofku ku xad-gudbo xeerarka bulshada maxaa dhaca ? Soomaali ahaan waxa aynu leenanahay xeerar oo is dhexyaalla, oo kale ah xeerarka shareecada, xeerarka dhaqanka iyo xeerarka dastuurka. Ka hor ilbaxnimada aadahan, badiba bulshooyinku waxa ay isku xukumi jireen xeerarka dhaqanka iyo diinta. Xeerarku mar kasta waa ay ka awood badan yihiin dhammaan xeerarka kale. Tusaale ahaan bulshada soomaalida waa bulshada ugu badan ee dabaqada xeerarka diinta iyo dhaqanka, maaddaama aynu nahay bulsho ka dib dib dhacday dawladnimada, asalkii horena aha bulsho reer guuraa xoolo dhaqato ah ah oo uu samayssan reero.
Bulshooyinka ku hoos nool dawladnimada waxa aad loo tix geliyaa sharciga, kaas oo ah awoodda ugu sarraysa ee aanay cidna si gaar ah u adeegsan karin. Tusaale ahaan waxa xeerar adag loo sameeyay waddo marista, haddii waddo loogu talo galay in gaadhigu uu ku socdo 50 kiiloo mitir saacaddii oo aad ku marto 60 kiiloo mitir saacadddii waxa ku qabanay xeerka loo dejiyay waddo marista. Sidaas oo kale Soomaali ahaan haddii aad qof aflagaaddayso oo aad nasab caydo waxa hubaal ah in xaal laga qaado.
Xakamaynta bulshadu waxa ay noqon kartaa mid taban iyo mid toganba, tusaale ahaan waxa dhacda in mid ka mid ah ardayda lagu abaar mariyo inuu ahaa ardeyga ugu akhlaaqda wanaagsan dugsiga. Sidoo kale qof ayaa lagu ciqaabayaa inuu sameeyay fal xatooyo ah. Walow xadistu ay tahay fal dambiyeed ay ka siman yihiin dhammaan aadanuhu. Bani aadamka waxa uu noolayaasha kale kaga duwan yahay ayaa ah inuu yahay noole leh garaad iyo dhaqan. Saas awgeed bulshadu si ay u wada noolaato waxa ay u baahan tahay xeerar kala xadeeya oo kala qabta dadka. Haddii aanay xeerar jiri lahayn arladu waxa ay noqon lahayd mid fawdo ah oo laysku taagsado oo midba midka uu ka awood wayn yahay ayuu cagta hoosteeda dhigi lahaa.
Xakamaha aadamaha waxa ka mid ah diinta, damiirka iyo shuruucda. Keliya qofka uu iimaankiisu uu dhab yahay waxa qabanaya diintiisa, sidoo kale qofkii u hoggaansan xeerarka bulshada waxa qabanaya damiirkiisa, sidoo kale qofkii diintiisa iyo damiirkiisu qaban waayaan waxa qabanay xeerarka iyo shuruucda ay bulshadu leedahay. Sida uu Nebigu Scw innoo sheegay wakhtiyada dambe waxa imanaya dad damiir xun oo akhlaaqxun, kuwaas oo u muuqda inay tahay wakhtigii nebigu sheegay kuwaas waxa qaban doona sharciga, maxaa leeyahay aadanuhu waa mid indho ku garaad leh ah oo wixi indhihiisu qabtaan uun aamina.
Sidaas oo kale, xakamayntu waxa ay noqon kartaa mid khasab ah iyo mid doorasho ah, tusaale ahaan waddama uu kasoo shaqeeyay nidaamka keli talisnimadu bulshada waxa uu ku khasbayaa inay sameeyaan waxa aany raalli ka ahayn iyadoo ugu habjabaya inay dilayaan amma ay xidhayaan, wakhtigan casriga ah qofku waxa uu u madax bannaan yahay waxa uu samaynayo aan ahayn inuu ka joogsado waxa uu xeerku reebay oo ah in aad ku xad gudbin xuquuqda ay dadka kale yihiin iyo xeerarka u yaalla bulshada amma dawladda.
Dambiyada
Erayga dambi asal ahaa waa af-carbeed, afka ingiriisiga waxa jira laba eray oo loo adeegsado dambiyada, kuwaas oo kale ah (Crime iyo Guilt). Erayga Crime marka la joogo dalka maraykanka waxa loo adeegsadaa dambiyada ay ka dhalanayso in lagu ciqaabo, macne ahaan dambi kasta oo kasoo hor jeeda sharciga ayaa loo odhanayaa Crime. Asal ahaan marka la baranayo cilmiga dambiyada waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kale ah (Violent crimes and non-violent crimes) oo af soomaali ahaan noqnaya dambiyada rabshadda wata iyo kuwa aan wadan. Waxa kale oo la odhan karaa dambiyada ka dhanka shakhsiga iyo dambiyada xatooyada amma dhicista.
Qof tuug ah ayaa kusoo weeraray ka dib waxa uu kaa qaaday wax aad sidatay, sidoo kale tuug ayaa usoo dhacay gurigaaga ka dibna alaab ayuu ka qaatay. Labadaa fal dambiyeed kee ayaad u malaynaysaa inuu cijaab daran yahay ? hubaal halkan waa lagu kala tagayaa oo waxa suuro gal ah in dadku u bataan dambiga guri jabsada inuu daran yahay, laakiin sida uu sharcigu qabo dambiyada waxa ugu ciqaab adag dambiyada ka dhanka ah shakhsiga, waayo nafta aadanaha waxa ka qaalisan ma uu jiro.
Diinta Islaamka, dambiyadu waa kuwo aad ilaahay ka gashay sida inaad caasiday oo aad ka gaabisay cibaadooyinkiisa, iyo kuwo aad addoomihiisa ka gashay. Axaadiis badan iyo aayado badan ayaa kusoo arooray dhawrista iyo ilaalinta qofka bani aadamka ah, tusaale ahaan waxa jira xadiis nebiga ka sugnaaday oo odhanaya, Muslimku waa walaalka Muslimka kale waxa ka xaaraan ah dhiiggiisa, xoolihiisa iyo sharaftiisa. Saas awgeed dambi aad ka addoomaha eebbe, eebbe kaama dhaafayo. Sidaas oo kale dadka aan muslimiinta ahayna waa inay kaa nabag galaan aan ahayn inan kugu soo doontaan dhulkaaga iyo diintaada. Mar kale Suubanuhu waxa uu leeyahay โMuslimku waa kan laga nabad galo afkiisa iyo addinkiisaโ
Haddaba maxaa uu yahay xidhiidhka ka dhexeeya dambiyada iyo edab darrada? Sida aynu kor kusoo xusnay edab darradu ka hor imaanshaha iyo ku xadgudubka xeerarka iyo sharciga u yaalla bulshada, sido kale edab darro wa ku xad gudubka anshaxa bulshada saas awgeed, qofka edabta daran waa uu ka xun yahay qof ka hor yimi sharciga, waayo sharcigu waa wax uu aadanuhu isku raacay halka anshaxa amma akhlaaqdu yihiin sunne kawni ah, si haddaba looga hor tago anshax darrada iyo dambiyada ayaa waxa diimaha iyo dhaqannada laga soo dhanbalay shuruuc badan oo lagaga hor tagayo wax kasta oo bulshada iyo shakhsiyaadkaba dhibaato u keenaya.
Ugu dambayn nuxurku waxa weeyaan in aad loo darso, salka hoose ee dambiyada iyo anshax darrada ka soo fula shakhsiyaadka qaarkood, xakamaynteedu waa waxa ku waajib ah bulsho kasta in la yeereeyo dhibaatooyinka ka dhasha dambiyada iyo guud ahaan anshax darrada. Qof kasta oo barta aqoonta bulshada, dambiyada iyo sharciga waxa habboon inay innooga faaโideeyaan aqoontooda ku addan arrimahan.
W/Q: Mukhtaar Axmed.