Anshaxii saxaafada iyo masuuliyadii tifaftirka maxaa meesha ka saaray? (WQ: Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”)

Saxaafadii Somaliland waxay noqotay meel cayda laysku mariyo.
Hay’ad walba oo warbaahineed waxay lee dahay oo xilalkeeda ugu muhiimsan waa masuuliyada “Tifaftiraha”, oo ah masuulka warkasta oo uu weriye keeno dib u eega kuna hubiya in uu yahay mid ummadda ku xidhan loo gudbin karo iyo in kale.
Waxa Tifaftiruhu hubiyaa in warkaasi uu yahay :-

* Mid dhacay oo xaqiiq ah.
* Mid miisaaman oo dhinac ka rarayn.
* Mid run ah.
* Mid aan ku salaysnayn shakhsi weerar.
* Iyo inuu yahay mid waadix ah oo la fahmi karo.

Nasiibdarada maanta jirta inta waxaasi oo idil laysla soo dhaafay oo ay TVyadeenii ka socoto cay aan geedba loogu soo gaban oo shakhsi weerar ah.
Waxaan daawaday waraysigii xildhibaan Xassan Shahar waxay ahayd in saxaafadu ay tifaftirto oo ay ummadda uga soo gudbiso waxaan isna sharaftiisa wax yeelayn, cidii uu jawaabta siyaasiga ah ku waday ee ahaa Afhayeenka Wadani Haldoor Barkhadna aan shakhsi weerar ku ahayn oon si hoose u abaarayn inay ka qaataan.

Sidoo kale waxaan ilaa iyo maanta arkayaa in haddana ay saxaafadu soo duubtay waraysiyo ay bixinayaan ashqaas kale oo lagu weeraraayo isla xildhibaan Xassan Shahar taasi oon ka hadlayn mawduuca doodu ka dhalatay laakiin ah aflagaado lagula kacaayo isna xildhibaanka, iyadoo aad moodo in ay caruuri iska caayayso warbaahintii ummadda ama uu soo gudbinaayo qof weriye sheeganaaya cayda qofka kale.
Fadlan waxaan saxaafada Somaliland kula talin lahaa in aad ilaalisaan anshaxa saxaafada oodan noqon warqad boosta la dhigay oo qofkii qoray sidii uu u qoray u gaadha qofkuu ku waday.