Ansixinta Saddexda Xubnood ee Guddiga Doorashooyinku maxa ay micno u samaynaysaa Mucaaradka iyo Muxaafidka? W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Dhinaca dawladda waxa ay micno u samaynaysaa in ansixintu ay mihiim u tahay hawsha socota ee ururrada lagu kala saarayo, marka laga baxo wejiga labaad. Waayo guddiga diiwaangelinta hawshoodu waxa ay ku kooban tahay kala saarita wejiga labaad, markay codeynta gaadho waxa hawsha la wareegaya guddiga doorashooyinka.

= Mucaaradka waxa micno weyn oo ay u samaynaysaa ma jirto, waayo doorashaddii madaxtooyada ee ay doonayeen inay wakhtigeeda ku dhacdo suurtagal maaha inay qabtaan. Waayo waxa laga soo gudbay 120 maalimood ee sharciga ahayd inay guddiga doorashooyinku muddeeyaan maalinta doorashadda madaxtooyadu dhacayso.

= Fadhigooda koowaad markay darsaan duruufaha ku xeeran hawasha doorashadda madaxtooyada waxa ay soo saari doonaan waraaq sheegaysa wakhtiga ay ku qaban karaan doorashadda madaxtooyada. Waana in waraaqddaasi ay ka soo horraysaa 13 Oktoobar 2022. Ka dib madaxweynaha ayey waraaqdda ku socodsiin doonaan, madaxweynuhu wuxuu waraaqdda isu dhaafin doonaa golaha guurtida. Golaha guurtiduna guddigi ayey u saari doonaan wakhtiga ugu macquulsan ee doorasho madaxtooyo dhici karto. Halkaasi waxa ka soo baxay muddo kordhin aan ka yareyn laba sanno.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com