Badiba dadka bani aadamka ah waxa ay sameeyaan qiimayn iyo is barbar dhigid ku aaddan dadka kale iyadoo laga eegayo dhinacyo badan, tusaale haddii koox ay doonayso inay doorato qof hogaamiye ama guddoomiye ah waxa dhacda in dadka qarkood ay dhahaan hebel ama heblaayo ayaa booskaa igaga wanaagsan. Sidaas oo kale qaybaha bulshada ee kala ah, ardeyda, ciyaartooyada, guddiyada xaafadaha iyo guud ahaan ururada waxa aynu ku arkaynaa dad badan oo odhanaya aniga arrinkaas hebel amma heblaayo ayaa igaga fiican ama igaga wanaagsan.
Aragtidan waxa wax ka yidhi (Leon Feininger 1871-1956) oo ah farxaniiste jarmal ah waxa uuna yidhi, dadku waxa ay qiimayn ku sameeyaan dabcigooda, kartidooda iyo astaamahooda duleed si ay u ogaadan kuwa ka fiican iyo kuwa ay wax kaga wanaagsanyihiin. Is barbar dhigiddu waxa ay leedahay dhinac xun iyo dhanax wanaagsan, waxa ay noqon karta mid wannagsan maadama qofku qof kale uu uu quudhayo inuu shay kaga wanaagsan yahay, tusaale ahaan qof ayaa loo doortay inuu xaafadda gudoomiye ka noqdo ka dib qiimayn uu naftiisa ku sameeyay wuxuu odhanayaa hebel ama heblaayo ayaa shaqadan igaga wanaagsan. Dhanka kale waxa ay noqon kartaa mid xun iyadoo qofku isku arko mid dhammantii quman oo aanu lahayn wax iin ah.
Aragtidan waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo la kala dhaho Upward Comparison Iyo Downward Comparison, labadan qaybood waxa ay kala sheegayaan Af-soomaali ahaan is bar bar dhig togan iyo is barbar dhig taban, midka taban ayaa lagu sheegaya in qofku isku qaato inuu dadka ka wanagsan yahay dabci ahaan uu kaga wanaagsan hawl ahaan, halkan midda togan ay tahay hannaynta iyo u quudhidda dad kale waxa ay kaaga wanaagsan yihiin, waa sifo iyo dhaqan wanaag suubban. Si guud is barbardhigu marka loo adeegsado dhanka wanaagsan.