Araar.
Qoramadani waxay falanqeynayaan wax ka bedalka xeerka kufsiga iyo sinada ee Golaha wakiilada soomaliland dhawaan ansixiyay walow aanu sharci ahaan dhaqan gelin oo ay u hadhsan tahay dooda golaha guurtida iyo saxeexa madaxweynaha .
Waxay aragti guud ka bixinaysaa aasaaska sharci, qaab-dhismeedka qoraaleed, nuxurka iyo macnaha qaanuuneed ee uu xambaar san-yahay Mashruucan sharci.
Waxay daraasad iyo raadraac ku sameeynayaan mabaadi’da iyo halbeegyada xeer-dejineed ee Caalamiga ah, waxay sidoo kale soo bandhigayaan mabaadi’da guud ee xeerisa sharciyada dembiyada iyo ciqaabta.
Waxaan faallo iyo naqdin cilmiyeed ku samaynaynaa cutubyada, qodobada iyo faqrooyinka uu ka kooban yahay Mashruucan sharci anagoo soo bandhigi doonna khaladaadka iyo dhaliilaha xagga nuxurka, fahamka iyo, macnaha ee ku jira Mashruucan sharci.
Waxaan sidoo kale diiradda saaraynaa isburinta ku jirta qoraalka iyo siduu u khilaafsan yahay Shareecada Islaamka.
Waxay qoromodani ku qotomaan daraasad sharci oo ku dhisan soo-bandhigadda mabaadi’da ee la xiriira xeer-dejinta, waxay sidoo kale indha-indhayn ku samaynaysaa aragtiyada sharci ee la xiriiraa xeer-dejinta dembiyada iyo ciqaabta.
Waxay soo gudbinayaan dood ku dhisan falanqeyn iyo naqdin, waxay si gaar ah u tixraaceyaan mabadi’da la xiriirta sharciyadda xeerarka dembiyada iyo ciqaabta ee caalamiga ah iyo tan Shareecada Islaamka.
https://www.youtube.com/watch?v=vLHZqtaLbk0 (Golaha wakiilada Somaliland oo cod u qaadaya ansixinta wax ka bedalka xeerka kufsiga).
GOGOLDHIG:
25 August 2018 Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi waxa uu saxeexay dhaqangalka xeerka kufsiga iyo xadgudbyada jinsi ee xeer L/R 78/2018 oo ka immi Aqalka Golaha wakiilada oo diiday wax ka bedal ay ku sameeyaan Golaha Guurtidu,waxaanu ku soo baxay Faafinta Rasmiga ah ee dawlada oo ka dhigaysa inuu yahay xeer dhaqan gal ah oo qabanaya cid walba oo ka talaabsata qodobada uu xeerkaasi jideeyay,waana marki ugu horaysay ee ay somaliland yeelato xeer kufsi oo lagu yaraynayo tacadiyada jinsi ee lagula kaco haweenka iyo Hablaha reer Somaliland oo sanadba sanadka ka danbeeya ka sii badanayay intii hore.
Hore waxa uu jiray xeerka ciqaabta guud ee soomaliya somali penal code 1963 oo ah qanuun gaboobay oo ay Somaliland si ku meel gaadh ah ugu sii shaqayso sida ku cad qodobka 130 Faqradiisa 5aad ee Dastuurka Somaliland.
http://www.warsamelaw.so/en/cases/xeerka-ciqaabta-soomaaliyeed/
Xeerkan oo si kooban oo aan cadayn uga hadlaya kufsiga isla markaana aan la jaan qaadayn noocyada kufsi ee manta dhaca iyo duruufaha lagu gaysto iyo sidoo kale ciqaabaha ay la kulmaan dambiilayaasha gala falalka kufsi ayay ha,yada garsoorka iyo dacwad oogistu ku shaqaynayeen 28 sano ee la soo dhaafay.
http://www.somalilandlaw.com/xeerka_kufsiga.pdf
Xeerkan cusub ayay dunida iyo ururada xuquuqul insaanka ee soomaliland ba ay si wada jir ah u soo dhaweeyaan balse dood ka timmi qaybo ka mid ah culimada dalka oo qalad fahmay xeerka ayaa ku tilmaamay inuu yahay xeer ka hor imanayaa shareecada islaamka iyadoo uu madaxweynuhu saxeexay isla markaana uu dhaqan galay xeerkaasi buuq badan ka bacdi madaxweynuhu gudi culimo ah oo uu saaray si ay uga soo talo bixiyaan wax ka bedalna ugu sameeyaan ayaa xeerki la galiyay kor u hay ,,ON HOLD,,.
Taas oo ka dhigaysa inay sharci daro tahay talaaabada ay dawladu qaaday .
Sharcnimada Xeerka Hore ee kufsiga iyo tacadiyada jinsi xeer L/R 78/2018.
Sida uu qabo dastuurka Somaliland mashruuca sharci waxa uu xeer noqdaa oo uu dhaqan galaa marka uu maro labada gole ee barlamaanka ka bacdina madaxweynaha loo gudbiyo ,madaxweynuhu waxa uu awood u leeyahay inuu awooda diidmo ah ku celiyo xeerka VETO mudo 21 maalmood gudahood ah oo aanu saxeexin ama inuu xeerka saxeexo .
Hadii uu saxeexo waa dhaqan gal oo mudo sanad ah lagama doodi karo wax ka bedalna laguma samayn karo,hadii se uu diido inuu saxeexo laguma soo celin karo mudo sanad ah isagoo raacinaya Diidmadiisa qoraal sharci ah oo sababaysan,hadii uu madaxweynuhu labada talaabo midna qaadi waayo sidaasu ku dhaqan galayaa xeerkaasi .
Hadaba waxa xusid mudan iyada oo uu xeerkani maray dhamaan jidadkii mashruuc sharci uu mari jiray maxaa loogu sameeyay wax ka bedal inaga oo qayta hoose ku dul istaagi doona ceebaha iyo dhaliilaha sharci ee uu xambaarsan yahay wax ka bedalka cusubi xeer ahaan iyo xaqiiqo ahaanba.
Sidee loo joojin karaa xeer dhaqan gal ah ?
Qof kasta oo danaynayaa xeer ka hor imanaya dastuurka oo ku salaysan shareecada islaamku ama go,aanada dawlada waxa uu xaq u leeyahay inuu dacwad cabasho ah ka furto Maxakamada dastuuriga ah oo ka go,aan gaadha muranada iyo fasiraadaha shuruucda wadanka sida ku xusan xeerka Nidaamka Garsoorka Xeer L/R 24/2020. http://garyaqaankaguud.com/wp-content/uploads/2020/04/Wax-ka-beddelka-iyo-Kaabista-Xeerka-Nidaamka-Garsoorka-Jamhuuriyadda-Somaliland-Xeer-Lr.-24-2020..pdf
Culimada diinta ee ka cabanaysay xeerkani may gudbin dacwad dastuuri ah taa badalkeedana maxakamada dastuurku wax go,aan ah oo ay ku tirtirayso qodob ama qodobo ka mid ah xeerkaasi kamuu soo bixin Doodayda sharci waxay tahay inuu xeerki hore sax yahay ilaa iyo la marayo talaabooyinka saxda ah ee wax ka bedalka xeerarka ee uu dastuurku dhigayana waxay tahay inuu shaqeeyo xeerkaasi oo ay dabaqaan Maxakamadaha iyo Ha,yadaha Cadaaladu.
Ceebaha sharci ee wax ka bedalka xeerka Kufsiga iyo sinada
Ugu horayn wax ka bedalka ay ku sameeyaan Golaha wakiiladu xeerkan waxa uu khatar ku yahay xuquuqda dhibanayaasha loo gaysto tacadiyada kufsi ama jinsi waxaanu xadidayaa xuquuqaha ay leeyihiin ,sidoo kale waxa uu ciqaabo aad u yar saaraya dambiilayaasha isagoo ciqaab aad fuduud saaraya isla markaana aan u eegaayn duruufaha dembiga cusleeya .
Xaga erey bixinta oo kale xeerkani waxa la isku daray laba dembi oo la rabo in hal xeer lagu wada dambiyeeyo ciqaabana lagu soo rogo .
Mana aha xeer Guud oo lagu qoro dhamaan noocyada dembiyada ee waa xeer gaar ah oo loogu talo galay in lagu ciqaabo falalka kufsiga ah oo qudha ,hadii se laga tagi waayo sinada xeer gaar ah waa loo samayn kara walow uu xeerka ciqaabta Guud ka hadlayo sinada iyo Galmada la isla oggol yahay iyo ciqaabteeda shareecadiina inoo tiil oo lagu dabaqi karo .
Macno ahaan halkan waxa loogu soo daray sinada in laga dhigo qayb kufsiga ka mid ah dadkii u ololaynayayna waxay ku doodayeen in xeerkani banaynayo sinada.
Balse sharci ahaan iyo shareeco ahaan labaduba isku mid uma yaqanaan kufsiga isku ciqaab maaha isku qeexid maaha isku shuruudana maaha .
Tusaale ahaan Kufsigu waa Kufsi” Waxaa loola jeedaa galmo kasta oo qof ama in ka badani kula kacaan qof kale, oo ka jinsi duwan meher la’aan ama la jinsi ah, iyadoo la deegsanayo xoog, awood sheegasho, handidaada, hub ama afduub.
Sinaduna waa “Sino” Waxaa loola jeedaa galmo kasta oo ay sameeyaan laba qof oo aan is qabin si rabitaankoda ah.
Sida ay u kala macno duwan yihiin bay ukala ciqaab duwan yihiin oo aanay hal meel u wada gali Karin,garsoorka waxa uu ku noqonayaa caqabad inay ku shaqeeyaan xeerkan oo ah mid madmadaw badan ku jiro oo aan cadayn dacwad kasta oo la hor keeno oo kufsi ahna waxa uu dhigaya ciqaab yar halka uu sinadana ka dhigayo in loo raaco shuruudo adag ,Tusaale ahaan xeerkani ma dhigayo ciqaabaha Dilka iyo xabsi daa,inka oo uu kii hore dhigayay sidoo kalena waxa uu ka dhigaya ciqaabaha mid furan oo laga doodi karo .oo laga heshiin karo .
Waa marin habaabin cadaladeed waxaanay ka hor imanaysaa Go,aaanadi hore ee ay dawladii hore ka soo saartay inaan dacwad kufsi heshiis laga gali Karin. https://www.youtube.com/watch?v=s_QDDnqQJe0 oo ku cad lifaaqan muuqalka ah .
Xeerkani waxa uu ogolaanaya Guurka khasabka ah iyo Guurka caruurta yaryar ee aan qaangaadhin labadan talaababa waxay si cad uga horimanayaan shareecada islaamka iyo Axdiyada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka sida CRC iyo CEDAW Convention.
Gaar ahaan qoodbka 12aad waxa uu ka kooban yahay sadex faqradood oo banaynaya Guurka qasabka ah gaar ahaan faqrada 2aad oo ku khasbaysa inan kastaa inay aqbali karto guur aanay raali ka ahayn ,iyo faqrada sadexaad oo oggolaanaysa Guurka ilmaha aan qaan gaadhin halka ay faqrada 1aad dambiga kala cararayso waliga isla markaana ay saarayso qofka gabadha qasabka ku guursada marka shareecada laga hadlayo gaar ahaan Baabka Nikaaxa shanta shardi ee uu ka kooban yahay waxa ka mid ah Waliga ama qofka gabadha bixinaya sida aabaheed ,adeerkeed ,walalakeed aabo ama Awoowgeed aabo. Gabadhna lama guursan karo wali la,aan oo waa sharci daro sida ku cad qodobka 426 ee Xeerka ciqaabta Guud.
Ciladaha Cadaymaha Kufsiga
Madmadaw badan baa ku jira dhanka cadaymaha oo aan Somaliland ka samayn hormar balaadhan gaar ahaan Mashiinka loo yaqaan ,Forensic machine ,oo aan wadankaba oolin iyo khibrada iyo tayada baadhiseed ee dembi baadhista iyo ha,yadaha amaanka oo aad u hoosaysa aadna u liidata ayaa iyaduna qayb ka ah helida cadaymo sugan walow laba dariiq uun loo mari jiray cadaymaha kufsi oo kala ah
- Qoraal dhakhtar
- Iyo Nabarada jidheed ee ka muuqda qofka eedaysanaha ah.
Xeerkani waxa uu gabi ahaanba Meesha ka saaraya in dacwadaha kufsiga loo isticmaalo cadayn ahaan qaabka baadhista caafimaadka casriga ah ee loo yaqaan Forensic Machine.
Hada xeerkan cusubi waxa uu Meesha ku soo Daraya maragyo waxay se hilmaansan yihiin mudanayaashi xeerkan ansixiyay inaan kufsigu ka dhicin meelaha caamka ah ee uu ka dhaco meelo qarsoodi ah oo aanay cidina ogaan Karin cidna arki Karin.tanina waxay caqabad ku tahay dhibanayaasha soo doonta cadaalada oo ay ku adkaan doonto inay maragyo helaan ugu marag fura maxakamada dhaxdeeda in la kufsaday.
Dhanka kale waxa uu samaynayaa takoor iyo waxa loo yaqaan dhaleecaynta dhibanaha,, Victim blame,, oo ku khasbayo inaanay soo dacwoon Karin haweenka aan dhaqanka wanaagsan lahayn/lagu aqoon taas oo ah takoor cad oo ku salaysan jisniga dhedignimo kana dhigaya haweenku marka uu kufsi ku dhaco inaanay ha,yadaha dawlada u dacwoon Karin .
Xeerarka caalamiga ah ee uu khilaafayo xeerkani.
Sida ku cad qoodbka 10aad (3)ee dastuurka una dhigan sidan hoose
Jamhuuriyadda Somaliland waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah; waxa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga (Universal Declaration of Human rights).
Hadaba maadama oo uu dastuurku damaanad qaaday ku dhaqanka qanuunka caalamiga ah ee dawladaha isla markaana lagaga dhaqmayo Somaliland iyadoo loo raacayo Tafsiir kasta oo xeer la samaynayo ama go,aan fulineed oo ay dawladu qaadanayso waa inay tixgelisa una raacda Mabaadida qanuunka caalamiga ah sida ku xusan isla qodobka 21aad(1) ee dastuurka oo waxba kama jiraan ku tilmaamaya xeerarka aan waafaqsanayn qanuunka caalamiga ah ee dawladaha.
Waaxaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ee Qaranka iyo kuwa dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, heer kasta ha ahaadeene, waxay u hoggaansamayaan shuruucda ku cad qodobada xubintan.
Waxaanu dastuurku tilmaamaya gaar ahaan xubintan 21aad faqradeeda labaad xeer kasta oo la xidhiidha xuquuq in lagu dabaqayo qanuunka caalamiga ah iyo bayaanada xuquuqul insaanka ee dastuurka ku xusan .
Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan.
Sidaa awgeed xeerkani waxa u khilaafsan yahay Axdiga xuquuqda Caruurta ee soo baxay 1989
https://www.ohchr.org/Documents/ProfessionalInterest/crc.pdf
Waxaanu khilaafaya Mabaaadida ugu waawayn ee uu Axdigani siinayo ilmo kasta oo dunida ku nool oo ka kooban afar xaq kalana ah.
- Xaqa ah innaan ilmaha la takoorin.
- Tix gelinta danta ilmaha.
- Xaqa Nolol waarta iyo Hormarka .
- Iyo in la ixtiraamo Aragtida ilmaha.
Hadaba Guurka caruurta ee uu xeerkani damaanad qaaday waxa uu si cad u khilaafsan yahay Axdiga caalamiga ah ee xuquuqda caruurta ,hadii ay xeer calami ah iyo xeer maxali ahina is khilaafaan waxa la horaysiinaya oo muhiimada iska yeelanaya Xeerka caalamiga ah iyada oo la eegayo curfiga caalamiga ah ee dawladaha.
Dhanka kale xeerku waxa uu lidi ku yahay mar kalana khilaafaya Axdiga caalamiga ah ee ka hortaga iyo suulinta dhamaan noocyada takoorka ee dumarka loo gaysto mid jidheed iyo mid maskaxeedba.
https://www.ohchr.org/EN/ProfessionalInterest/Pages/CEDAW.aspx
Axdigan qodobkiisa 1aad waxa uu mamnuucaya nooc kasta oo faquuq ku salaysan jinsi in laga ilaaliyo dumarka isla markaana dawladuhu ka soo saaraan siyaasado iyo shuruuc gudaha ah oo dumarka ka ilaalinaya Takoorka jinsi ee lagula kaco .
Waxase xusid mudan xeerkan cusub ee loogu magac daray xeerka kufsiga iyo sinada qodobkiisa 35aad faqradiisa 2aad oo uu dhigan sidani inay ka hor imanayso Axdigan caalamiga ah iyo xuquuqda haweenka dhibanayaasha Falalka Galmada ,, Dhibanaha oo ah qof lagu yaqaanay xumaanta sinadu waxay noqonkartaa astaan hoos u dhigta sheegashadiisa kufsi lugula kacay hadii aanay jirin cadymo kale oo ka xoogbadan.
GaboGabo .
Waxaa jira mabadi’i guud oo ay tahay in la xeeriyo marka la qorayo ama la dejinayo xeer la xiriira dembi iyo ciqaab.
Waa mabaadi’ iyo qaaciddooyin saldhiggoodu yahay Shareecada Islaamka iyo Shuruucda Caalamiga, oo ay ka mid ah kuwa soo socda:
- Mabda’a sharciyadda dembiga(principle of legality) ee dhigaya in aan dembi iyo ciqaabi sharci la’aan jireyn.
Mabda’a sharciyadda dembiga iyo ciqaabtu waa mid ka mid ah tiirar xeerka dembiyada iyo ciqaabta, wuxuu sugayaa in aanay ciqaab iyo dembi midkoodna jirayn sharci la’aan.
Yoolka ugu weyn ee mabda’aani waa in aan dembiga iyo ciqaabta lagu dhisin aragtida iyo rabitaanka hay’adaha dowladda iyo garsooreyaasha.
Wuxuu reebayaa in dembi iyo ciqaab aan xeerka dalku sheegin lagu eedeyo isla-mar-ahaantaana lagu ciqaabi karin muwaadiniinta.
Waa qaacidda qaanuuni ah oo dhigaysa in aanay dembi iyo ciqaabi jiri -karin sharci la’aan (nullum crimen, nulla poena sine lege).
Waxaa sidoo kale mabda’aan gun-dhig u ah Addillada Shareecada oo dhigaysa in aan qofna lagu eedeyn-karin fal aan dembi-nimadiisa iyo ciqaabta ka dhalanaysa oo aan cuskanayn Nas iyo Addillo Sharci, ha ahaado dembigaasi xuduud ama qisaas ama tacsiir.
Waxa uu mabda’aani ku sugnaaday Aayadaha Qur’aanka ee Suuradda Israa(15) iyo Suuradda Nisaa(165). Waxaa kale oo sugaya Qawaaciida Asuuliga iyo kuwa Fiqiga (لا حكم لأفعال العقلاء قبل وُرود الشرعِ).
Waa mabda’a ay sugayaan Dastuurka iyo Xeerka Ciqaabta Soomaliland sida ku cad Qod.3iyo Qod.26aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Soomaliland iyo qodobka 161aad XCS.
- Dib-u-nogosho la’aanta sharciga ciqaabta(Principle of non-retroactivity).
Mabda’aan wuxuu sugayaa in xeerka aan lagu dabikhi-karin ama lagu fulin-karin xaalad ama fal ka horeeyay maalinta la soo saaray ee uu dhaqanka-galay.
Waxaa la raacaa nidaamkan marka la fulinayo xeerka ciqaabta, waxaana reeban in qof lagu eedeeyo fal markuu ku kacayay ama samaynayay aanu sharcigu dembi u aqoonsanayn, sidoo kale aan lagu ciqaabo falkaas.
Waxaa jira xaalado gaar ah oo la tixgelinayo hadba xeerka danta iyo maslaxadda u ah eedeysanaha marka la eego ciqaabta.
Waxaa sugaya mabda’a sare ku xusan Qod.26aad ee Dastuurka JSL.
- Mabda’a isu-dhigmidda dembiga iyo ciqaabta(Principle of proportionality)
Mabda’aan wuxuu dhigayaa in ciqaabtu u dhiganto dembiga, si looga fogaado ciqaab arxan darro ah ama aan caadi ahayn oo ka culus dembiga qofku galay.
- Mabda’a wargelinta iyo ogaysiinta Bulshada ee Xeerka(Principle of legal certainty)
Mabda’aan wuxuu tilmaamayaa in xeerka la faafiyo lana ogayso bulshada inta aan la dhaqan-gelin, sidoo kale in qof kastaahi heli karo xeerka.
Yoolku wuxuu yahay in bulshada la siiyo fursad ay kula qabsadaan xeerka cusub, sidoo kale ay ku beddelaan xaaladdii xeer ee horey u jirtay.
- Mabda’a ilaalinta xuquuqda muwaadinka(Principle of vested rights)
Qof kastaa wuxuu leeyahay xuquuq uu sugay Dastuurka ama shuruucda dalka, sidaasi darteed waxaa reeban in la soo saaro xeer lagu duudsiinayo xuquuqdaas sharcigu ogolaaday.
- Mabda’a ka fogaashiyaha xeerka aan qeexnayn(Void for vagueness)
Mabda’aani wuxuu dhigayaa in xeerku noqonayo mid aan la aqbali-karin haddii uusan si cad u qeexayn, waayoo waxay arrintaasi abuuraysaa shaki iyo hubaal la’aan, waxaana adkaanaysaa in la dabakho xeerkaan, gaar ahaan xeerka dembiga ama xeerka ciqaabta.
- Mabda’a filashada ama naawilidda sharciga(principle of legitimate expectations)
Mabda’aan wuxuu ilaalinayaa filashada iyo hanka bulshada ee la xiriirta xeerka la dejinayo iyo sida uu u daboolayo baahidooda.
Waa in ujeedda xeer-dejinta laga gaaraa danti laga lahaa, kana soo baxdaa natiijadiii ay naawilayeen bulshadu ee ahayd in uu xal iyo dawo u noqdo mushkiladda loo dejinayay xeerka.
Talo soo jeedin.
- Waxan Golaha Guurtida u soo jeedinayaa inaanay ansixin wax ka bedalkan xeerka kufsiga iyo sinada oo ay sidiidisi hore ku soo celiyaan .
- In madaxweynuhu u hogaansamo oo uu ku dhaqmo sharciga wadanka gaar ahaan dastuurka oo uu ka fiirsado degdega xeerarka uu u saxeexo ama ku soo celiyo .
- In dawlada Somaliland ilaaliso xuquuqda haweenka dhibanayaasha u ah falalka kufsi .
waxa qoray qormada Qareen Mubarik Cabdi Ismaciil oo ah qareen ka shaqeeyay sharciga iyo difaace xuquuqul insaan hadana diyaariya shaahadadiisi labaad ee qanuunka caalamiga ah ee badaha kana barta jaamacada Ankara university. horena uga mid ahaa difaacayaashi u ololaynayay xeerki hore ee kufsiga iyo in xal loo helo tacadiyada haweenka.