Aragtidayda Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somtel iyo Telesom (WQ: Cabdifataax Mahad)

Aragtidayda Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somtel iyo Telesom

 

Mudo laga joogo bil ayaa waxaa dhacday anigoo is ka baraad la’ lahaystana u ah Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom ayaa nin aan saaxiib nahay waxa uu i waydiiday inta aan bishii ku hadlo, internet ku shubto kaadhkayga Telesom, Ismaba aan dhibin waxna ma qarane waxaan ku idhi niyoow kolba wax baa la igu soo dalacaa oo marka aan ugu yarahay waa 40 dollar mararka qaarna waabay ka badan tahay, waxa kale oo uu i waydiiyay intee inleeg baad ku hadashaa waxaan u sheegay markaan ugu badanahay 20-30 daqiiqo oo gubadaha ah dibadana kumaba badni. waxa uu igula taliyay Somtel qaado ana waxaan ku idhi waaban sitaa kaadhkaas laakiin internet baan u istaacmalaa. Ugu danbayn waxa uu igula taliyay inaan 5-dollar bisha dhan ku hadli karo sidaan doonana ugu hadli karo waanan qaatay taladii imikana inbadan oo asxaabtayda ka mid ah way wada haystaan markaa waxaa ii soo baxay qodobadan!!!

1. In shirkada telesom ay tahay shirkad aan u danayn bulshada taas badal keedana aanay ka soo rayn lahayn. 17 minute iyo hal doolar

2. In shirkada telesom aanay wax badan ku soo celin bulshada mudadaas soo isticmaali jirtay walibana ay ku darsatay adeegyo badan oo kale oo ay lacag ku helaan

3. In ku hadalka shirkada somtel oo ay haystaan dhamaan xubnaha qoyskayga, qaraabada iyo asxaabtuba ay qiimo ahaan aad ugu jaban tahay mudo bil ahna aan ku hadlayay 5 dollar si kastaba

4. in aan ahay macmiil si wacan ugu xidhan Somtel oo aan isticmaalo simcard keeda, Internet keeda, Xawaalada, Dahabshiil bank iyo Dahabshiil international bank intaasoo dhana aanay igaga bixin lacagta igaga baxda ku hadalka Telesom

5. ugu danbayn waxaan u bogay mudadaa aan isticmaalayay qofkasta oon u baahdana numberkiisii caadiga ahaa uun baan 065 ka horaysiiyaa markaa xaataa waxaan mukhaarash ahayn haday telesom tidhaahdo saacad baan ka dhignay 1 kii dollar.