Ardaydii Dunida W/Q :( Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Ardaydii Dunida.

Dhawaan aniga oo rag asxaabta ka mid ah warbixin ka siinaya koorso aan ka soo laabtay ayaan xirfadlayaashii aan meesha ku kulannay barbardhigay Mr. Priestley iyo ardaydiisii. Nasiibdarro, hummaagayntaa la islama fahmin. Kala duwanaanshaha jiilasha iyo manaahijta wax kaga dar!

Inta soo akhrisatay (aan sidii Somalida qaar u dhigee) barayfadadii af Ingiriisiga laga baran jiray, sagaashamaadkii waa ila garane, Mr. Priestley macallin Ingiriis ah buu ahaa. Arday ajnabi ah ayuu luqada Ingiriisida barayey. Taxanaha buugta “Essential English for Foreign Students” ayay sheekadiisu ku dhan tahay. Jilayaal ay ka mid ahaayeen, Jane, Frieda, Pedro, Olof iyo Hob ayaa qaab murtiyeed, duruus luqada la xidhiidha u soo gudbin jiray. Hob xaga waxbarashada ninka ugu liita ayuu ahaa, balse haddana ninka ugu saamaynta badan ayuu ahaa!  Sow ma ogid in kaalmaha nolosha aan lagu cabirrin kaliya dhibcaha imtixaanaadka dugsiyada!

Waan malaynayaa in taxanahaasi dhigan aanu u shaacbixin sida taxane-telefisyoonkii “Mind Your Language” ee Mr Jeremy Brown iyo kooxdiisii ardayda ahayd sida maadda iyo maaweelada ah barashada afka u falkin jireen.

Xirfadlayaashii aan dhawaan tababarka ku wada jirnay ayaa ardaydaas hore ee Mr. Priestley si ahaan iila ekaaday. Akhristaha ayaan u dhaafi isku xidhka labada deegaan-waxbarasho.

Kooxda tababarku na kulansiiyey guud ahaan waxay ahaayeen dad maskax furan. Dad aragti ka leh in badan oo mawduucyadii laga wada hadlayey ah. Dad wax walba su’aal ka keena oo dood iyo qodqod badan.

Waa kuwan jilayaasha tababarka 2023. Dabcan magacyada, haybta iyo kaalmuhu ba sida ay hoos ugu qoran yihiin, sidii rasmiga ahayd ee ay u jireen ma wada aha. Wax ka beddel kooban ayaan ku sameeyey si aan u ilaaliyo qof ahaantooda.

  • Yorge waa nin dherer iyo dhumuc leh. Nin awrran oo miisaan culus. Shaqaale dawladeed oo waayoarag ah weeyi. Koox wada socota oo Koonfur Ameerika ka timi, ninka ugu khibrad badan weeyi. Waa isku kalsoon yahay marka uu hadlo. Wuu waayoaragnimo hadlaa. Ha yeeshee, inta uu telefoonka ku mashquulsan yahay ayaan ka yarayn, haddii aanay ka badnaynba, inta uu si wacan ula socdo doodda iyo duruusta socota.
  • Ole waa nin gaaban oo xoog ah. Injineer farsamoyaqaan ah dhe. Aqoonta cusub ee teknoolajiyada la xidhiidhana, kama fara madhna ee tiisii hore ayuu ku sii dul dhisay. Dalkiisa dhaca Koonfur Ameerika dhinacna ma u dhaafin. Sidaa darteed wax walba waa ku cusbaayeen, gaar ahaan, dadka qaaradda madow ka socday. Luqadda guud oo ku adkayd ayaa iyadna xadidday ka qaybgalkiisa hawlo badan oo socday.
  • Fedro waa nin yar oo nis yar. Nin firfircoon oo dad dhexgal leh. Aqoon ahaan waa dhisan yahay, walina koroyaa, kobcayaa. Maamulka maaliyadda dawladda ayuu bartay kuna shaqeeyaa. Liiska shaqaalaha dawladda isna ku dar. Qolada waliba Ameerikada Koonfureed ka soo safartay. Ma qaloodo ee cid walba waa dhex galaa. Waa soo jeedaa oo si firfircoon shaqo walba uga qayb qaataa.
  • Fiana waa gabadh firfircoon oo farxad badan. Waa garyaqaanad hay’ad dawladeed u shaqaysa dalkeega dhaca Koonfurta Ameerika. Qofka kooxda oo dhan, marka la isku didiyo, ugu furfuran, farxadda badan weeyi. Waji furan iyo dhoolacaddayn ayay qof walba ku qaabishaa. Waa dadaal badan tahay oo karti badan tahay. Laba hablood oo raggii qabay la yimi ayay ka mid tahay. Labaduba waa reer Laatiin Ameerika. Kala saari kari waayey inay tallaabadaasi tilmaamayso kalgacal gaar ah, kalsoonidarro, dalxiis-wadaag ama wax reer Laatiin Ameerika dadka kale dheer yihiin.
  • Baty waa gabadh af gaaban, Ameerikada Koonfureed iyadna ka timi. Qof is ururiya oo is kooba weeyi. Ruux ixtiraam badan ayay iigu muuqatay. Luqadda la isku fahmayo oo ku adag inay dabartay ayaan u badinayaa.
  • Fericia waa ruux isku buuxda oo dhumuc weyn. Waa injineerad ka soo jeedda Galbeedka Afrika, shaqaale dawladeedna ah. Aqoon iyo hadal caddaanba waa ku hubaysan tahay. Koox walba waa ku jirtaa oo way firfircoon tahay. Waa su’aallo badan tahay oo xog raadisaa, doodna ku darsataa. Fikradaheedu aragti qawmi ah ayay inta badan ku qotomaan.

Ha yeeshee, sawir iyo fiidyoo ay duubayso ayaa waqti badan ka qaata. Meel walba sawir bay ku galaysaa. Goob walba taswiir ayay la taagan tahay. Waxaan is idhi, sahay qaadatay oo baraheeda bulshada, dhawrka billood ee soo socda, bucsharad lagu cammiro u raratay!

  • Sunia waa gabadh aad u lafo yar yar, macallimad jaamacadeed, aad u hadal badan. Isla Galbeedka Afrika ayay ka soo jeedaa. Dood macallin jaamacadeed la maqaam ah oo indheergaradnimo laga dhadhansan karo ayay mar walba qabtaa. Adduunarageeda iyo aqoonhadalkeeduba waa isku sar jaran yihiin. Qoys ahaan, toddoba hablood inay wada dhasheen ayay ii sheegtay. In aabahood tacab badan galiyey oo aad wax u baray ayay iigu dartay. In dadaalkaas odayga lagu qoonsaday oo gaal iska yeel loo arkayay ayay ii sii raacisay. Haddeer oo xaajigii dhalay god galay, siddeedii habloodba waa meelmar. Urur samafal oo ay abuureen ayay aabahood ugu magacdareen. Ardayda saboolka ah, tacliintana ku wacan ayay kharashka waxbarashada ka kafaallo qaadaan. Sadaqad ay waalidkood ula baxayaan ayay u niyaystaan.

Sunia marka ay hadalka qaadato, way dudubisaa oo dareerisaa balse, warkeedu hadaltiro uun maaha. Waa nuxur. Waddaniyadda ayaa qanjaha joogta. Horumarka qarbiga mar kasta oo ay aragto, qaaraddii qadiimka ahayd ayay ku dhererisaa. Halka sartu ka qudhunsan tahay inay taabato ayay jeceshajay. Way taabataa, se jiiro dheer ayay ka soo wareegtaa. Jilaha reer Uganda ee Kansiime Ann, haddii aad daawatay, macallimad Sunia, wax badani kugu ma seegana. Kaliya macallimadu, way xaqiiq iyo aqoon hadashaa.

  • Fasalio waa nin xoog ah, gaabni xiga oo isku buuxa. Waa shaqaale dawladeed oo isna ka yimi Galbeedka Afrika. Waa nin firfircoon oo waxbartay. Ka qaybgalkiisu waa xoog badan yahay, wax micno lehna waa sheegaa. Lahjadiisa ayaa se adag in la fahmo. Marka uu hadalka qaatana, ilaa laga hakiyo, isagu waa wadayaa. Joogsi ma leh.

Sida Fericia ayuu isna sawir meel walba la taagan yahay. Goob walba waa isku sawiraa. Cid walba waa sawiraa. Walax walba fiidyoo ayuu ka duubaa.

  • Aminatu waa gabadh qorqoran oo caatoxigeen ah. Waa ruux aamusan oo aad u afgaaban. Galbeedka Afrika ayay iyadna ka socotaa. Marka ay hadasho, inay garanayso waxa ay ka hadlayso ayaad arki. Waa da’ yar tahay oo koraysaa. Qadarin badan iyo urursanaanba waa leedahay.
  • Eba waa garyaqaanad dood adag oo hadallo cadcad. Waa shaqaale dawladeed oo ka soo jeedda Bariga Afrika. Way firfircoon tahay oo mar walba wax anfac leh ka hadashaa. Hadalkeedu waa nuxur iyo murti. Dawladnimada, gaar ahaan xeerarka iyo nidaamka cadaaladda waa dhammays. Sidaas oo ay tahay, culays shaqo inuu haysto ayay u eg tahay. Laba telefoon ayay mid walba gaar uga jawaabaysaa. Shirar bay ku jirtaa mararka qaar, xitaa inta waxbarashada lagu jiro.
  • Reena waa gabadh jimidh yar, aamusan oo goonisocod ah. Waqooyiga Afrika ayay ka soo jeedaa. Qaramada Midoobay ayay ka tirsan tahay. Ka qaybgalkeedu waa xadiddan yahay. Mararka dhifta ah ee ay hadasho ama laga hadliyo, xog-ogaalnimo waa ka muuqataa. Qolada ay isku qaaradda yihiin, inay si u jidh-diidayso ayaad moodaa. Waxay inta badan la miis tahay oo ay wax ku darsataa, haddiiba ay wax ku darsi la timaad inta Oroba ka socota. Isla wayni inay ku jirto ayaan ka gayn waayey.
  • Bash waa sidoo kale ruux jimidh yar. Fayroor bay iyadna u badan tahay. Asalkeedu Aasiya weeyi, balse Waqooyiga Oroba ayay ka socotaa. Inay mar walba wax ku darsato waxa socda ayay jeceshahay. Way ku darsataa, fahankana waa sii fogaysaa. Qof isla wayn ayay bilawgii iigu muuqatay. Markii ay doodayda dhegaysatay, shaqadaydana ogaatay, waa igu su’aal iyo socod badatay. Fursad shaqo raadis camal!
  • Ninkan xogta soo gudbinayaa inuu isagu iska waramo way la qurux badnaan wayday. Hase ahaatee waxa intaa dheer, si kasta oo aad aqoon iyo waayoaragnimo isku bidayso, haybtaada awgeed go’aan baa lagaa sii gaadhay ee ogow. Go’aan wadareed dalkaaga laga aaminsan yahay weeyi. Shaabad dalkaaga ku dhacday dhe. Sawirka dalkaaga laga haysto ayaa kuu baadisooc ah. Humaag -intiisa badan- warbaahintu abuurtay ayaa kuu sumad ah. Dib u dhac wax aan ahayn lagaa fili maayo. Gaajo, tabaryari iyo baahi wax aan ahayn lagu gu qeexi maayo. Dib-u-dhac iyo rajcinnimo ayaad astaan u tahay. Marka intaas wax ka duwan aad soo bandhigto, ee qof ahaantaada aad isku qeexdo, si qaadasho waa ah uun baa laguu odhan, wallee, sidaa ma samayn kartaan? Ma filayn. Ma moodayn! Yeelkeede, taasi inaanay ku joojin oo aad adigu is macnayso waa lagama maarmaan.

Bal dhan kale aan in yar dhawrno:

  • Fred waa tababare tab badan. Waa nin fudud oo aan culays jidheed lahayn. Khibrad shaqo oo 30 sanno kor u dhaaftay ayuu ka duulaa. Waa xirfadle Afrikada Bari ka soo jeeda, balse haddeer jinsiyadda doorsaday oo Dhajoobay. Aqoonyahan wayn weeyi, haddalkiisuna taasi ayuu ka marag kacaa.

Marmar ayuuse talax tegaa oo dadka sida caruurta ula hadlaa. Si kale, korjoogtayntiisa ayaa aad u badan. Kooxdu se xirfadlayaal baraarugsan ayay ahaayeenoo, inaanay taasi ka mudnayn ayay si cad ugu sheegeen. Runta ayay farta ka saareen, isaguna dib u guray!

  • Maureen waa shaqaale-dawle hore oo tababare isku rogtay. Afrikada Koonfureed ayay ka soo jeedaa, haddase Dutch noqotay. Tababare tabo badan weeyi. Tusaalayaal iyo waayoaragnimo wada anfac leh ayay inta badan kooxda la wadaagtaa. Xulashada waqtiga ayay xariifad ku tahay. Aminta wax-ku-darsigeedu saamaynta ugu weyn yeelan karo ayay aad u taqaanaa. Macallimad karti badan oo hadalka heli og ku dhaaf.

Dhanka kale, bulshayad ku fogaatay dhanka haasaawinta weeyi. Baadhiyo abaabul hawl badan bay ahayd.

  • Bouna waa layli-ku-jir tababaranaysa. Faransiis weeyi isirkeedu. Gabadh yar oo aad u jimidh yar, balse wada seedo ah weeyi. Hawlaha maamul oo dhan iyada ayaa haysa. Iskudubbarid oo dhan iyada ayaa u xilsaaran. Labada tababarena caawiye ayay u tahay. Madadaaliye weeyi goortii loo baahdo.

Kooxdan tababarayaasha ah, waxa barbarsocday khubaro hadba aqoonta ay darseen loo daba fadhiisanayey. Khubaro iskujir ah dhe- kuwo farsamooyin badan, kuwo gaabis ah iyo kuwo kalsoonidu ka badatay ba. Waxa ka mid ahaa, buuniyo ka soo kala jeeday qaaradaha dunida oo dhan. Dad waliba hal jinsiyad aan ku koobnayne, jinsiyado badan. Dad qaaradaha iskaga tallaabay. Waxa ka mid ahaa, Isbaanish Jarmaloobay, Fenesuweeliyaan Kolombiyoobay, misana Isbaanishoobay, Beeruufiyan Kanadiyoobay, Baanamiyaan Kolombiyoobay, haddana Ingiriisoobay, Kameruuniyaan Dhajoobay iyo Iskotish Dhajoobay!

Dawladda Hoose ee Amsterdam mar aan booqannay ayay xogta ku dareen, in magaaladda dadka ku nooli ka soo kala jeedaan 186 dal. Kooxdan tababarayaasha ah ee aan la kulannay ayaa tani marag u ah. Wiigag dunidii oo la isku keenay aan ammuuro door ah – magaalowga, adeegbixinta iyo adkaysiga/nuglaanshaha hay’adaha dawladda ka doodnay dhe!

 

Qalinka: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Bandhige@gmail.com