Ardaynimada: Shalay iyo Maanta (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Xammaasad gaar ah ayay lahayd markaad aragto ku dhawaad kontomeeye arday oo marka ay basaska ka degaan ba, orod isqaadaya oo maktabada ku qammaamaya. Waxa tartanka loogu jiraa maaha filim la fiirsanayo, ciyaar la daawanayo ama borotan kale. Waa waxbarasho iyo wax akhris waxa loo baratamayaa.Waa ku sinnaan labaatan gu’ ka hor, isla bilihii hayaanka tacliinta sare, dalka ka hanaqaaday. Jaamacadda Cammuud ayaan arday ka nahay, sanadkii koowaad ee waxbarashada ayaanan ku jirnaa. Saddex koorso oo kaliya ayaan kalkan qaadanaa, saddex macalin ayaana noo kala dhiga oo kala ah Prof. Faarax Cabdilaahi Fariid oo loo yaqaanay โ€œFaarax Shuun”, Rabbi naxariistii Janno ha ka waraabiyee, Prof. Abokor Sh. Abdi iyo Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed, iyagana Ilaahay cimriga ha u barakeeyee.

Saddexda koorso mid ka mid ah (Introduction to Psychology) oo Prof. Sulaymaan markaa noo dhigo wax buug ah (text book) oo koorsadan ku sahabsan saddex midh oo kaliya ayaa yaalla maktabadda. Tirada ardayda saxda ah markan intaan nahay ma hubo- waayo tiradu si joogta ah ayay hoos ugu socotay- laakiin qiyaastii kama yarayn 50 arday. Saddex buug sidii ay konton arday uga wada faaโ€™iidaysan lahaayeen ayaa xujo noqotay. Ku darsoo, saddexdii buug mid macalinka ayaa la siiyey si uu duruusta uga soo diyaariyo. Midna hablaha aan isku fasalka ahayn oo markaa tiradoodu 7-8 ahayd ayaan u qoondaynay, si ay uga nabad galaan isriixriixa helitaanka buugga loogu jiro. Waxay dani ka tegi wayday in intii soo hadhay oo dhami hal buug wadaagto.

Jaamacaddu way nugu cusub tahayoo, ruux walba oon ama harraad gooni ah ayuu qabaa. Xiise kale inuu noo dheeraana la arkee! Hawli haddaba waxay ka timiday sidii halkaasi buug loo wada wadaagi lahaa. Isfahanka ardayda fasalka laftooda ayaa markaas uun abuurmaya, maxaa yeelay, arday hore isku soo baratay inta badan lama ahayn. Guud ahaan, ardaydu saddex hormo ayay ka koobnayd. Koox iyaga oo Jaamacadihii Muqdisho ku jira dagaaladu qarxeen. Koox iyaga oo dugsiyada sare dhigta, dalka lagu kala yaacay; iyo waliba kuwo iyagu aan dugsi sare ba gaadhin balse dadaal shakhsi ah ku meelmaray. Arday dhawr ah oo dibada ama dalalka dariska ah ka yimi ayaa intaa tarraxa. Halkii buug ee kali ahaa in lagu heshiiyaa way adkaatay. Waxay noqotay in maalin ba ruuxa ku danbeeya ee ku dhafraa qarsado oo meel isaga uuni og yahay, Alle ka sokow, ku hubsado. Kummanaankun oo buug oo maktabadda taalay in tilmaan laโ€™aan laga soo dhex saaraana, ma sahlanayn, haddii aanay ahayn ba wax mustaxiil ah.

Taasi ka soo horjeedkeeda, ardayga maanta waxbaranayaa hubaal ahaan waa laga haqabtiraa buugta duruusta laga daalacdo. Haqabtir kaliya maahee, kuwa kale oo tixraac ahaan loogu talagalay ayaa waliba kuwa aasaasiga ah u dheer. Maktabaddii oo cammiran; buug cayn walba leh laga helayo ayaa iyadna halkeer ah. Intaasi oo dhan waxa dheer nimcooyinka Ilaahay inagu galaday, balse in badan aan la dhaadan ama si qalad ah loo adeegsado ee shabakadaha internetku ka mid yihiin. Laan kasta oo cilmiga ka mid ah, sahal iyo hawl yaraan ayaa looga haqab beeli karaa, marka aaladdan si sax ah oo sugan loo adeegsado. Waase ruuxii rabitaan rasmi ah la yimaada, meel sare higsanaya, soo jeeda, baraarugsan ee dadaalkana joogteeya.

In kasta oo ay duruufaha waxbarashadu adkaayeen, tas-hiilaadkuna yaraayeen, haddana ma xiise yarayn, haddaanay tacliintu waayahaas ba ka xallad badnayn. Tayada lafteedu, inkasta oo hadal ka iman karo, ugu yaraan ta maanta kama hoosayn, haddaanay la sinayn amaba ka sarayn. Waase xaajo lagu kala aragti duwan yahoo, waa hadba dacalka aad ka joogsato. Nafhurkaas iyo xiisahaas gaaraka ah sababtooda ma hubo, waxaanse u badiyaa qoddobo dhawr ah; isku darkoogu inuu sal u yahayna la arkee. Qoddobadaas waxa ka mid ah, duruufihii adkaa oo isbeddel degdeg ah dan ma hurto ah ka dhigay, dib u yagleelkii waxbarashada iyo xiise gaar ah oo ku lammaanaa, ardayda oo inta badan muddakar u badnayd, gaar ahaan dhinaca daโ€™da, hillaw gooni ah oo loo qabay hayaanka tacliinta sare oo gayiga ku cusbaa (iska dhaaf tacliin saree, inaad baska Jaamacadda raacdo, runtii darajo ayay ahayd).

Isku soo wada xoorriyoo, duruufaha kor ku xusani waxay xujo cad ku yihiin ardayda maanta wax ku baranaysa jawi kaasi aad uga beddelan, kana horumarsan, gaar ahaan dhinacyadda dhismo-hoosaadyada, manhajka, nidaamka waxbarida, agabka iyo deegaanka waxbarasho. Sida duruufuhu hadda uga fog yihiin kuwii shalaytada dhaw ayay haddaba lama huraan u tahay in tayada maantuna uga tamar badato tii tagtada.

Hoos ka akhri maqaalladii hore eeย Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

http://bandhige.com/barashadii-teebka-wq-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud/

http://bandhige.com/isbeddelka-beddel-haleelay-q-1aad-wq-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud/

http://bandhige.com/isbeddelka-beddel-haleelay-q-2aad-wq-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud/

http://bandhige.com/isbeddelka-beddel-haleelay-q-3aad-wq-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud/

http://bandhige.com/isbeddelka-beddel-haleelay-q-4aad-wq-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud/

http://bandhige.com/adeegsame-aleenkayga-wq-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud/

http://bandhige.com/muuqaalku-waa-dage-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud/

http://bandhige.com/bal-muxuu-ku-dhintay-wq-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud/

http://bandhige.com/fellow-africans-suffer-in-south-africa/