Arrimihii Keenay Degitaankii Berbera ee Beesha Nuux Ismaaciil W/Q: Cali Cabdi Coomay

Nin la odhan jiray Abokor Cali Nuux oo ay ilmaadeer ahaayeen Gadiid, Shirdoon iyo Xoosh, Axmed Nuuxna adeer u ahaa oo dhammaantood berigaasi noolaa, ahna awoowyaasha ay ku abtirsadaan jilibbada Nuux Ismaaciil, ayaa wuxuu la baxsaday gabadh u doonnanayd nin kale. dabadeed waxa lagu yidhi orda oo gabadhii doonaa oo ninkii ka soo celiya. Dabadeed Axmed Nuux, Gadiid, Xoosh iyo Shirdoon afartoodaasi ayaa is-raacay. Marka ay Berbera marayaan ayey arkeen meel cajiib ah oo dad Carab ah oo kalluumaysato ahi deggan yihiin. may noqone halkii ayey dadkii la degeen, reerahoodiina way soo rareen.

Halkaasi ayey dabadeedna ku tarmeen. Markii dambena iyagaa meeshii la wareegay oo dadkii maamulay. Sida abuurka dadku u yaallo, qof kastaa wuxuu baadigoob ugu jiraa sidii uu u heli lahaa nolol ka fiican ta uu markaa ku jiro. Waxaanu ku raad joogaa baadigoobka nolosha uu raadsanayo. Berberi nolol ahaan iyo dhaqaale ahaanba way ka sarraysay nolosha dhulka miyiga taallay. Sidaasi awgeedna, waxa la yaab lahayd afartaa nin ee loo soo diray soo celinta gabadhuโ€”waa Gadiid, Shirdoon, Xoosh iyo Axmed e, inay Berbera ku illoobaan ujeeddo kasta oo ay u socdeen, una hawlgalaan inay saami ku yeeshaan noloshii ka siraadnayd magaaladda Berbera.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraac: Abwaan Axmed Aw Geeddiโ€ฆ..Hortay Jire (2022)..bogga.29.