Arrinta Falasdiin iyo Loolanka aloosan: Heshiiska Qarniga (WT: Hamze Mohamed Muse)

Muxuu  u guul-darraysan laayahay Shacabka Falasdiin? Maxuu isku dhiibi laayahay Shacabka Falasdiin? Waa maxay sirta ka dambaysa iska caabbintiisa yaabka leh ee ku aaddan qorshayaasha Gumaystaha? Halkuu se ka helaa shacabkani waxan oo awood ah? Maxay u dhammaan laadahay wax-iska-caabbinta Reer Falasdiin?

Yaa ka dambeeya wax-iska-caabbintan aan ku koobnayn uun qoriga caarradiisa? Waxa jira dhaqan reer Falasdiin leeyihiin oo cinwaankeeddu yahay : “ Wax-iska-caabbinta dhammayska-tiran” waayo ? waxa ay u babac dhigaysaa mashruuc deegaamayn ah oo dhan kasta abbaaraya, sidaasi darteed ayaa uu hal’abuuraa shacabka Reer Falasdiin wax-iska-caabbin horseedi karta in aanay tirtirmin oo tiirar adag ku taagan.

Maxaa uu u hanaqaadi waayay  mashruuca loogu magac daray ‘ Heshiiska Qarnigu’ inta aan laguba dhaqan-galin waaqica? Ma waxa la hayaa xaqiiqooyin ah in ay jiraan dad diiddan mashruucan? Maxaa ay ugu guulaysteen Shacabka Reer Falasdiin in ay fashiliyaan dawladaha u adeega Reer Galbeedka ee ka hawlgala gobolka?

Waayo? Mashruucani waxa uu hilfaha u qaadayaa arrinta Falasdiin, deeto dib dambe u soo noqon mayso haddii uu heshiiskaasi fulo; shacabka Falasdiinna waxa uu badayaa Dawlad la’aan iyo hoggaan la’aan, waxaaba suurtogal ah in arrintu ku noqoto wixii ka horreeyay nabad ku-wada noolaanshaha, mashruucaas oo dhicisnnimo ku dhashay, kuna dhammaado soo noqosho la’aan.

Hadda waxa la huwiyay cinwaanno maalgashi iyo lacag ku xidhiidhsan, sidoo kalena  in deeqo lacageed loo soo ururiyo shacabka Reer Falasdiin si qaddiyadiisa loo ilowsiiyo, waxaaba suurtogal ah in arrinta Reer Falasdiin gacmaha loo galiyo Midigta xagjirka ah ee taliska Israa’iil iyo qolyaha aragti-diimeedyada xagjirka ah aaminsan ee Maraykanka ah.

Shacabka Reer Falasdiin  waxa uu curiyay dhaqan cusub oo  iska-caabbin hor leh ah, dhaqankaa iyaga oo ka duulaya ayay wajahaan qorshayaasha loo sameeyo oo dhan, iyaga oo habab kala duwan uga hortaga.

Wax-Iska-caabbintu ma aha uun qori la qaato, qorigu waa muhiim se ma aha ka ugu muhiimsan.

Iska caabbinta mashruuca deegaamaynta, sidii nabad waarta loo keeni lahaa, beddelidda sawraca Falasdiin, beddelidda goobaha taariikhiga ah ee dalku leeyahay iyo abuuridda fac wax iska caabbiya ayaa sababa in Falasdiin saldhigi waydo iyo in aanay shiikhin ba.

Falasdiin laba aragtiyood baa yaalla, midi waa in Nabad wax lagu dhammeeyo iyada oo dowlad ah Falasdiin, aragtida labaadina waa in iska caabbin wax lagu wado iyada oo la xoraynayo qofka iyo wadankaba. Muhiim ma aha in shacabka reer Falasdiin helo dowlad awood yar, se waxa muhiim u ah dadka taageersan aragtida dambe in qofka Falasdiiniga ah laga xorreeyo  in la qabsado, oo aanu noqonin shacab hoos jooga cadaadis goboleed iyo mid heer caalami ah ba. Taasina ma aha wax fudud wakhtigan adag, se dhaqankaa wax-iska-caabbinta  ee ku milan dunta bulshada reer Falasdiin ayaa ka dhigtay mid aan si fudud loo dumin karin, waxaanu ku guulaystay in uu habab cusub oo kala geddisan uga hortago qorshayaasha Gumaystaha.

Gumaysiga Falasdiin ka jiraa waa mid xalaashanaya degganaanta dhulkaas, waaxaanu ku salaysan yahay laba tiir: kow, in uu ka saaro meesha Falasdiiniyiinta iyo in qof kale la dejiyo booskii Falasdiiniyiinta laga qaaday, waayo? Suurtogal ma aha ayay ku odhanayaan in la deggo Falasdiin jeeroo siyaasadda takoorka la isticmaalo.

Waxa uu aaminsan yahay qofka yahuuddiga ahi in Falasdiin tahay dhul bilaa shacab ah, waxaa kaloo jiray buu leeyahay shacab halkan ka tagay oo laga fogeeyay dhulka Falasdiin, shacabkaas waa in la soo celiyaa mar kale, waxaanu haystaa saadaal-diineed  arrintaa u xaqiijinaysa, waxa ka mid ah : “ waxa aan siin doonaa dhashaada dhulkan, laga bilaabo togga Cariish ilaa iyo wabiga weyn ee Furaat” eeg Genesis, ayaadda  15-18.

Waxa uu leeyahay Mooshe Dayaan: “ Haddaynu haysanno Towraat, oo aynnu isku tirinayno shacabkii lagu soo dajiyay Towraat dhammaantii.” Eeg jariidadda Jerusalem post, 10 August 1967.

W/Q: Cabdiraxmaan Bashiir( Af-Carabi)

W/T: Hamze Mohamed Muse

La soco Qaybta xigta ………………….