Askarta ilaalada jaamacadaha iyo badbaadada ardeyda (WQ: Cabdifataax Maxamed Axmed)

Bishii Juun Horraanteedi Waxa Kiis dil ahi ka Dhacey Jaamacadda Camuud,waxa ardey wax ka baranaayey lagu dhex dilay jaamacadda camuud dhexdeeda,Ardeygaasi Askari ayaa dilay ka dib isku daygii ardeyga ee ahaa in uu telefoonkiisii gacanta soo qaato.Dhacdadaasi oo aheyd mid aan laga fileyn goob waxbarasho si qoto dheerna looga xumaadey cadho badana sababtey(Dilka ka dhex dhaca dugsiyada iyo jaamacaddaha ardeydu wax ku baranayaan waa mid ka dhacey meel aan sharcigeedu oggolaaneyn in cid lagu dhex dilo) Maxaa yeellay marna lama fileynin in xarun waxbarasho oo ardeygeenu mustaqbalkiisa nololeed ugu biirey lagu dhex jidh dilo,bahdilo,laguna dhex dilo.

nooc kasta oo bahdil,tacadi,quudhsi,muquunin,jidh dil iyo aflagaadeyn khaldan ah oo Askarta ilaalada albaabada jaamacadduhu ardeyda ay kula kacaan waxa ay ardeygeena ku noqon doonta xasuus iyo xumeyn aanu in badan ilaawi doonin,Ardey kasta oo ka baxda dugsiyada iyo jaamacadduna si dhib yar kuma ilaawaan kooxdii ilaalada iyo amaanka ee goobtaasi sida waashmanadii iyo askartiiba.sannado badan oo horre kuwii ka baxey jaamacadduhu weli wey ka sheekeynayaan maalintii askarigu joojiyey.hadda waa in aan ka wada shaqeynaa in aan ardey dambe mar kale inagaga dhiman kiis la mid ah kii soo dhacey lana xoojiyaa dhisida deegaan waxbarasho u diyaarsan dhan kasta gaar ahaan badbaadada iyo amaanka faca iyo jiilasha koraya.

Askarta ilaalada Jaamacaddaha

Askarta ilaalaada jaamacaddaha somaliland waa xubno ka tirsan ciidanka qaranka soomaliland oo lagu ladho shaqaale kale oo waashmaano ah.Askartaasi  oo ah  kuwo isugu jira Ragg iyo dumar intooda badan laga soo qortey taliska ciidanka ay ka tirsan yihiin,Waa Askar shaqo ciidan heysa si dadbana ula shaqeeya jaamacaddaha,waxa amar loogu leeyahay in la beddeli karo loona yeedhi karo marka loo baahdo.Waa Askar labadooda shaqaba ka hela dheefta dhaqaale ee ay kula joogaan.Su,aalaha aynu iska weydiin karnana waxa ka mid ah intee in leeg ayey askartaasi aqoon iyo waayo aragnimo u leeyihiin shaqadooda,wax tababar ah oo la xidhiidha shaqadooda amaanka jaamacadduse ma u furtaa,sideese shaqada muga weyn leh ee jaamacadda ka socota ay ugu qeybsan yihiin.Taliyayaasha hogaanka ciidanka Jaamacaddaha dawliga ahse sidee loo soo magacaabaa.Jaamacadduhuse waxbarasho bilaash ah oo maadi ah ma siiyaan askarta ilaalada ee aan aqoon badan nolosha u laheyn.Karti intee leeg ayeyse u leeyihiin u shaqeynta Ardeyda kala duwan ee baahiyaha kala gaarka ah qaba.

Shaqada Askarta Jaamacaddaha

dilka ardey kasta oo ka dhex dhaca goob waxbarasho  waa in dawladda,wasaarada waxbarashadda iyo jaamacadduhuba ay ka qaadan talaabo sharci oo adag .falkan ooo kale waa  markii ugu horreysey ee noociisa ah  ee la arko sidaasi darteed si aanu mar labaad u soo noqon waa in Hab dhis shaqo oo ka beddelan midkiii horre lagu hawl geliyo askarta guud  ahaantood jaamacaddaha  .Askarta jaamacadduhu waxa ay isugu jiraan kuwo shaqadoodu tahay ilaalinta hantida guud ee jaamacadda habeen iyo maalin iyo kuwo taagan afaafka horre ee albaabka ardeydu jaamacadda ay ka galaan.waxa ay u amran yihiin in ay ardeyda lebiskooda khaldan iyo xiirashadooda xun isha ku hayaan,waxa ay u amran yihiin in ay ardeyda gudaha galeysa ku soo dayaan aqoonsigooda ardayeed ee  xafiiska maaliyadda xorta ka ah,waxa ay u amran yihiin in ay ilaaliyaan wakhtiga gelida iyo bixida irida,waxa ay ku amran yihiin in ayna soo fasixin cid kasta oo aan buuxin shuruudaha gelida jaamacadda.waxa ay u  amran yihiin in ay dejiyaan fududeynta gelida iyo bixida ardeyda tirada badan ee maalin iyo habeen jooga jaamacadda.waxa ay ku amran yihiin in ay deg deg u gaadhaan halka iyo meesha kiis iyo hawl loogu sheego jaamacadda dhexdeeda.

isbeddelka wanaagsan ee shaqada askartu goobaha waxbarasho ka hirgeliyeena waxa ugu weyn in Aragtida direyskooda dharka ciidan lagu kala baqo,waxa ayna hoos u dhigeen buuqa,rabshadaha ardeyda dhexdooda,dagaaladii iyo kala danbeyn la,aantii shaqada ragaadin laheyd,waxaana yaraadey fal dambiyeed kasta oo ardey ka dhici lahaa waxbarashadda iyo ardeyda kalena dhaawacayey,waxaana badiba meesha ka baxey tuugnimadii iyo dambiyadii  arxanka darnaa ee ardeydu iskula kici jirtey.ilaalinta hantida jaamacadda haddii khalkhal,mudaharaad iyo arbushaad xubno ay ku talaabsadaan,waxaana askartaasi  sameysatey kuwa xilli kasta galaaba hab ay isku gaadhsiiyaan xogta kuna kala qaataan akhbaarta jirta.

Hablaha Askarta Jaamacadda 

Hablaha iyo dumarka Askarta Jaamacaddaha qaarkood kula sugan ragga joogaa waaa kuwo gacanta ku haya xaaladaha haweynweynaha jaamacadda wax ka dhigganaaya kuwaasi oo hab dumarnimo ah kula macaamila hablaha buugga sidda ee afaafka jaamacadda ka baxaya/soo galaya sida ilaalinta dharkooda iyo akhlaaqdooda.

Aqoonta Kiisaska dhaca iyo Daacadnimada 

xalin la,aanta kiisaska dhacaa waa mida sababta in taliyaha ciidanka jaamacaddu ku waayo shaqadiisa ku kalena loo soo magacaabo,Askartu siyaasad iyo qabyaalad kama laha kiisaska shaqada jaamacadda ka soo wajahaaya hase ahaate dad badani dhanka khaldan wey ula kici karaan.inta badana askarteenu waa kuwo u baadha kiisaska si cadaalada iyo daacad ah oo labada dhinacba ku qanci karaan,siyaasada qabyaalada iyo qudhunka ku saleysani ma dhex taalo askarta ardeyda u shaqeyneysa.si loo dhawro xuquuqda ardeyda waxbaraneysa meel kasta gaar ahaan jaamacaddaha waa in bahda amaanka iyo ilaaladu aaney xad gudub iyo meel ka dhac ku sameyn ardeyda ay u shaqeynayaan. Askariga shaqada ku jira kalsooni iyo masuuliyad ayaa shaqada loogu dhiibey in uu taasi lumiyana maaha,ardeygeena iyo guud ahaan bahda waxbarashadduna waa in aaney askariga u arag mid awood iyo direyska ciidanka ku muquuninaaya uguna awood sheeganaaya.

Siyaasadda sugida Amaanka Jaamacadda 

Xaqa Ardeygu in uu waxbarto u leeyahay ayey ku jirtaa in uu waxbarashadaasi ku helo deegaan nabdoon oo amaan ah.deegaan u diyaar ah in wax lagu bartana macnihiiisu waa in la helo mid xor ka ah wax kasta oo nafsaaniyada, maskaxda ardeyga iyo naftiisaba dhibaya sidaasi darteed Jaamacadd kasta waa in ay leedahay siyasaad uga meel taal amaanka iyo ilaalada badbbaadada ardeyda.Guddiyo waalidka iyo shaqaale gudaha iyo dibaddabu xubno ku leeyihiin waa in amaanka loo sameeyaa,la taliyayaal dhanka amaanka ahna waa in jaamacaddaha loo sameeyaa.guud ahaan bahda   waxbarashadduna  sida macallimiinta shaqaalaha maamulka iyo ardeydubana waa in  ay ka  wada shaqeeyaan amaanka iyo xasiloonida xarunta waxbarashadda.

Ugu danbeyntii Askartaasi in la barto lana ogaado shaqadooda bulshaddana lala wadaagaa waa mid cod siineysa iyaga si loo barto loona ogaado shaqada baaxada leh ee ay u qabtaan jaamacaddaha iyaga oo aan ku qabin dhaqaale badan oo buuran xaaladooduna ay ku jirtey amuusnaan.Maqaal sidani oo kale ahina  waa mid inagu dhiiri gelinaaya in aan xaaladaha noocani ah oo kale ah wax ka barano,si aan u helno ciidan badbaado lagu kalsoonaan karo laguna aamini karo mustaqbalka ubbadka iyo ardeyda waxbaraneysa ee jaamacaddaha iyo dugsiyada ku jira.

Ilaahay ha u naxariisto Marxuum Ibraahim Abdishakur Ardeygii wax ka dhigan Jirey Jaamacada Camuud”

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com