Anteennada lacagta (W.Q. Maxamed Cabdikariim)

Waa gadh-wadaadle. Waa waddaad-ceebays. Wuxuu la baxay gadh surwaalkana wuu gaabsaday ama khamiis ayuu wataa. Waxa ka muuqata astaamihii iyo shacaa’irtii muslimka. Waa ganacasade yaqaana halka uu shillinku ku jiro. Uma eego xalaal iyo xaaraan. Wuxuu safka hore fadhiistaa Sheekh Dirir si uu tafsiirka wax uga barto. Wuxuu xariif ku yahay sida loo dhaco kastamyada. Wuxuu ka been sheegaa badeecadaha u ka soo dajisto Dubia, China ama iyo meelo kale. Wuxu ka beddelaa magaca isagoo ku qoraya magac alaab jaban si cashuur yar loogu dhufto.

Waxa kale oo ay gadh-wadaadleyaashaasi ku dhex qariyaan karaatoonta ama bacaha alaabadu ugu jirto qalabka qaaliga ah oo dhan sida electornicska oo haba yaraatee aanay cashuurin oo xatooyo ay ku soo dhaafiyaan kastammada. Waxa intaaba ka sii daran fasahaadka uu ugu horeeyo laaluushku oo ay siiyaan inammada qiimaynaya alaabadooda, si loogu qiimeeyo cashuur jaban.

Wuxuu u yaqaanaa cashuurta xaaraan marka uu u qiilsamaynayo xatooyadiisa, isagoo addeegsanaya diinta. Haddaba wadaaddada ganacsatada ahi boobka iyo xatooyadda cashuuraha dawladda miyaanay xaaraan u haysan?

Qofka dhaca ama khiyaameeya 1 qof, waxa uu dambi ka galay halkaa qof oo kali ah.  Qofka dawlad dhaca ama cashuurteeda khiyaameeyaana wuxuu dambi ka galay 4 milyan oo qof oo reer Somaliland ah.

Koox ganacsato wadaaddo ah ayaa u tagay sheekh si ay u waydiiyaan masalo diini ah oo ku taxaluqda ganacsigooda iyo cashuurta dawladda. Waxay ku yidhaahdeen ‘ sheekh cashuurtu waa xaaraan markaa ka waran haddii aan marawaxado hoosta kaga soo gurno moobilo ama aan badeecaddii aan magaceeda ka beddelno si aan cashuur yar u bixino.

Sheekhii wuxuu ugu jawaab celiyay ganacsadihii danbi weyn oo ka aad sheegayso ka weyn ayaad gashay oo ah ‘been.’ Markaa danbi iyo khalad hawada galine cashuurta iska bixi.’ Runtii nimankani waa ay iimaan qabeen mar haddiiba shubah ka galay khalad iyo sax kuu yahay ficilkoodu.

Maaha gef iyo aflagaado. Inta baddan ganacsiga dabaqada dhexe waxa gacanta ku haya nimaankaa aynu xagga sare ku soo xusnay. Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa waxaa looga yaqaanaa sunnihii wanaagsanaa ee uu ugu horreeyay gadhka iyo surwaalka la gaabsado ‘anteennada lacagta.’ Waxaa ceebtaas oo dhan u soo jiiday gaadh-wadaadle aan wadaad ahayn.

Waa tahay. Wadaadku wuxuu leeyahay sifooyin ay ugu mudan tahay in aanu been sheegin. Wax kasta oo uu sheegaana ay tahay run uu ugu dhawaanayo  Ilaahay. In aanu ahayn tuug. In uu xambaarsan yahay dhaxalkii nebigeena.

Haddaba bulsho ahaan, wadaaddadu bulshada waxay ku dhex leeyihiin qadarin iyo ixtiraam iyo inay dadku aaminaan. Kooxdan gadh-wadaadleyaasha ah ee shacaa’irta islaamka u samaystay in ay u noqoto anteenno ay lacag ku raadiyaan waxay dhagar u maleegeen danyarta iyadoo bishaa Ramadaan aan qoysas dabka loo saarin, maceeshaddiina hawada ay ku sii shareereen.

Si cilmiyaysan haddii aan u dhigo, qeexidda dawladnimadu waa nidaam ay bulsho si wada-jir ah ugu heshiiyeen. Haddii uu ruux ka tallaabsado wixii lagu heshiiyay waxaa uu qofkaasi danbi ka galay bulshadii nidaamkaas ku heshiisay.

Gabogabaddii, waxaan u bar-tilmaameedsaday wadaaddada ganacsatada ah in ay dadka u naxariistaan iyo inaan ku baraarujiyo wadaaddada kuwa gabaadka ka dhiganaya wadaadnimada si ay u haleeyaan bulshada ama loo aamino kadibna bulshadda ay ku tuntaan.

Waxa kale oo igu kalifay qoraalkan, anigoo og qiimaha ay wadaaddadeenu leeyihiin, in aan lagu qaldin kuwaa ku soo dhex dhuumanaya ee ka been sheegaya muuqaalkooda.

Ganacsato baddan oo aan wadaaddo ahayn oo ganacsataa waa jiraan. Lakiin wadaaddadu waa ciddii lagaga dayanayay wanaagga, toosnaanta, dhibirsanaanta, u-gargaaridda masaakiinta, aaminaadda iyo runsheegistaba. Sidaa daraadeed haddii ay qaldanto ciddii lagu dayanayay waxaa soo baxaysa bulsho fasahaadsan oo halaysan.