Awoodaha is kaaba (WQ: Xasan Cabdi Shire)

Qofkatsa waxa uu leeyaay Hibooyin (Talents) & fursado (opportunity) horyaala oo la baahan yahay in la adeegsado ama laga faa’iideeysto. kuwasoo Rabbi ku manaystay dadka oo dhan. Hibo Alle ku siiyay taasoo tacab & tamar midna aanay kaa galin & Fursad ku hortaala oo kaaga baahan dadaal & tiigsi xooggan. Hibbadu (Talents) gacmahaaga ayaay ku jirtaa sida; Caqliga, cod-karnimada, dunnimada & laxaadkaaga, halka fursaduhu (opportunity) uu baahan yihiin inaad ugaadhsato ama qudhaabsato adoo maraya jidadka aay ku hirgali karaan sida; cilmiga, magaca, hogaaminta, sumcadda ama dhaqaalaha aad sameeyso dhamaantood tacab baay kaaga baahan yihiin.

Tusaale, dadka kuubadda cagta ciyaara waxaay haaystaan fursad & hibo, haddii aad tahay midigle ogoow waa hibo eebe kuu siiyay oo ah lugtaada midig inaay u fudud dahay sidaad kuubadda adaa u laadayso adoon barasho badan sameeyn, lakiin markaad sii rabto inaad kuubadda cagta ka gun gaadho waa inaad ka fa’iideeysaa fursadaha kale ee ku horyaala ee ah inaad lugtaada bidix ka sheqeeysiiyo si tacab & dadaal ku jiro, bidixdaadu inaay sida midigta oo kale u sheqaaysaa waa fursad u baaahan dadaal, dhanka kale inaad saaxibaada si wanaagsan ula ciyaari karto waa arin fursad loona baahan yahay inaad yeesho.

Tusaale labaad: qabiilkaagu waa hibo eebe ku siiyay, inaad qabiil hebel ku abtirsato waad geydaa mana bedeli kartid, lakiin habdhaqanka idiin dhaxeeya waad bedeli kartaa adoo u adeegsanayaa waddo toosan, halka qabiil hebel kale uu yahay fursad nololeed oo aad u baahan tahay inaad hesho ama aad barato ama nolol wadaag leedihiin.
Tusaale sadexaad: Saxiibkaa waa fursad nololeed oo ku hortaala inaad tubta toosan uga shaqaaysiiso, halka walaalkaa & inadeerkaa yihiin hibo eebe ku siiyay, saxiibkaa waa sahankaa waxaadna u baahan tahay doorashadiisu inaay ka madax banaan tahay qabiilnimo & danaaysi gaar, madaama loo baahan yahy inaad afkaar wadaagtaan.
Dhamaan awoodahaas Alle kugu manaaysto ee aad u baahan tahay inaad isku xaq dhoowrto sida hibbada Alle & fursadahaas noloshaada Rabbi ku siiyay, haddii aay isku dhex mil-maan waxaay keeni kartaa inaay is curyaanshaan oo mid-ba mid-ka kale galaafto.

Fursadaha inaad gaadho ayaa guushu ku jirtaa adoo adeegsanayaa hibooyinka Alle ku siiyay. Hadii aad codkar tahay maaha inaad ku difaacdo reerkaaga ama aad ku daadafayso dadkale, waxaase kula gudboon inaad ku difaacdo arrimo masiiri ah. Sida tolnimadu ugu tahay Somaalida tiir asaasi ah, ayaay sidoo kale u lumiyaan inaay waayaan dhoowr tiir kale oo noloshooda keeni lahaa guulo wax ku ool ah, waa sababta culimadu u kala saarto qabiilnimo & qabyaaladda, waxaa loo baahan yahay inaad xor u ahaato fursadda nolosha ku gedaaman, hibooyinkaagu waa inaanay caqabad ku ahaayn fursadahaaaga. Walaalkaa ama inadeerkaa hadduu caqabad ku yahay la dhaqanka dadka kale ama laguu arkaayoo nin tolkiis neceb, waxaa muhiim ku ah inaad doorbiddo iswaafajinta sidaad dadka kale u ilaashan lahaayd adoo cidna duraayn, qof khalad waa ka fahmi karaa waxaase haboon in aad qiyaasi kartid inaad ogaatid wadadii saxda haayd ma ku taagan tahay.

Dhanka kale haddi saxiibo badan aad leedahay oo aay yihiin dhoowr aad ilamdeer tihiin adoo mararka qaarkood ku door-bida ama ku doortay arinka saxiibtinimada wadada tolnimada, waxaa lumaysaa fursadii saxiibtinimada, ama fursaddii saxiibtinimada & hibadii tolnimada ayaa isku hal fa’iido kuu istaagaya, waxaana ka halaabayaa labo arin mid kood: inaad fursad beesho ama hibo beeshe, haddii saxiibtinimadu ku keento oo kali ah tolnimo, ogoow beri hadii tolnimada iksu fahmi waaydaan labaduba waa waayi doontaa, waadna garbo beelaysaa, halkaad garab kali ah beeli lahaayd, waa marka aay kala duwan yihiin saxiibkaa & inadeerkaa.

Haddaba garaadka, kartida, garashada, laxaadka, fidradda aad haaysato, xorriyadda dhamaan waxaa lagaaga baahan yahay inaad ku dhisto nolosha fursadaha horyaala oo ah, cilmigaaga, hogaamintaada, xidhiidhkaaga, saxiibtinimadaada, xilkasnimadaada, kagana bad-baadiso duruufaha nolosha ku ah caqabadaha sida; cunfiga qabiilnimo, ceeryamada baahida naftaada, ceebta & anshax xumida, tolnimada sida xun loo adeegsado, saxiib la’aan, hogaamin liid ah oo aay ka buuxdo eex, boob, bur-bur, been.

Waxaan soo jeedi lahaa qofkasta marka uu doonaayoo inuu meel gaadho inuu kala saaro hibooyinka Alle ee gacantaada ku jira & fursadaha nolosha ee dadaalka & xeerinta dheeraadka ah u baahan. Fursadaha & hibooyinkaaga isku tacab & tiigsi maaha, waana isku guul haddi si togan loo wada adeegsado. Waxaa loo baahan yahay in mustaqbalkaaga aad uga fikirto si xoog & xeelad ba leh, isma diidayaan kula dhaqanka wanaagga nolosha cidkasta oo aad haaysato & inaad labadaas arin ee aan kor kusoo xusnay kala saarto. Waxaan kasoo horjeedaa in qabiilkaagu dahab kuu noqdo oo waqtiga oo dhan kaaga halaabo si tabanna aad tacab u galiso, halka dadkii kale kusii waaydaaranayaan. Indho garaad ku lamaan yahay mudane ku eeg arinkaaga, guulaha noloshaada aad gaadho qof tolkaa ah baa beri ku faani doonaa, laakiin waxaa suurto gal ah in qofkaas lala gardaadiyay guushaas taariikhiga ah, kuwasoo kasoo jeeda qabiil kale. Dib u fiiri waayahay raggi dunidan & dadkan Somaalida wax kasoo noqday laguma xaman jirin qabiilnimo & Quud boobkiis.

Qoraalkaayg waxa uu si gaar ah u saaraya isha in la kala saaro Qabiilnimo cuqdadaysan oo dadkeena rafaadisay & saxiibtinimo laga dhexmilay reernimadii, saxiibkaa waa noqon karaa inaadeerkaa waxaase muhiim ah marka hore la qeexo ma saxiibtinimo ayaa isu kiin keentay mise tolnimo ayaad u saxiibteen, waxaana labadaas lagu kala saari karaa in saxiibkaa kaala sheekaaysan karin halkii uu kaala sheekaysan lahaa walaalkaa ama inaadeerka, sida; maxaan tolkeen u tarnaa, waxaase loo baahan yahay in saxiibkaa kaala hadlo afkaar ku dhisan horumar & waxgaradnimo, waa inaad markaad saxiibkaa kulantaan dunidaas aad mushaaxdaan idinkoo kormarayaa ugu yaraan qaarada Afrika, haddiise aad ku wareegtaan dhoowr qof oo isku qabiil tihiin, ogoow maaha saxiibkaa ee waa tolkaa qofkani. Dulucda waxa weeyaan halsheey oo hal arin kaaga baaan ha wada galinin laba tacab.

Ugu dambaayntii bahda dhalin yaradda ee lagu asqeeyay in tacabkooda aay galiyaan anagoo reer hebel ah, waxaa looga baahan yahay inaay ogaadaan in reerkoodu uu ka bilaabmo walaalkiis, aabbihii, adeerkiis, awoowgiiis, inadeerkiis, intaasiba qofna meel kaa tagi maayo,dadka kale ee qabiilkiina ku jiraa waa intaas oo sii tarmay ama isasii dhashay, waa intii magtaada & gashigaaga sugaaysay, waa intii ku abtirsan lahaayd guusha aad gaadho, waa intii dhaxalkaaga dhaxli lahaayd berito, haddaba waxaad u baahan tahay inaad ogaatid noloshaada dad faro badan ayaa u ah fursad inaad hesho ama aad ku asturmi doontaa, ogsoonoow inaad iksu wadi karto labo arimood oo isku jawi ah waa qabiilkaa & dadka kale, waa saxiibkaa & inadeerkaa si’aad u gaadho yoolka dadkan & kaagaba.
Toowfiiqda & Tubta Toosan Alle ha inagu Simmo.

Email: shire202@gmail.com