Axkaamka Ramadaanta: Xilliyadee ayaa ugu dhow in ducada la aqbalo? Q.23aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Rakuub)

Xilliyadee ayaa ugu dhow in ducada la aqbalo?

 

  • Qofka sooman marka uu afurayo
  • Qofku marka uu sujuudsan yahay
  •  Fadhiga dambe ee salaadda ‘taxyaadka’
  •  Eedaanka iyo aqiimka dhexdooda
  • Habeenka xilligiisa dambe
  • Maalinta jimcaha salaadda Casar ka dib (sida culimo
  • badan ku tagsan yihiin).

 

Waxa jira caqabado diida in la aqbalo ducada, sida Rasuulka CSW ka sugan, “Hagaaji cuntadaada, ducadaada waa la aqbaliye.” Xaaraan cunistu waxa ay ka mid tahay arrimaha is hortaaga in la aqbalo baryada. Nin ayaa Alle baryey isaga oo la yimid saddex arrimood oo ducadiisa lagu aqbali lahaa; Safar ayuu ahaa, Allena magacyadiisa ayuu ku baryayey, gacmahana kor ayuu u taagayey.

 

Saddexdaa arrimood waxay sababayeen in baryadiisa la aqbalo, hase ahaatee waxa is hortaagay habdhaqankiisii nololeed. Rasuulkaana tilmaamay isaga oo leh, “Wuxuu quudanayey xaaraan, hugiisuna xaaraan ayuu ahaa, wuxu ku soo barbaarayna waa xaaraan’e sidee looga aqbalaya baryadiisa?.”

 

Xadiiskaa su’aal baa ku jirta innaga garaadkeenna lagu wayddiinayo ninka sidaa ah sida looga aqbalayo. Haddaa saddex arrin oo sababi lahaa in degdeg loogu aqbalo baryadiisa waxa ka hor istaagay in uu xaaraan quute ahaa, markaa haddaad baryadada falcelinteeda waydo bal naftaada uun ku noqo.

 

Inta badan Rasuulku waxa uu ku ducaysan jiray sida Caa’isha sheegayso, “Allahayoow waad samaxaad badan tahay cidda wax saamaxdana waad jeceshay ee na saamax.” Waa baryo Rasuulku CSW ku ducaysan jiray, khaas ahaan tobanka dambe habeennada kala dhiman, sida 21, 23, 25, 27, 29, se waxa ay tahay in habbeen kasta iyo mar kasta ku ducaysato, ducaduna mar walba waa mid furan.

 

Fadliga masaajidka

 

Marka la qeexayo erayga masaajid waxa lagu qeexa sujuud, oo ah goobta lagu sujuudayo. Waxa eraygaa looga soo dheegta in ay tahay goobta qofku ugu dhaw yahay Alle SWT, siduu Rasuulku CSW inoo sheegay, “Marka uu addoonku Allihii ugu dhaw yahay waa marka uu dhulka foodda ku hayo.”

 

Masaajidku waa hoyga cibaadada, waa dhiska ugu xasiloon dunida ee qof ku nagaado, sida Rasuulka CSW ka sugan, “Goobta Alle ugu jecel yahay waa masaajidda, halka uu ugu neceb yahayna waa suuqyada.” Maaha goob qofku kohdo oo uu idhaa meeshan waanu ku sii soconnaa uun ee maanay naga dhammaanayn? Hase ahaate mar walba oo u galo wuxu ku dareemaa degenaan, taas oo u keenta in uu ku soo noqnoqdo.

 

Masaajidku waa goob cibaado oo lagu amray in aad xilli kasta oo salaadda la oogayo aad tagto taas oo aad ku ammaanan tahay sida uu Rasuulku sheegayey, “Kuwa u socda masaajidka gudcurka, kuwaasi waa kuwa hela naxariista Alle.”

Maalinta qiyaame waxa la soo dhaweeya cadceedda oo qof kasta madaxiisa lagu soo beega, kulkedana Alle uun baa garan kara.

 

Waxa jira dad maalintaa hadh ka hela cadceeddaa la soo dhaweeyey, kuwaa soo leh tilmaamo ay kaga soocan yihiin dadka intooda kale, dadka tilmaamaha laga helay waxa ka mid ah sida xadiisku sheegayo, “Qof qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka.” Haa, xilli walba masaajidka laga helo, la yaqaan marka la gaadho xilliga salaadda halka uu joogo iyo masaajidka uu ku xidhan yahay.

 

Sida oo kale Rasuulku CSW wuxu yidhi isaga oo u bushaaraynaya dadka gudcurka u guureeya masaajidda in ay maalinta qiyaame iyagu iftiin helayaan, “Haku busharaystaan kuwa habeenka gudcurka ah u guureeya masaajiddu inay maalinta qiyaame iftiin helayaan.”