Axkaamta Ramadaanta: afurinta qof sooman ajar ma leedahay? Q.7aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Rakuub)

Afurinta qof sooman ajar ma leedahay?

In aad afuriso qof sooman oo aad cabbitaan iyo cunto siiso waxa ku jira ย abaal marin aad u weyn, waana arrin Rasuulku CSW dadka ku booriyey kuna dhiirigaliyey.

Rasuulka CSW waxa ka sugan in uu yidhi, โ€œQofka afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisa iyo ajarka qofkuu afuriyey.โ€ Culimadu way ka hadleen oo waxay yidhaadhdeen ajarka qofka sooman ee la afuriyey laga qaadi maayo ee ajar kaas oo kale ayaa la siinaya kan wax afuriyey. Sidaa darteed waa mihim in haddii awood loo leeyahay lagu dedaalo in la afuriyo dadka aan waxba haysan, qofka la afuriyeyna farxad ayey u tahay ka wax afuriyeyna ajar wayn ayaa ugu sugan.

Ma soomayaan haweenayda uurka leh iyo midda ilmo jaqsiinaysaa?

Haweenayda uurka leh iyo ta ilmaha jaqsiinaysaa cafimaad ahaan ayaa loo yidhi hayska cunaan, waxa loo danaynayaa ilmaha uurka ku jiraa ama ilmaha ay jaqsiinayso ama iyada qudheeda oo laga ilaalinayo caafimaad ahaan inay is-dhinto.

Sida daraadeed ayaa la yidhi yaanay soomin ee hayska cunaan, se waxa u furan laba mid; inay soo qallayso intii ka tagtay ee Ramadaan ah, waana ta ugu wanaagsan ee ay waajibka isaga ridayso, taasanay culimo badani ku tagsan yihiin oo ay leeyihiin waa waajib. Midda labaad; ย culimada qaar waxa ay yidhaahdaan haddii aanay karayn in ay soo qallayso dad bay afurin kartaa ama sadaqo ayey bixinaysaa sida qofkii gabowgu hayey iyo kii xanuunsanayey oo kale, mid se ogow waxa ka xoog badan in la soo qalleeyo.

Miyey jiraan wax aan cunista iyo cabbista ahayn oo soonka jabiyaa?

Waxa soonka jabiya wax kasta oo leh macnaha cunis iyo cabbid ee uu gudba qofka gudihiisa, waxaana arrintaa caddaynaya xadiiska Rasuulka CSW, โ€œKu xeeldheerow sandaarsiga haddii aanad ahayn mid sooman.โ€

Halkaa waxa aad ka arkaysaa haddii aad sooman tahay in aanad sandaarsiga ku sii fogaanayn oo aanad isku fogaynayn sandaarsiga, waana daliil muujinaya qofka ay biyuhu gudaha u galaan in uu soonkiisu jabayo, yaanay ahaan kuwa afka laga isticmaalo ee cunis iyo cabbis ah.

Waxa taas la mid ah faleebooyinka loo isticmaalo qofka ee xididka lagaga quudinayo, oo afka sanka ama meel jidhkiisa ka mid ah lagaga xidho, taas oo aannu qofku dareemayn gaajo iyo haraad toonna, oo uu helayo faleebbo cunto iyo cabbis iskugu jirta oo awood uu kaga maarmo siinaysa, sidaa darteed uma bannaana in qof sooman uu isticmaalo isaga oo ku jira gudashada soonka dhexdiisa.

Waxa kale oo iyaduna la mid ah faleebooyinka laysku xidho inuu qofku qaato sida faleebbada dhiigga oo la yidhaa dhiig ayaa lagu shubayaa isaga oo sooman, maaha wax bannaan, sida oo kale dheecaanada nafaqada ee ka kaxaynaya in uu gaajo ama haraad dareemo maaha wax bannaan iyaguna.

Qofku isaga oo sooman dhiig wuu iska qaadi kara, waana la mudi karaa irbad aan wax nafaqo ah wadan, kuwaasi soonkiisa waxba yeeli mayaan.

Arrimahaa aynnu kor ku soo xusnay waxa ay meesha ka saarayaan ahmiyaddii soonka ee ahayd in qofku Alle SWT dartii u dareemo surmi iyo gaajo, taas oo qalbigiisa ku dhalinaysa in uu baqasho sameeyo ah horta yaad u sooman tahay ee aad u gaajeysan tahay? Maxaad ku helaysaa tawskan ama gaajadan adag ee aad ku jirto?. Hubaashii suโ€™aalahaasi waa mid qalbigiisa goodinaya, hir fogna ka tusaya abaal-celinta Alle SWT.