Axkaamta Ramadaanta: Dad-la-dhaqanka marka aad Tahay qof sooman Q.15aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Rakuub)

Dad-la-dhaqanka marka aad Tahay qof sooman

Markaas ayuu bilaabay in uu dadka waydiiyo Cumar halka uu joogo, qof kastaa wuxu ku yidhaa, “Mar dhawayd halkan buu joogee meelaha ka eeg.” Ilaa nin u su’aallay ku yidhi wakaa geedkaa hoos jiifa. Ninkii markuu arkay Cumar oo geed iska hoos jiifa ayuu yidhi ereyo dhaxal gal noqday, “Caddaalad baad ku xukuntay, markaasad nabad heshay, dabadeed iska seexatay.” Waa ta ay maanta garan laayihiin madaxda Muslimiintu ee kharashka ku baxa ilaalintoodu ummadahooga wax tari lahayeen.

Dad la dhaqanka wanaagsan waxa ka mid ah qofka ku shaqaynaya in aad dareensiiso in aad ixtiraam u hayso, hadallada qalafsanna aad ka ilaaliso, sida oo kale qudhaadu ogsoonaato in dani ku ag keentay oo laysku kiin imtaxaamayo, sidaa darteed aanad kula dhaqmin wax anshax xumo ah. Rasuulku CSW isaga oo hormood keeni ahaa ayaa habdhaqanadiisi sarreeyey waxa ka mid ahaa sida Anas ibnu Maalik Rc ka sugan in uu yidhi, “Toban sannadood baan u shaqaynayey Rasuulka CSW maalin kaliya wax aan sameeyey maxaad u samaysay ima odhan, wax aan samayn waayeyna maxaad u samayn wayday ima odhan.” Inta u badan dadka wada shaqeeya waxa ay isku qabsadaan ee canaantu ka dhacdana waa labadaas uun.

In aad dadka kula dhaqanto hab-dhaqan wanaagsani wuxu keenaya in qudhaada lagula macaamilo si wanaagsan. Sidaa ajligeed ayuu Rasuulku CSW lahaa, “Dadka kula dhaqan si wanaagsan.” Dadkuu waa geed aad beerato oo kale, kolba sida aad ku tahay ayey iyaguna kugu ahaanayaan.

Marka aad sooman tahay waxa lagaa doonayaa in habdhaqankaagu noqdo mid ka duwan marka aanad soomanayn. Waa in aad ku dedaasho habdhaqan tolmoon oo kolka bishu dhammaato kuu noqda layli aad ku joojisay habdhaqankaagii gurracnaa.