Axkaamta Ramadaanta: Ilaalinta carrabka iyo wakhtiga Q.11aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Rakuub)

Qofka sooman akhlaaq caynkee ah ayaa looga baahan yahay?

Akhlaaq marka laga hadlayo waa habdhaqanka qofka oo toosnaada, waana mid diintu dhiirigalisay in lala yimaaddo, iyada oo dadka ku tartansiinaysana u tilmaantay in maalinta qiyaame sida loo kala akhlaaq roonyahay loo kala darajo sarrayn doono. Waxa taas muujinaya xadiiska sugan ee Rasuulku CSW leeyahay, “Waxa Mu’miniinta ugu darajo sarreeya kooga ugu akhlaaq wanaagsan.” Hubaashii habdhaqanka suubbani wuxuu qofka gaadhsiiya sarreedo aan salaad badnaan iyo soon badnaan lagu gaadhin.

Waa habdhaqan uu hormood ugu ahaa ummadda Rasuulku CSW, miyaanad arag marka Alle SWT leeyahay, “Waxa kuu sugnaaday akhlaaq sarraysa.” Sida oo kale Caa’iisha Rc ayaa mar la waydiiyey habdhaqankii Rasuulka CSW waxay ku tidhi, “Habdhaqankiisu wuxuu ku salaysnaa Quraanka.” Rasuulku CSW wuxuu ahaa mid horseed u ah ku dhaqanka diinta sidaa darteed qofka ugu hor dhaqma ayuu ahaa.

Habdhaqanka tolmoon waxa lagu gartaa af-gaabni iyo dhawrsanaan sidaa ajligeed ayaa ergaygii Alle SWT lagu sheegi jiray in uu ahaa mid tilmaamaha ku suntan, xadiis ka suganna wuxu ahaa, “Alle wuxu ugu jecel yahay dadka qofka aan hadalka badnayn, wuxuna ugu neceb yahay qofka hadalka badan ee bilaa murtida ah.”

Habdhaqanka sare waxa ka mid ah xishoodka. Xishoodka ugu dunsani waa ka qofku Alle SWT ka xishoodo. Rasuulka CSW oo maalin la hadlaya asxaabtiisii ayaa ku yidhi, “Waar ka xishooda Alle, xishood dhab ah.” Inta ay naxeen saxaabadii ayey si degdeg ah ugu falceliyeen, “waa aannu ka xishoonnaa Rasuul Allow.” Intaa markii ay yidhaahdeen ayuu haddana ku yidhi, “Xifdiya madixiina iyo intuu koobsaday, xifdiya calooshiina, badiyana xusuusnaanta geerida.”

Billaahi calaykum xadiiskaasi muxuu inoo reebay? Haddii lagu yidhi xifdi madaxa iyo intuu koobsaday; waa indhahaagu yaanay eegin wax aan Alle SWT raalli ka ahayn, dhegehaaguna yaanay dhagaysan wax Alle SWT necbaysanayo, calooshaada yaanay gelin xoolo aan xalaal ahayn. Badiya xusuusta geeridu waa ha isa siin noloshan, maalin aadan is ogayn ayey geeridu kuu iman kartaa, saacad aadan ogayn ayey naftu kaa bixi kartaa, mar walba waa in aad diyaar u noqotaa geerida.