Axkaamta Ramadaanta: Sadaqada iyo soonka Q.16aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Rakuub)

Sadaqadu waa qashinka ka baxa qofka ee uu ku helayo dambi dhaaf iyo naxariis, gaadhigu haddaanu saliidda iska baddelin noqon maayo mid raandhiis sii lahaada ee marka dambe wuu is duqeeya. Sadaqadu waa dambigii qofku sameeyey oo uu iska bixiyey, waana midda uu Alle SWT leeyahay, “Ka qaad xoolahooda qayb, si ay iskugu daahiriyaan, una ducee.”

 

Bal u fiirso aayaddaasi sida mugga leh ee ay wax u bidhaaminayso, marka xoogaa lagaa qaado aan ku damqayn waxa aad helaysaa fudayd dambigaagi lagaa dul qaaday, sidoo kale waxa aad helaysaa duco Nabi.

 

Sadaqadu waa biriij isku xidha bulshada qaybaheeda haynta ku kala sarreeya. Mar kasta oo qofka hodanka ahi uu ka war hayo bulshadiisa liidata waxa dhexdooda ku beermaya kalgacal iyo jeclayl.

 

Qof kasta oo wax bixinaya marka la yidhaa kaaga liita wax sii, wuxuu dareemayaa in aan xoolihiisii meel kale ka tagin waana sababta uu Rasuulku CSW ka duuleyey ee uu ku lahaa Mucaad ibnu Jamal Rc, “Ka qaad xoolaha intooda ladan, kuna celi intooda saboolka ah.” Waa xoolahaagii oo adiga kaa baxay isla adigiina kugu soo noqday. Se haddii aad ku dheggenaato xoolahaaguna barako yeelan mayaan adiguna mid culays saaran yahay uun baad ahaan, Rasuulku CSW isaga oo muujinaya in sadaqadu aanay qofka musalaf ka dhigin wuxu yidhi, “Sadaqadu xoolaha waxba kama nusqaamiso.”

 

Haddaad lahayd wallee shilinkaa kaa baxay kuu soo noqon maayo, inta kaa baxday in ka barako badan ayaa ku soo geli,. Inta kugu hadhay ayaa noqon doonta in ku barakowda. Alle SWT isna isagoo qofka xoolihiisa bakhaylka ku ah la hadlaya ayaabu yidhi, “Yaanay u malayn kuwa xoolaha Alle siiyey lexejeclaysanaya inay sidaasi u khayr badan tahay, hase ahaate waa u shar.”

 

Haynta iyo kaydinta xooluhu maaha mid la diiddan yahay, se waa in aad ogaataa in xoolahan uu Alle SWT ku siiyey, sababta lagu siiyeyna aanay ahayn jacayl khaas ah oo adiga laguu qabo, hase ahaate ay tahay imtaxaan lagugu eegayo, sida aad ka yeeshana masiirkaagu noqon doono.

 

Sadaqadu waxa ay ka qaybqaadata cimri dhererka; marka laga hadlayo in cimrigii laguu qoray wax lagugu darayo maaha, sida culimo badani ku tagsan yihiin, hase yeeshee waa in cimrigii lagu siiyey barako ku yeesho, Sidaasu Rasuulku CSW u lahaa, “Sadaqadu cimriga way dheeraysa.”