Axkaamta Ramadaanta: Tobanka dambe ee Ramadaan Q.18aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Rakuub)

Tobanka dambe ee Ramadaan

Tobanka u dambeeya Ramadaan, waa habeennada ugu qiimaha badan habeenno uu Alle SWT abuuray, marka tobanka dambe soo galo, waxa loo dedaallaa si ka sii wanaagsan intii hore oo dhan, Caa’isha Rc waxa ka sugnaaday, “Markuu bilaabmo tobanka dambe Rasuulku dhiisha ayuu guntiga ka xidhijiray, habeenkana wuu noolayn jiray, ehelkiisana wuu toosin jiray.” Markaa adna waa in aad qorshaha ku darsato in aad xawligaaga kordhiso marka toban kani soo galo. Inta badan dadku marka tobanka dambe soo galo daal ayey la kulmaan ay labaatankii hore ku soo yar caajiseen, taasana keentay in dardargelin xagga cibaadadaa ah la sameeyo.

Dadka qaar ayaa tobankaa dambe meheradahooda ku mashquula oo tobankaa ka dhiga maalmo ganacsi, sidaa darteed waxa aynnu leenahay waar laydinma diiddana shaqadee tobankaana ka faa’iideeya waa jaanis aydaan hubin in uu mar dambe idin soo mari doono.

Tobankan dambe waa habeenno hurdada la kala tago, Caa’isha Rc waxa ka sugan, “Labaatanka hore Rasuulku marna wuu seexan jiray marna wuu cibaadaysan jiray, laakiin tobanka dambe hurdo way kala tegi jireen.” Tobankan waxa la qabtaa oogista salaadda iyo Alle SWT oo dambi dhaaf la wayddiisto isagana la xuso.

Marka laga hadlayo xuska Alle SWT waa waynayn la waynnaynayo, iyo in laga kor yeello xumaan, waxa kale oo xus la yidhaa in Alle SWT loo mahadceliyo

Ilaahay SWT cid caddaalad samaysa isagaa ugu sarreeya. Adiga oo khasab laguugu leeyahay  in aad Alle xusto ayaa haddana lagu leeyahay mar kasta oo aad Alle SWT xusto isna wuu ku xusayaa, Alle SWT wuxu yidhi, “I xusa aan idin xuse,”. … Xuska aad adigu Alle SWT xusaysaa waa adiga oo dambi dhaaf wayddiisanaya, adiga oo xumaan ka kor yeellaya iyo adiga oo u mahadcelinaya galladaha uu kugu deeqay dartii.

Xuska uu Alle SWT adiga ku xusayaana waa in uu dambi dhaaf ku siiyo. Xilliga aad Alle SWT xusaysaa ma laha xilli sooc ah, se mar walba waad xusaysaa. Alle SWT waxa ka sugan, “Kuwa Alle xusa, iyaga oo taagan, fadhiya ama jiifa.” Adiga oo iska jiifa ayaad Allaha xusaysa, adiga oo suuqa iska dhex maraya iyo adiga oo shaqadaada ku jira ayaad haddana Alle SWT xusaysaa.

Mar kasta oo carrabkaagu barto xuska Alle waa mar walba oo naftaadu xasilayso, dareemayso deganaan. Alle SWT waxa u yidhi, “Ragga iyo dumarka Alle xusa, wuxu u diyaariyey dambi dhaaf iyo janno.”