Axkaamta Soonka: Casharka Saddexaad (WQ: Dr-Abdulqani Beder)

* Maxaa qofka mukallafka ah u banneeya inuu afuro maalinta Ramadaan?
(Mukallafku waa qofka laga helay shuruuddii ku waajibinaysay soonka)

Ilaahay diintan waxa uu ka dhigay mid dhibirsan oo sahlan, wax kasta oo culays iyo dhib ku keenaya addoomihiisana wuu ka koryeelay, wax kasta oo uga dhaca si awooddooda ka baxsanna wuu ka cafiyey.

Dhammaan sababahan hoose waxay u banneynayaan qofka uu soonku ku waajibay inuu iska afuro oo markuu xaaladdan ka baxo qalleeyo- dib u soomo- maalmuhuu afuray, waana kuwan:
1- Inuu xanuunsanayo, xanuunkani wuxuu u qaybsamayaa laba xaaladood:
a- Inuu ku jiro xaalad xanuun ama uu hayo xanuun aanu la soomi karin, amaba soomiddu culays ku tahay, amaba soonku caafimaadkiisa wax u dhimayo, rajeynayana inuu ka bogsado oo ka kaco, xaaladdan wuu afurayaa, marka uu bogsadana wuu qalleynayaa maalmuhuu afuray.

b- Inuu qabo xanuun joogto ah oo aanu filayn inuu ka bogsado, sida inuu qabo xanuunka macaanka/sonkorta oo heer halis ah gaadhay, xaaladdan wuu iska afurayaa, maalin kasta oo Ramadaan ka mid ahna qof buu afurinayaa (Afur iyo Casho), amaba wuxuu bixinayaa raashin u dhigma 1.25 kg.

2- Inuu socoto – musaafir- yahay, safar xalaal ah, oo aanu ku jirin safar xaaraan ah, amaba safar xeeladaysi ah oo uu soonka kaga baxsanayo.
3- Inuu yahay qof da’ ah, gaboobay oo aan awood ahaan soomi karin.
4- Inay gabadhu leedahay dhiigga caadada ama dhalmada.
5- Inay gabadhu uur leedahay ama ilmo nuujinayso- xaaladahan gabadhu marka ay ku jirto waxay soonka uga tegi kartaa laba arimood midkood:
1)- Inay ka baqdo in nafteeda dhibaato soo gaadho hadii ay soonto ama:
2)- Inay ilmaheeda yar ee ay xaamilkiisa tahay amaba nuujinayso u cabsato in ay dhibi soo gaadho.

Hadii ay gabadhu labadan xaaladood mid ka mid ah u afurto, waa inay qallaysaa marka ay xaaladdaas ka gudubto, culimada qaarkood ayaa ku tagsan hadii ay gabadhu u afurto xaaladda labaad oo ah inay ilmaheeda u cabsatay, markaa waa in ay isku dartaa qalle iyo kafaaro bixin, taasoo ah inay maalin kasta oo ay afurtay qof afur siiso, amaba iska bixiso 1.25 kilo oo ah cuntada daruuriga ah ee ugu isticmaalka badan deegaanka ay joogto, sida daqiiqda, bariiska iwm, sidaas waxa laga weriyey Ibn Cabbaas iyo Ibn Cumar Alle ha ka raali ahaado iyaga iyo waalidkoodba e.

Haddii gabadha ay u suuro geli waydo inay qallayso, sida dumarka caruurtoodu isku nuugga yihiin oo kale, culamada qaarkood baa yidhi kafaaro keliya ha bixiso, wax qalle ahna laguma laha.

Arimahani dhammaantood waxa ay muujinayaan sahlanaanta diintan iyo in Alle addoomadiisa ku kelifay oo keliya waxa ay awoodaan, mar kastana kartidooda iyo karitaankooda la tix gelinayo.

Alle waxa aanu ka baryeynaa inuu dhammaanteen diinta ina fahamsiiyo, dhaqan gelinteedana ina waafajiyo, inagu nooleeyo oo inagu oofsado, oo inagu sugo kelmadda toosan if iyo aakhiraba.

واعلم أنّ الدال على الخير كفاعله.
La soco casharka xiga——

Dr-Abdulqani Beder