Axmed Muuminow sabir, hambalyo Dr. Cirro, Guddoomiye Jirde iyo Hoggaamiye Xirsi (WQ: Drs. Hoodo Yuusuf)

Sidaan sawirada   saaka  ka halacsaday,  waxa cod gacan taag ah loo qaaday Musharax Axmed Muumin Seed iyo Musharax Maxmed Cali.

Safka hore oo ay  fadhiyeen Isbahaysigii Kulmiye, waxay dhammaan gacanta u taageen Dr. Maxamed Cali, marka laga reebo Prof. GeedooleDr Cirro wuxuu codkiisa u hibeeyay  Axmed Muumin Seed, laakinse waxa ka heeliyay 581 cod oo ka kala ka yimid  goboladda  Somaliland iyo dacalada dunidda.

Mudane Axmed Muumin Seed wuxuu helay 44. Haddii  lagu daro taageerayaasha uu yidhi shirkaa loo diiday oo uu ku sheegay 180,  wadarta codkiisu wuxuu noqon lahaa 224 versus 581.

Haddaba,  aniga oo kursiga la jeclaa Mudane Axmed Muumin Seed,   waxaan  hambalyo diiran u dirayaa  Dr Maxamed Cali, oo helay cod aqlabiyad ah.

Waxa kale oo aan hambalyo diiran u kala dirayaa Dr. Cirro, Guddoomiye Jirde iyo Hoggaamiye Xirsi.

Mudane Axmed Muumin waxaan ku boorinyaa in uu hawshiisa Guddoomiye-ku-Xigeenimo guto oo sabir iyo dulqaad yeesho.

Drs Hoodo Yusuf, London.Uk

yhoodo@yahoo.com