Axmed Shide: hormuudka is dhex-gal-ka dhaqaale ee geeska Afrika (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Madaxda hormuudka siyaasadda Ethiopia-da dumuqraadiga ah ugu cadcad ayuu Axmed Shide ka mid yahay haddii aannu ahayn ba xiddigga ugu iftiinka badan, marka ay noqoto in dunida lagu qanciyo doorka horumarka, siyaasadda iyo is-kaashiga dhaqaalle ee Qaaradda Africa Ethiopia ka ciyaari karto. Gaar ahaanna, Geeska Africa oo xilligan diiradda juquraafi siyaasaddeedda dunidu saaran tahay. Isla markaa leh ahmiyado siyaasaddeed, dhaqaale iyo amni inta ba.

Shide wuxuu noqday qofkii Soomaaliga ahaa ee hoggaanka siyaasadda Ethiopia halkii ugu sarreysay ka gaadhay, hal wakhti ayuu wada qabtay shan xil oo mid walba miisaankiisa leeyahay.

1. Wasiirka Maaliyadda Iyo Horumarka Dhaqaalaha.

2. Guddoomiyaha XDS.

3. Guddoomiyaha guddiga Jaamacadda Addis Ababa.

4. Wakiilka dalka Ethiopia ee arrimaha deriska Ethiopia iyo xidhiidhka Siyaasadda Badda-cas.

5. Xubin ka mid ah sagaalka xubnood ee guddiga tiro koobka heer Qaran.

Qaan-gaadhnimadiisa siyaasaddeed waxa ay markii ugu horreysay ii muuqatay markii aan arkay sidii uu uga falceliyay gabbood-falladii iyo xad-gudubyadii xilligii kala-guurka ahaa ka dhacayay Deegaanka Soomaalida. Xilligaa guud ahaan dadka Deegaanka Soomaalida ku nooli way qalbi-jabsanaayeen manay saadaalin karayn sida uu mustaqbalkooda iyo mustaqbalka dalkoodu ba u ekaan doono.

August. 17.2018. ayuu warbaahinta dalka waraysi siiyay, kaasi oo hoosta aad ka daawan kartaan. https://youtu.be/KH19ZB-vySI

Hadalkiisaa oo koobnaa wuxuu ahaa mid rajo iyo yididiilo cusub u abuuray guud ahaan dadkii warkaasi gaadhay. Waxa hadalladiisii ka mid ahaa;

“Guud ahaan dhibaatooyinka dadka deegaanku qabaan oo ay ka mid tahay xad-gudubyo sharci, kuwa xuquuqul Insaan iyo maamul xumo intaas baan waan ognahay wax na waa laga qaban. Guddi xaqiiqo raadin oo heer Qaran ayaa la saaray iyaga ayaa baadhitaan ku samayn doono dambiyadii Deegaanka ka dhacay, Bangiyadii la boobay,  goobihii cibaadada ee la gubay iyo dhammaan falalkii xumaa ee dhacayna ma aha kuwa shacabka deegaanku ku eedaysan yihiin ciddii danbigaa gashayna sharciga ayaa la hor keeni.” Shide.

Shide wuxuu ahaa qofkii Alle sababta uga dhigay badbaadintii siyaasadda Soomaalida ee Deegaanka “kilalka 5aad” xilligii khilaafaadka iyo qalalaasuhu idil ahaan ba deegaanka hadheeyay.

Wada hadalladii wax garadka, madax dhaqameedyada iyo hoggaaminta heer deegaan iyo hoggaanka ugu sarreeya ee Ethiopia oo uu hor kacayay Ra’iisal Wasaare Dr. Abi Ahmed dooddii, falanqayntii iyo is-fahankii dhex maray labada dhinac wuxuu ku lahaa Shide qayb libaax.

Axmed Shide Maxamed siyaasadda kama soo gelin albaab qabiil oo odayaal ay dabada ka riixayaan, sida oo kale saaxiibbo siyaasaddeed oo ku garab-galay fuulista sallaanka siyaasaddeed ee hoggaaminta Ethiopia iyaguna ma jiraan. Muddo labaatan sanno ah ayuu kaadir xisbi ahaa, sida oo kale Isla muddadaa wuxuu xubin muhiim ah ka ahaa Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Isku soo wada xoori oo keliya xirfaddiisa, kalsoonidiisa,aqoontiisa iyo sikhiraadda Rabbi ayuu guulaha waaweyn ee siyaasiga ah uu ku gaadhay.

Sida oo kale Shide waa xirfadle muddo dheer ka soo shaqeeyay Wasaaradda Maaliyadda Ethiopia koboca dhaqaale ee Ethiopia lagu ammaano muddooyinkii dambe safka hore ayuu kaga jiraa shakhsiyaadka horseedka u ah. Wasiirkii ugu wakhtiga dheeraa xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Horumarka Maaliyadda oo ay Axmed Shide na in badan wada shaqeeyeen mar uu Baanka Africa in uu guddoomiye ka noqdo u tartamayayna wuxuu ku dardaarmay in Axmed Shide yahay qofka ugu habboon Ethiopia Wasiir Maaliyaddeed u noqon kara marka loo eego aqoontiisa, xirfaddiisa, khibraddiisa iyo fahanka uu fahansan yahay siyaasadda Maaliyadda ee dalka.

Mar uu la hadlayay muuqbaahiyaha CNBC Africa wuxuu sharrax wanaagsan ka bixiyay sida Ethiopia ugu  heellan tahay in ay koboc dhaqaale oo xawligiisu sarreeyo sameeyso,

▪Qorshaha horumarinta kaabayaasha dhaqaale,

▪Doorka Ethiopia ee is-dhex galka dhaqaale ee gobolka,

▪Kaalinta Ethiopia ee duulimaadyada heer caalami mid qaaraddeed iyo mid gobol ba isaga oo intaa raaciyay in Ethiopian airline ay 70 sanno fagaareyaasha duulimaadka door mudan ka ciyaaraysay. Haatanna ay aad u sii casriyaynayaan isaga oo carrabaabay in madaar cusub oo kan Boli aad ugu weyn la dhisayo.

▪Ugu dambayna wuxuu sheegay in dib u eegis lagu wada shuruucdii maal gashi ee dalka la na sahli doono si ay u soo jiitaan maal gashatada kaasi oo qayb ka ah qorshaha suuqa xorta ee dhiiri-gelinta ganacsatada gaarka ah.

Halkan ka daawo waraysigaa oo dhammaysa https://youtu.be/sq0aWgvE6sg lana soco qaybo kale oo muhiim ah.

XIDHIIDHADA

☆ E-mail: Somailand_author@yahoo.com

☆ Twitter: @Athornasser

☆ Whats app : +252634034688

☆ Instagram: Authornasser