Axmed Xasan Cawke xarragadii mikirifoonka warbaahinta Af-Soomaaliga 1948 – 2015 (Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf Freelance Journalist)

Maanta oo ah 17.11.2022. Todoba sano ka hor waxay ahayd Geeridii suxufigii weynaa Axmed Xasan Cawke oo la odhan karo wuxuu ahaa Weriyihii ugu caansanaa Dhamaanba Warfidiyeenada Dunida Afsoomaaliga, markalena wuxuu ahaa Nin hawsha saxaafada kusoo jiray 47 Sanadood oo cimrigiisa kamid ah, xaqiiqo ahaana wuxuu ku cadaa astaan Warbaahineed oo mudan in wax badan  lagaga daydo.

Inkastoo taariikhdiisii marar badan laga hadlay, asxaab badan oo dadkii ay aqoonta isu lahaayeena ka warameen,  aan dib u milicsado    Saacadihii hore ee Subaxii Salaasaad 17.11.2015 amin 8:30 Wax dheeryihiin oo  Jilaaga Weyn ee Ibraahin Xaaji Asparoo igu salaamay, warka geerida Marxuum Axmed Xasan Cawke, Intaan Dhegahayga rumaysan waayay ayaan u celiyey xagaad ka maqashay?, Adeer Internetkaa hada laga Sheegayey ayuu iigu Jawaabay. Waxaan Raadiyey Xaqiiqda warkaa intaananse Cidkaleba Wax weydiin ayaan Telefankaygii gacanta AQOON-MAALkiisii fariin kusoo dhacday, waa Dhambaal Sheegaya Geerida iyo  goobta uu ku dhintay Marxuumku, intaa kadibna waxaa Maskaxdayda ku bilowday oo hor timi Xusuustii Cawke, mudooyin fog iyo waayo aad u durugsan iyadoo Hirba hirkale ii dhiibayo Feker dheerna aanku foofay ayaan ku baraarugay Jeliska Mobilkayga

Waa Asxaab iyo saaxiibo Jamaaci ah, oo ay ugu horeeyaan Maxamed Axmed Warmooge oo kamid ah Aqoonyahanada Reer Berbera, iyo Abshir Gaydh Cali, oo ka tirsan  hawlwadeenada Kastamka Berbera, oo markaasuun Warka maqlay,Labadan Oday oo Xidhiidhka Saaxiibtinimida ay noo  dheertahay Daryeelka Taariikhda iyo Diiwaangelinta dhacdooyinka “INAALILAAHU WA INAA ILEYHI RAAJICUUN” Ilaahay haw Naxariisto iyo Ala haw Raxmado ayaa noqotay Duco aanu si wadajira Aniga iyo Saaxiibaday Hadalkii noo dhexeeyay  kusoo jarnay,  dhowr saacadood oo dambe cid kasta oo aanu wada xidhiidhnay waxaa Salaantii iyo Bariidadii bedelay Warka Marxuumka

Hadaba Geeridu waa xaq Nafwaliba dhadhamin doonto sida Diinteenu inoo sheegtay,Balse shakhsi kasta oo Dunida ka dheelmada waxaa ka hadha Taariikh aan dhiman, oo Aduunka baaqi ku noqota, Allaha Raxmaanka ah ayaana Adoomihiisa intay Ifka joogaan u qaybiya una doora Saamiga Qofku dunida ku yeesho taasoo Natiijadeedu ku dhamaato in dadka qaarkii Geeridooda ay u Baroortaan Qoyska iyo Eheliyada uu ka dhashay, Halka Badhkalena Dhimashadoodu ka oohiso Qaran iyo Mujtamac Balaadhan.

Marxuum Axmed Xasan Cawke oo ahaa Horyaalkii Warbaahinta Afka Soomaaliga kaalinta 1aad ta labaad iyo Weliba 3aad cidi aanay agtiisa iman Karin,

Wuxuu lahaa cod nool oo geydh leh Mowhibat iyo Deeq Allaha Qaniga ahi hibo u siiyey oo aanay cidi la wadaagin ayaanay Ahayd,   Markalena wuxuu Allaha Raxmaanka ahi u hawlyareeyay   dariiqa sirta Madadaalada Malaayiin qof oo meelo kala durugsan ku dhaqan, habka iyo hanaanka loo fahmo Mawduuca uu tebinaayo Balaaqada Weedhihiisa,  ayaa ka dhigay Suxufi  dhame ah, dhab ahaana warbaahinta Luqada Soomaalida waxaa  uu kadhigay mid yeelata dhegeysteyaal iyo Daawadeyaal tira badan

Karaamada iyo sumcada uu ku yeeshay Hawsha Warbaahintuna waxay sabab u noqotay  maalintii geerida Xaqa ahi  ku timi 17.11.2015ka Guri kasta oo Afsoomaali lagaga hadlaa ay gaadhay Baroordiiqda iyo Tacsida Halyeyga Xijaabtay,

Guud ahaana Xaalada Dunida Afsoomaaligu waxay ahayd mid geeriyeysan, Ayaantaasina waxay lahayd muuqaal Aamusan oo hadalku kusoo koobmay, ducada Marxuumka Alle looga Baryayo dembi dhaaf. Allaha Raxmaanka ahi Naxariistii janadul Fardawsa u Dalaalimeeyo,

Milgaha iyo xurmada loo sameeyey Aaska qaran ee Marxuum Axmed Xasan Cawke, wuxuu ahaa kii ugu sareeyey ee loo sameeyo Qof Afsoomaali ku hadla,marka laga yimaado Madaxweynihii hore ee S/land Marxuum MICigaal.

Daafaha iyo dacalada dunida, degelada dhow iyo degmooyinka durugsanba waxaa Dadku hor tubnaa Muraayadaha TVyada oo qaarkood si toos ah usoo gudbinayeen Jawiga Aaska, dareenka laga bixiyeyna Waxaa lagu tilmaamay inaan Dib loo heli doonin suxufi u dhigma ama buuxin kara Kaalintiisii.

Markaan hadaba dib ugu noqdo Weriye Axmed Xasan Cawke oo 1986-90kii aanu wada deganayn Xaafadii Xamar-Bila oo ka tirsanayd Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir ama Magaalada Muqdisho,hase ahaatee xiligii iigu horaysay ee aan Arko waxay ahayd Badhtamihii 1983kii Maalin aan Idaacada Raadyow muqdisho u raacay Cismaan Maxamed Xasan oo (Cismaan-Tanzaaniya) loo yaqaanay kana tirsanaa Weriyeyaasha Idaacada Raadyow Muqdisho gaar ahaan Qaybta Afka Sawaaxiliga,ka sokow shaqada Warfidiyeenimo waxa uu maamule iyo Macalinba ka ahaa Dugsi Luqada Ingiriisiga lagu baran jiray oo ku yaalay Degmada Yaaqshiid, oo dhinaca  cadceed u dhac ka xigay Afarta Jardiino,

Xili gelin hore ah ayay ahayd markaanu gudaha u galnay dhismaha Idaacada waa Aniga  iyo Cismaan-Tanzania waxaanu usii dhaafnay dhowr kamid ah Qolalka Xafiisyadda oo saacadaa uu ka muuqday  mashquul qofkastaa hawshiisa faraha kula jiro, Qadar kadib oo aanu debeda usoo Baxnay ayaanu kadinka ku kulanay Nin aanu Beryo damban is baranay waa Maxamed Axmed Qude oo ka tirsanaa farsamayaqaanada waaweyn ee idaacada, Waxaanu u sheegay Weriye Cismaan in Hawsha ugu badan ee maanta la qabanayaa ay tahay Fanaaniin Heeso cusub laga duubayo,inkastoo maalintaa Nasiibku ii saamaxay inaan Wejiyadooda barto  dhowr warfidiyeen oo aan magacooda ka maqli jiray Raadyowga, balse qofkii iigu mudnaa oo aan mudo dheer is weydiin jiray toloow marna ma arki doontaa ayaa si hawlyar oo aad u fudud ay u suurto gashay, waxay isa Salaameen Suxufigii ila socday, bariido midba ka kale uu Magaciisa kor u xaadiriyey ayaa lays weydaarsaday haye Axmed Xasan Cawke sow Aboosto maaha ayuu yidhi Weriyihii Qaybta Afsawaaxiliga ee Idaacadu.

Intaanu haye iyo hee midna odhan  Ayaa Sidii Maxbuus xadhig dheer oo aan racfaan lahayn maxkamadi ku riday balse Albaabkii Jeelka saamaxaad aanu filayn looga dhiibay ayaan badweyn Farxad ah badhtanka u galay.

Xageen joogaa labadaydii Indhood mugood oo jaleeco iyo Daymo is-huwan ah ayaan ku weerargalay, Kaftan iyo is xogwaraysi labada warfidiyeen midba ka kale hadal aad uga qosliya uu ku tuuraayey ayaa Jaanis u siiyey Duulaankaygii Khaawisaada ahaa inuu si fiican u guuleysto maadaama colkan aan galay ay isku maqanyihiin,

Habdhiska dareenwadkayga ayaana si aad u saraysa u duubay Shiishka dhaayahu ku qabteen Shakhsiyadda xiisaha weynleh, kaydka maankuna wuxuu maskaxdayda ku tuuray muuqaalka dhabta ah, ee Magaciisu ilaa maalintaan dab ka baydhay maqli jiray, Maansha Allaa waa Nin joogdheer qotonkiisa toosan iyo Haybada Alle siiyey wuxuu Safal Awal Lr One ku noqonaya raga marka noocooda la tilmaamayo soomaalidu tidhaahdo“NIN GOLE JOOGLE” Waa Inangolyeedka marka Raggu isu yimaado  ilqabatinka leh goobta uu isa soo taagana sidii Galool mudhay u muuqda,

     Dhinaca Xarragadana wuxuu halkeeda dhigayaa Derejadda lebisaada sumadda iyo calaamada uu inta kale kaga soocmayaana Marka la sharaxayo  “WAA NIN DIRAYS QAADLEH”.

Muuqaalka dhabta ah ee aan maalintaasi arkayna wuxuu xujo iyo Halxidhaale ku noqday Sawirkii wakhtigii aan caruurta ahaa laygu sheegay, in badan oo dhulka Soomaalidu degto ah ayaanan ka maqlay sheeko odhanaysa In weriye Axmed Xasan Cawke uu ahaa Nin aad iyo aad u gaaban, xiligii uu socday Dagaalkii 1977kii Soomaaliya iyo Itoobiya u dhexeeyayna Xukuumadda Itoobiya oo aad uga cadhaysan Faalooyinkii uu ka Akhriyi jiray Idaacada ay madaxiisa duldhigtay  abaalmarin cidii usoo gacangelisa miisaankiisa oo dahab ah la siin doono, mudo yar dabadeedna ay dhacday in la afduubay weriye Axmed Xasan Cawke iyadoo dhererkiisa cilinka ah laga faa’iidaysanayna Jawaan lagu riday kadibna lagu Qariyey Gaadhi dhinaca Itoobiya u baxaayey, Balse iyadoo xuduudka ay waxyar u jiraan kooxdii afduubtay ay kusoo baxeen bar kaantarool oo  ay joogeen Ciidan Soomaali ahi oo baadhay                      Gaadhigii lagu soo qariyey Jawaankaas sidaana uu ku fashilmay shirqoolkaa

Sheeko aad u faaftay intaan hubana maalinta ka dib iyo ka horba waxaan ka maqlay Deegaano ay kamid yihiin Dhuusamareeb, Burco, Hargeysa, Garoowe, Qoryoolay, Kismaayo, Jowhar, inkastoo aanay jirin cid keliya oo tilmaamaysa goobta lagu qabtay Jawaankaa, magaceeda iyo xiligay ahayd, Been fakatay iyo hadal layska yidhyidhi ayaan u qaatay, waxaana isu kay qabanwaayey dhererka heegada ah ee Weriye Axmed, iyo Muga uu qaadi karo Jawaankan jaan ee Malaayiinta Afsoomaaliga ku hadashaa  yar iyo wayn ay budhcada shuftada ah ku qabatay, laguna qanacsanyahay inay tahay xaqiiqo dhaba, balse hadii si kale loo dhigo waa xisaab dariiqada furfurkeedu noqonayo Codkii awooda xoogan lahaa(+) oo lagu daray Balaaqadii iyo doobtii hibada ahayd (x) oo lagu dhuftay Xaraaradii iyo Qiiradii Xiligaa taagnayd ( oo loo qaybiyey) dhegaha iyo Quluubta Soomaalida (=) oo lamid ah Warfidiyeen Cawke oo u dhigan Gantaal tiiro dheer oo Wajahada ka cuskatay bartilmaameedkii lagu ganay.

Qaabka sheekadan iyo sida loo jidmariyey ee cidiba cid usii dhiibtay oo ilaa maanta qaar ku dhaaranayaan inay run tahay,waa qiso Hal abuura  oo macnaha iyo nuxurka ay xambaarsantahay si qaab kale ah u fasirayo in Dagaalkii dhinaca Afka ahaa ee barbarsocday Xabada uu guusheeda soo Hooyey Janaraal Axmed Xasan Cawke.

Inkastoo aanan maqal tartan loo qabtay Hawlwadeenada ka shaqeeya Saxaafadda, oo lagu qiimaynayo sida ay ugu kala horeeyaan Shaqada Weriyenimada oo hadii mar uun lagu dhaqaaqo aan hubo inay  kor u qaadi lahayd niyada suxufiyiinta, dhiirigelin balaadhana u noqon lahayd horumarka xirfadooda

Waxaadse moodaa Qiyaasta inta warbaahinta ku xidhani ay la dhacsanayd  khibradda warfidiyeenimo ee Axmed Xasan Cawke xaqiiqo ahaan waxay ahayd Mucjiso aan lagu dherersan karin, Barmaamijyada uu soo jeedinayaana waxay samayn jireen xiiso dheeraad ah, oo si weyn usoo jiita Dareenka maqalka, in  badan baanay dhacday mawduucyo ka bixi jiray Idaacadaha oo markay bilaa Cawke noqdeen waxba laga dhegeysan waayey,

Mucjisooyinka kale ee marka dib loo eego layaabka dheeraadka ah lahaa, waa 43 sanadood  oo ka bilaabmaysay1972- ilaa iyo 2015ka cimri Nus qarni dhowr gu ka dhimantahay oo Codkiisu aanu isbedelin,oo  Caynaanka  u hayey, sooyaalka warbaahinta ee xiliga uu ku biiray siduu ahaa oo marka aad kala sheekaysato ragii kasoo shaqeeyay, kaaga waramayaan duruufo adag, arimaha aad u dhibka badnaana waxaa kamid ahaa Luqada lagu shaqaynayo oo ahayd mid shisheeye waa intii aan afka soomaaliga la qorin, marxalad raggu kala hadhay oo inbadan debeda u saartay,

Qaarkalena magac iyo mudnaan kuheleen,
Waa xiliyadda Suxufi Axmed Xasan Cawke xidignimadiisu baarka la baxday, magaciisuna sida hilaaca u dulmaray bari iyo bogox waa tirsi taariikhdiisu ka bilaabanayso 1972, markalena waa horyaalkii iyo Warfidiyeenkii 70naadkii, 80naadkii 90naadkii iyo weliba shan iyo tobanlaydii ugu horaysay qarnigan 21aad, inkastoo Qalabka warbaahinta ee shaqadan lagu bilaabay tan iyo intii  Idaacadihii ugu horeeyay ka hirgaleen dhulka soomaalida uu ahaa mid aad u liitay tayadiisuna aad uga hoosaysay aaladaha Casrigan la adeegsado, xarumaha ama goobaha lagu shaqeeyaana aanay Agab ku filani haysan hadana xubnihii Suxufiyiinta ahaa ee waqtigaasi, waxay ahaayeen rag kartidoodu boqol jibaar ka badan tahay Dadka maanta mihnadan ku shaqeeya, ereybixinta magacyo badan oo Ajaanib ah badankooduna aan hore loo aqoon ayaa loo fasiray si sahlan, waxaana tusaale aynu uga soo qaadan karaa

  • Dayax-gacmeed
  • Dayuuradaha qumaatiga u kaca
  • Dhabaha dayuuradahu cagadhigtaan
  • Gawaadhida gaashaaman
  • Qoryaha darandooriga u dhaca

Ereybixinta qaabkaasi loo fasiray waxay indhaha iyo dhegaha u furtay Dadka ku hadla Afka soomaaliga oo si fudud ula jaanqaaday xaalad kasta oo dunida daafaheeda ka socota, waxaana suurtogashay Qoyskii reer guuraaga ahaa ee miyiga durugsan ku dhaqnaa  inay bartaan tilmaamaha meelo badan  oo saamayn ku leh Caalamka, cida ka talisa  ama hawsha ay qabtaan, waxaana tusaale inoogu filan astaanta ay Warbaahintu u xushay  marka la leeyahay Golaha loo dhanyahay amase ururka Qaramada midoobay  waa magacyo turjumaad buuxda xambaarsan, hawsha saxaafaduna waxay mudadaasi hogaanka u haysay horumarka iyo ilbaxnimada lagu talaabsaday,guushaasoo ka dhalatay dadaalkii haldoorkii shaqada warbaahinta daadahinayey Cahdigaasi.

Kaalinta marxuum Axmed Xasan Cawkena ee waayahaasina mid ka badan oo ka baaxadweyn Weriye caadi ah ayay ahayd.

Markuu la kala baxo doobtiisa hibada ah Onkodka iyo Geydha Codka ka Aarka aan laga garana  hirarka hawadu sare ula boodaan. sida uu sheekada u dhigo wuxuu la metaal ahaa Macalin khabiir ah,  jabaq la’aanta meel kasta oo codkiisu ka baxayo ka muuqata iyo sida dadkoo dhan yar iyo weyn ay ugu socotay sayloontu, dembi iyo eed iguma aha, hadaan gebiga soomaalida ku tilmaamo arday dheganugul saacad kasta oo Codka Cawke hawada ku jiray, waxaanan tusaale iigu filan  intii aan ku guda jiray qoraalka Maqaalkan, ayaa mid kamid ah Ganacsatada Magaalada Berbera   oo lagu magacaabo Daahir Yuusuf Axmed (Daahir-Dhegaweyne)   ii sheegay markastoo uu indhaha saaro Raadyoow ama TV wuxuum baan xusuustaa cawke iyo wararkiisii, weligayna  si caadi ah umaan arag, war uu sheegayana halka aan ka maqlay maan dhaafin,

Aragtidaa Daahir-Dhegaweyne waxaa la odhan karaa waa dareenka dhabta ah ee Malaayiinta Afka Soomaaliga ku hadasha,.

Dhinaca kalena  amuuraha xiisaha lahaa ee aan ka dhegeysan jiray barmaamijyadda uu rabbi naxariistii jano haka waraabiyee suxufi Axmed Xasan Cawke tebin jiray  oo aan filayo inay kumanaan qof ilaa iminka aanay  maskaxdooda ka bixin, waxaan usoo  qaadan karaa Qaabkii uu u akhriyi jiray, faalooyinkii Warka dabadii ka bixi jirtay Idaacadda, wakhtigaasoo colaad diblomaasiyadeed ka dhex oognayd Xukuumadaha Soomaaliya iyo Liibiya, waxaana berigaa aad u caanbaxay laba Magac  oo Cawke ugu yeedhi jiray M/weynihii hore ee dalka Liibiya Mucamar al Qadaafi kuwaasoo ahaa

>Aabaha Argagixisada Caalamiga ah iyo

>Kornaylka waalan,

Hogaamiyaha Liibiya  iyo kaalintii uu ku lahaa taageerada ururada iyo  Jabhadaha hubaysan ee dagaalada ku jira, oo aakhirkii sababtay cunaqabatayn lagu soo rogo, iyo sidoo kale ficilada uu samayn jiray oo xitaa shirarka caalamiga ah intuu joogo aan ka xishoon jirin  Aflagaadada qaawan ee uu ku weeraro madaxda hareera fadhida, Astaamo cadayn iyo marag muujin u ah Naanaysaha cawke ku tilmaamay ayaanay ahaayeen.

Dabayaaqadii sanadkii 1983kii waxaa hawada soo galay Telefishinkii ugu horeeyey ee ay yeelato Soomaaliya oo baahintiisu gaadhsiisnayd masaafo ilaa 90Km ah, inkastoo tayada barmaamijyadiisu ahaayeen qaar aad u kooban mudada uu baahinta ku jiraana aanay badnayn, xili ku siman horaantii 1984kii waxaa lagu kordhiyey barmaamijyo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen

> Socdaalka Aduunka oo uu soo jeedin jiray Axmed Xasan Cawke

> Muuqaalka  Nolosha uu soo jeedin jiray Weriye C/naasir Maxamed Jaamac

> Xidigaha oo ay soo saari jirtay Gabadh lagu magacaabi jiray Luul Tahliil Maxamuud

Hadaba Barmaamijka Socdaalka Aduunka oo Habeenka sabtidu soo gelayso ka bixi jiray Telifishinkia wuxuu lahaa xiiso dheeraad ah iyadoo mawduucyada lagu soo qaadaana ahaayeen  dhacdooyin laga soo xulay TVyada Caalamka waxaanu ahaa mawduuca loogu daawashada badanyahay marka uu tebinaayo  Allaha u naxariistee Marxuum Cawke,

gabagabada barmaamijkuna wuxuu kusoo dhamaan jiray su’aal la weydiiyo,daawadeyaasha Nasiibku wuxuu  igu simay inaan ku Guulaystay,  jawaabta su aal ugu dambaysay barmaamij ku taariikhaysnaa Bishii 9aad ee Sanadkii1985kii, Weydiintuna  waxay ahayd waxaad sheegtaa magaca  dal kamid ah dalalka Yurub oo xuduud la wadaaga wadan Keliya, Nasiibwanaag waxaan si dhib yar uga helay

jawaabta Map ama Khariirad weyn oo gurigayaga taalay, Dalkaasina  waa  Boortaqiiska, oo wadanka  Isbeyn oo keliya Soohdin la leh. Socdaalka Aduunka oo sidaynu soo sheegnay qaybo badan ka koobnaa waxaan aad u xusuustaa Habeen uu waraysi la yeeshay Axme Xasan Cawke  Nin Sixiroole ah oo Magaciisa la odhan jiray JEEXMAROODI, Ninkaasoo muuqaal ahaan  aad u buurnaa cilmiga Indhasarcaadkana ku xeeldheeraa, habeenkaa intii  Shaashada hor fadhiday yaab iyo amakaag baa u dhamaaday, arimo midiba ta kale kasii cajiibsantahay ayaanu indhaha dadka tusay, balse mararka qaarkood waxaa dadka daawanayaa aad ugu qoslayeen Ninkii Cawke oo dareen baqdini ku jirto muujinaya. dabadeed isagoo yaabka halka ugu horaysa ku metelaya wuxuu su’aalay horta Jeex Maroodi waxaan ku weydiiyey amuurahaagan oo runtii aan si aad ah uga ka cabsanayo  yaa ku baray, imisa sanadood baanad waxan ku dhexjirtay ? Ninkaa falalowga ahina wuxuu ku Jawaabay inuu Ka bartay  Nin Macalinkiisa ahaa oo dhalashadiisu ahayd Hindi kana soo jeeday Qowmiyadda Siinga siingaha, intaa kadib ayuu su’aal kale ku yidhi oo Iminka Ninkaasi xaguu joogaa.inta waraysigu socday waxaa dadku aad uga heleen ninkii Cawke oo habeenkaa sarejoog mooyee Fadhigiiba ka tegay dhacdo xiiseheeda iyo maadeeda leh ayay ahayd, Balse gabagabadii Barmaamijka Suxufi Cawke oo aan bacdii iyo Baqdintiiba ka muuqan ayaa intuu Qosol cajiib ah tuurtay, kusoo xidhay Barmaamijkii xagiina iyo xagaygaba baqdintaa inagu badnayd, waxaanu kusoo afjaray Kelmad caan ahayd oo marka dhacdo cajiiba ah uu tebinaayo uu ka dambaysiin jiray taasoo ahayd BELAAYANA U BARASHO LEH.

Horaan u idhi BELAAYANA U BARASHO LEH.

Haday Sanad cusub tahay, ama Munaasabadaha ciida la jooga waxaa aad loo sugi jiray Mawduucyada cusub ee Telefishinka ugu talagalay, hadii Barmaamijkaa Cawke wado wuxuu ahaa  Hadyad aad u qaali ah oo mudo dheer hadal haynteedu socoto,  wuxuu isugu keeni jiray Saaxiibo badan oo dadka dhexdiisa magac ku leh sida Fanaaniin caan ah, cayaartoyda qaranka, siyaasiyiin, masuuliyiin Dawladda qaarkood, mararna  wuxuuba xulan jiray asxaabta ay shaqada ku wada jiraan sida Weriyeyaasha, Filimqaadeyaasha iyo Farsamayaqaanada, su’aalo aad u xiiso badan oo mahadhooyin taariikhi ah reeba ku weydiin jiray,

Habeenkii Sanadkii cusbaa ee 1987kii Waxaa kamid ahaa Martidii Barmaamijkaasi heesaaga Xasan Aadan Samatar oo Cawke weydiiyey  Inanta Soomaaliyeed ee uu ugu Jecelyahay inuu  Hees la qaado. Runtii waa su‘aal balaadhan marka loo eego tirada Hablaha heesaha talantaaliga ah ay wada qaadaan Xasan Aadan wuxuu ku jawaabay inay tahay Fanaanada  Sahra Axmed Jaamac.

Xaflad ilyartu isqabatay oo habeenkii Happy Newyearka ama Sanadka cusub 1989 kii lagu qabtay Hotel Moonstar oo isla habeenkaa xadhiga laga jaray

Ayay isku Haleeleen Allaha u naxariistee Abwaan Maxamed Cali Kaariye oo kamid ahaa Hal abuuradda Sare ee Hobolada Waaberi,  laba su’aalood oo aad loogu qoslay ayaanu weydiiyey ta hore waxay ahayd “waxaanu kaaga fadhinaa Aniga iyo inta caawa ina daawanaysaa adigoon xagaa iyo xagaa eegin inaad isla hada samayso maanso, gabay ama hees ku saabsan munaasabadda Sanadka cusub ?

Geeraar kooban oo gole ka fuul ah ayaanu soo tuuray kadib intuu si cajiib ah u eegay ayuu yidhi Allaylehe si fiican baad uga baxday, ileyn markaad suugaanta samaynayo sida Laankuruusarkaad  u dhaqaajisaa, Odaygii Kaariye oo Hadalkan dambe aad ula dhacsan,  sidii arday su’aal adag oo la weydiiyey jawaabteedi ku guulaystayna kursiga  dib ugu fadhiistay ayaa  markale Cawke soo rogaal celiyey,  Su’aal aanu meeshaba soo dhigana weydiiyey Abwaan Maxamed Cali Kaariye

waxaad ka warantaa hadii adigoo jooga Caasimada Dalka Sirilanka ee Kolombo intaad Hudheel wax ka cunto markaad isa soo taagto Halkii lacagta lagu bixinayey aad jeebkaaga ka weydo Lacagtii aad ku ogayd maxaad samayn lahayd?

Jawaabtii Abwaan Kaariye waxaa dhabqiyey qosol dhamaanba dadkii goobtaa ku sugnaa ilaa intayadii Daawanaysay aanu  jaanta wadhnay.

Hadaan dib ugu noqdo sanadkii 1986kii Af-hayeenkii Madaxtooyada ee Xiligaasi Rabbi haw Naxariistee Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde  ayaa loo magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Xilkii Afhayeenka Madaxtooyadana waxaa u dalacay Axmed Xasan Cawke, Dad badan oo  si weyn ugu xidhnaa ayaa saadaaliyey in isbedelkaasi Laambada ka bakhtiin doono Xiisihii loo hayey Dhegeysiga Idaacada iyo Daawashada Telefishinka Maadaama uu meesha ka baxay ninkii dhadhanka u yeeli jiray,

balse Saadaashaasi waxay noqotay La mood Noqonse weyday, waxaaba mudadaa kor usii kacay Hawshii  dhinacyada badan ahayd ee uu qaybaha Warfaafinta ka qaban jiray, dhibta iyo culayska shaqadaas iyo dhabar adaygiisa  shaqsiga ah,  waxaan mararka qaar keligay is weydiin jiray,  inay jirto Qaan ama deyn dhinaca baahinta ah oo dadka soomaalidu ku leeyihiin ninkaa Hadhka diiday

Hadaba tartankii Kubadda cagta ee Ciyaarihii Gobolada Somaliya ee Sanadkaa 1986kii lagu qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa kulankiisii u dambeeyay ee lagu  kala qaadayey koobka waxaa isugu soo hadhay Xulalkii Gobolada Banaadir iyo Jubadda Hoose (Kismaanyo) waxaana 3-2 ku adkaatay J/hoose, sidaana ku qaaday koobkii,

Markii ciyaartii dhamaaday dadkii Daawanayeyna ay kasoo dareereen gudaha garoonka iyadoo lug mooyaane aanay suurtogal ahayn inay wax baabuur ahi marto Jidadka garoonka kasoo baxa tirada Dadka oo sida daadka u soconayey awgeed,  Gawaadhi badan ayaana  halkii la dhigay laga dhaqaajin kari waayey, waxaanse mar dambe oo aan masaafo soo socday layga yeedhay, Baabuur Noociisu Laan kuruusar, ahaa oo Inamo aanu saaxiibo  iyo Derisba ahayn ay wateen, markii gaadhigii istaagay ana aan gudaha ugalay waxaan  dhinacayga ka galay dood ku saabsanayd ciyaarta galabta laysku haleelay nin Abshir-dheere la odhan jiray mooyee intayada kaleba waxaanu taageersanayn Kooxda Jubbada Hoose, (Kismaanyo) anagoo ku mashquulsan sheekada ragii ciyaarta ka dhexmuuqday gaadhigiina si tartiiba u socdo

ayaan meel wadada dhinaceeda ah uu iiga muuqday Ninkii Cawke, oo lugaynaya intaanan hadlin ayaa dareewalkii baabuurka watay intuu bireega qabtay gacanta u haadiyey,

intuu istaagay ayuu si Ixtiraamleh noo Salaamay, Xaaji aanu kusii dhoweynee soo fuul ayaan idhi, markalena Nin baabuurka kursiga hore saarnaa ayaa uga degay, shaqsiyad Dadkoo dhan ay ehel iyo asxaab yihiin buu ahaaye isagoon naga qaloon ayuu sidii nagu soo raacay,

waxaanu ka sheekeeyay qaabkii ay u dhacday ciyaartu oo uu ku tilmaamay inay ahayd mid aad u qurux badan oo awooda labada kooxoodna isu dhowayd,  saaxiibkay Abshir dheere ayaase weydiiyey  cida uu maanta taageersanaa.   waxaanu ku jawaabay Anigu waxaan taageersanaa Kismaanyo, laakiin koox waliba sidii ay ahayd iyo wixii ay garoonka lasoo gashayba waan sheegay, waxaanu gudaha usoo gelinay xaruntii Villa Somaliya ee madaxtooyada intuu si aad ah noogu Mahadnaqay ayuu yidhi dhalinyaro wanaagsan  baad tihiin aan shiidaal idiin qoro.

Hase ahaatee Ninkii gaadhiga waday ayaa aad u diiday oo yidhi maya  xaaji waynu isku leenahay, nin dadkoo dhami jecelyihiin baad tahay intaa aanu kusoo qaadnay baana sharaf noo ah,

intaanu naga dhaqaaqin ayaanse weydiiyey horta magacaaga oo sadexan noo sheeg, waxaan maqlay in magaca  Cawke uu yahay Naanays,

Intuu xoogaa dhoola cadeeyay ayuu iigu jawaabay waa run oo sidaa aad u maqashay weeye Aabahay ayaana Xasan-Cawke la odhan jiray oo aad ii jeclaa, ragna keligay buu dhalay,wax walaala ahna Gabadh baanu walaala nahay, magaca Awowgayna waxaa la odhan jiray Suufi-Cilmi. Hadalkaasina wuxuu ahaa kii iigu horeeyay iiguna dambeeyay ee na dhexmara marxuumkaasi, markii aanu kasoo dhaqaaqnay  halkii aanu dhignay ayaa  sheekadii markii hore noo socotay waxay u leexatay amaan midkaayaba dhinac kaga qabtay  Cawke, Kubadii iyo kooxihii kala adkaaday  iyo Koobkii la kala helayba waxaa noo bedelay tartan kale oo baabuurka dhexdiisa nooga bilowday Sadexdayadii,  qof walaahi Ninkani waa qof aad u wanaagsan, Walaahi waa Bini aadan, Cajiib ninkani waa dahab waa Boqor waxay ahaayeen ereyadii aanu ku celcelinay, qaabka sheekadaasi u bilaabantay ama sida meel kasta oo codkayaga gaadhayey aanu kelikeli iyo kooxkoox u dhigdhignay  waxay  inyar u jirsaday amaantii muraaqibka  Qaadiriyadu ku sifeeyeeyay weligii  Jeylaani.

waxaan hubaa in maamuuska iyo magaca Axmed Xasan-Cawke uu jiri doono inta Qof Afsoomaali ku hadlaa dunida ku  noolyahay, iyadoo la tixgelinayo hawlkarnimadii hufnayd iyo kaalintii uu ka qaaday qiimaha iyo xiisaha  Warbaahinta, waxaa  inala gudboon in magaca Cawke loo bixiyo meelo badan hawgu  horaysay Magaaladii lagu aasay ee Wajaale, oo ku haboon in loo bedelo Togga-Cawke

Si hadaba ay u suurtogasho magacbixintaasi iyo goobaha ku haboon xusuusta Halyeygaasi waxaa fulilnteeda, diyaarinteeda iyo qaabka loo dhigayaaba laga sugayaa inay dhaqaajiyaan Haldoorka Saxaafada Afsoomaaliga ku hadashaa iyadoo awood badan laysugu geynayo sidii Astaanta Marxuum Axmed Xasan Cawke ay uga muuqan lahayd dhamaanba dhulka soomaalidu degto

Sidoo kale inaan la ilaabin daryeelka iyo xanaanada Agoontii iyo Xaasaskii uu ka tegay.

Gabagabadiina waxaan leeyahay Rabbi haw Naxariisto oo ha u nuuro Xabaasha iilka neecaw udgoon iyo haku siiyo Naruuro inuu Naar ka xoroobo oo Nebigii la xidhiidho, Xuural cayn ku nikaaxo  ayaan Niyada uga duceeyay