Baahida iyo Bariidada (WQ: Mukhtaar Axmed)

Maxaa la sheegay ? Maxaa lagu beryay ? Mabad ma sheegteen ? Maxaa lagu soo hoyday ? iyo qaar badan oo kaleba waa bariidooyin sii dabar go’aya oo ay Soomaalidu isku bariidiyaan siiba marka la joogo dhulka baadiyaha ah. Suubanaha eebbe ha ka raalli ha noqdee wuxuu xadiis macnihiisu yahay ku sheegay  “ Eebbaha gacantiisa ay naftaydu ku jirto baan ku dhaartee jannada geli maysaan ilaa aad rumaysaan, rumaynna maysaan ilaa aad is jeclaataan, waar ma idin tusiyaa shay haddaad samaysaan aad is jeclaanaysaan ? bariida ku faafiya dhexdiinna” xadiiskan ayaa waxa uu innagu boorrinayaa muhiimadda ay bariidadu leedahay.

Xidhiidhinta iyo bariidadu waa dabar adag oo isku haya bani aadamka, diinteenna suubban waxa ay in badan xustay in xidhiidhinta iyo bariidadu ay ka mid yihiin waxybaaha cimriga iyo arsaaqdaba barakada u yeela. Sidaas oo kale qoynta amma xidhiidhin la’aanta ehelkuna waa sifo Soomaalida dhexdeeda iyo islaamkaba looga aqoonsan yahay sifo xun iyo dhaqan aan wanaagsanayn. Badiba waddama Afrikaanka iyo Islaamkuna waxa ay u wada nool yihiin wadar ahaan taas oo  ay khasab tahay inaad xidhiidhiso oo aad bariido maadaama dano badan isaga kiin xidhan yihiin.

Bariidadu maaha ay ka siman yihiin bulshooyinka dunidu, walow dunida Islaamka ay leeyihiin bariido midaysa iyadoo ay jiraan bariidooyin u gaar ah bulsho kasta. Bariidada Islaamka waa Bariido barako ah oo wadata duco “ Nabadgelyada, naxariista iyo Baraka Eebbe korkaaga ha ahaato” ayaa aad laysugu bariidiyaa markaas ka dib ayaa layska waraystaa waayahay nolosha. Waxa is waydiin mudan maxaa ay Soomalidu isgu bariidisaa baroodooyinkan- Maxaa la sheegay ? Nabad ma sheegteen ? Maxaa lagu soo Hoyday ee Lagu beryay ? sida aynu aynnu ka dhex arki karnno bariidada ayaa ah mid ka dhex arki karno baahi loo baahan yahay waxaa laysku bariidinayo, waxa aynnu markhaati ka nahay in Soomaalidu waligood inta aynnu ognhay ay kusoo jireen dagaallo iyo calaado taas oo keentay waxa ugu muhiimsan ee dadka Soomaalidu u baahnaayeen ay ayad Ammaan iyo nabad gelyo taaso dhalisay bariidada ah “ Maxaa la sheegay”

Dhanka kale, Soomaalidu wa bulsho hadal badan oo badiba xogaha waxa ay isugu gudbiyaan qaab hadala ah, tanna waa sababta aad laysu waydiiyo maxaa la sheegay ? waa baahi loo qab war iyo ogaanshaha wax cusub, waxaana tusaale wanaagsan innoogu filan Sida Soomaalidu aad ugu xidhan yihiin wararka Muuq-baahiya, idaacadaha iyo baraha bulshada. Dhanka kale maxaa dhammaan barahaheenna bulshada u badiyay kuwo ka falceliya amma soo gudbiya dhacdooyinka maalinlaha ah ee jira, waxa aynnu odhan karnaa inay tahay in baahida ugu wayn ee aynnu qabnaa ay tahay war.

Baraha bulshada ugu caansan sida Khaalid Foodhaadhi iyo Xasan Galaydh maalin kasta waxa ay innala wadagaan wararka isla wakhtigaa arlada ka socda, tani ayaa loo fasirayaa in waxa ugu badan ee aynnu u baahannay in laynnoo soo tabiyo uu yahay war iyo dhacdooyinka maalin laha ah.

Bulshada Hindiya iyo badiba dalalka ku hareeraysan waxa aad laysugu bariidiyaa “ Wax masoo cuntay “ waxa in badan taariikhdu xustay in dalalkaas ay beri soo wajaday Fakhri, gaajo iyo macalluul baahsa, saas awgeed waxa qudha ee aad qofka ku bariidinayso waa inuu ahaan in aad wax soo cuntay iyo in kale. Isla ammintan la joogo dalalka Hindiya, Banagadhaas, Nayan-Maar iyo Baakistaanba waxa ku nool malaayin dad oo in badan aad uga hooseya xarriiqa fakhriga iyadoo ay ugu wacan tahay dadka oo aad u badan iyo nidaam xumida siyaasadeed. Saas ageed, dadka ku nool dalakaas waxa ugu wayn ee ay baahida u qabaan ayaa ah quud la quuto.

Waddamada galbeedka sida Ingiriiska iyo inta u dhawna, iyaga waxa ugu badan ee ay isku bariidayaan ahaa arrimaha la xidhiidha jawiga iyo cimilada, iyo sidoo kale in ay wax iska waydiiyaan sida qofka maalinkiisu ahaa amma habeenkiisu  taas oo la xidhiidha inuu ka kulmay wax caqabad ah. Sida aynnu ognahay waddamada galbeedka cimiladu waa mid aad u daran oo u badan qabow, baraf iyo duufaanno. Cimiladu waa mid saamayn ku leh qof kasta, waxa in badan dhacda in qof seexday xalay oo jawigu caadi iska ahaa inuu subaxa soo kaco jawiga oo kharriban oo baraf amma dabaylo ah.

Daraasad laga sameeyay dalka Ingiriiska ayaa waxa ay sheegaysa in bulshadaas ay muddo dhan 6 ay dadkaasi iska waraysataan arrimaha cimilada, sababtuna in qofku ku talo wixii uu iskaga celin cilmilada ayaa muhiim ah inuu diyaarsado, sidaas oo kale waxa la xusay in bulshadaasi ay aad ugu nugushay isku buuqa saas awgeedna ay badantahay in aaad laysugu bariidiyo “Maalintaadu sidey ahayd” oo ah macne ahaan ah miyaa lagaa jiidhay mise maanta maalintaadi bay ahayd.

Waddama carabta ayaa waxa aad laysugu bariidiyaa “Sabaax Khayr, Sabaax Nuur” iyo qaar kale oo badan oo labadani ugu caansan yihiin marka laga yimaaddo bariidada Islaamka. Bariidadan ayaa u muuqata in bulshadaas uu ka maqan yahay khayrka iyo samaantu. Carabtu waa dad aad u jecel inay wax gumaystaan oo ay addoonsadaan, Maaddaama addoonsigu uu dhexdooda muddo badan uu caan ka ahaa iyo wax laga ganacsado oo laga macaasho.

Mar kasta dhaqanku waa ka saamayn badan yahay Diimaha, saas awgeed carabta diinta suubban waxa kala wayn dhaqanka qaybihiisa foosha xun ee ay wadaagaan, tusaale ahaan carabta waxyaabaha liita ee dhaqankooda ku jira waxa ka mid ah dhagart, wanjalaadda iyo addoonsiga, kuwaas baa suuliyay khayrkii iyo wanaagii ay ka dhexaleen Suubaha iyo saxaabadiisa. Si kastaba, bariidadu waxa ay astaan u tahay baahida dhabta ee aynu qabno.

Ugu dambayn Soomaali ahaan, goorme ayaynu ka war doonaynaa wax khuseeya danaheena ? goorme ayaynu ka gudbaynaa in aynu maalin kasta falan qaynno dhacdooyinka maalin laha ah ee dhexdeedna ? goorme ayaynu isu tabinna isu sheegnaa wax khuseeya mustaqablkeenna iyo gaadhidda badhaadhe nololeed ? maxaa la sheegay dayi mayso boogaha dhiig baxaya.

biixi223@gmail.com