Baaldahaba iyo qorax Iftiimaysa oo marqudha kasoo dhex baxday masraxa siyaasada dalka (WQ: Xidig Maxamuud Xidig)

Guusha iyo midho ka midho dhallinta mabda waxay ka yimaadaan maskax iyo maanka misaaman eel eh himilo iyo hadaf muuqda, guusha lagu gaadho goob dagaal oo laysu adeegsanayo hub waxaa ka howl dadan mida laga gaadho dad sita af kaaro kala gadisan si loogu dabaalo afkaar mid ah taana waxaa gaadhi kara halyay leh himilo iyo hayaan fog maskaxdana ka ah geesi ku dhac leh taan waxaa Illaahay hibo u siiyay marwo Hinda Jaamac Gaani.

Hirgalinta, hanaaninta, horseedida hiigsiga iyo hadafka cad ee aan lagabashada lahayn waa kii Marwo Hinda Jaamac Gaani sida cadceeda ugaga soo iftay xisbigii Waddani ee ay ka ahayd Xoghayaha Arrimaha Bulshada.
Marwo Hinda jaamac Gaani Waxay xisbiga Waddani lagashay olole balaadhan kaas oo uu Waddani kaga soo baxay ururnimadii iyadoo xisbiga xildhibaano ka badan 40 xildhibaan ka sharaxday Gobollada dalka sida Sanaag, Saraar, Togdheer, Sool iyo Saaxil, gobolladan oo dhammaantood Marwo Hindi ku leedahay taageero tiro iyo tayoba lagu gaadhayn iyadoo dalka oo idilna ku leh shacab markasta iyo meelkastaba  marag kacaaya firfircoonida, aftahanimada,  jacaylka dalka iyo dadka dacadnimada muuqata caadaysiga sheegida runta iyo utudhaalaynta samirka ka eegida dhinaca togan waa sababta ay ku hanatay kumanaan dadda oo ku kala nool dacalada dalka xisbiga Waddanina ku helay taageerayaal badan oo u heegana xisbiga balse nasiib daro waxaa xisbiga Waddani ku shugriyi waayay oo ka ilduufay jaanis kaa dahabka ahaa ee uu Gacanta ku hayay, balse siyaasad xumo xafiiltan liita xiisayn weelmadan xaqiraad dadkii xisbiba ka dhigay iyo xurmo la,aan aan sal iyo raadtoona lahayn bay ka biyo diiday oo u cuntami wayday marwo Hinda taasina sababtay in ay maseerkeeda siyaasadeed ka tashato siday ku caanka ahaydna qaadato go’aan cad.

Marwo Hinda Jaamac Gaani waxay noqotay aasaasayaashii garabkii toosinta iyo cadaalad doonka xisbga Waddani oo markii danbe ku midoobeen siyaasiyiin mug iyo miisaanba ku leh gayiga Somaliland waxaana gucle iyo gaatanba ugu jira xisbul xaakinka xisbiga Kulmiye oo hadda sitoosa ula furay wada-hadalo ugu danbayntii xisbiga Waddani baa meeraalaysi ugu jira Marwadan iyo garabkan ay ku midoobeen siyaasiyiintu balse gaadhi la taladu waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo.

Qalinkii Xidig Maxamuud Xidig (Xamse)
Email   Hamze016@gmail.com