Baaq Shacab maaha buuq shacab, maaha been-abuur Shacab ee waa badbaado shacab! (WQ: Cabdicasiis Ibraahin Ciise “Daacad”)

Saska laga qabo toosinta, talo soo jeedinta iyo turxaan-bixinta arrimaha ka murugsan xukumadda ayuu u yahay cod ama caroog same tilmaame ah. Maaha wax la baasaysto, mana aha wax laga dhigo belo unkamaysa.

 

Laba qodob iyo ujeedada baaq shacab looga danleeyahay baan rabaa inaan halkan idinkula wadaago. Ma rabo inaan beeniyo iimo loo yeelay baaqii ka yimid aqooniin isxilqaamay oo muujiyey lexojeclada ay dalkooda ka leeyihiin iyo talo siinta xukumaddooda. Waxaan se rabaa iftiimin ku aaddan baaq shacab inaan idinla wadaago.

 

Waa qodobka koowaad e’ waxaan doonayaa inaan qeexo wuxu yahay baaq shacab: waa cod ka imanaya maskaxo iyo maan xisaabtamay oo danaynaya in la helo, isla xisaabtan (Accountability), daahfurnaan (Transparency) iyo hoggaamin suubban (Good leadership) kuwaas oo xoojinaya in la helo maamul-wanaag (Good administration) iyo hayalsamaan (Democracy). Wuxu baaqani ama codkani ku dhawaaqayaa, muddo aynu ka joogno 29 sanno, wakhtiga aynu haysannay, fursadaha aynu dhalin karaynay, ujeeddadii aynu u goosannay, hankii iyo himiladii aynu higsanaynay ma gaadhney mise weli qabyo ayaa jirta, waa aynu gaabinaynaa, yoolkeennii waa aynu ka leexannay, ujeedadii aynu rabnay inooma cuntamin oo mid kale ayaa aynu samaysannay, iyo waxyaalo kale oo la filan karo. Helidda jawaabo u cuntama garaadka aragtida dheer ee yaqaan ka faa’idaysiga wakhtiga, hirgelinta ahdaafta u dejisan iyo qorsheynta guulo uu u harraadan yahay ayuu ka soo jeedaa baaqan shacabka ee beryahan ina haystaa.

 

Qodobka labaad ee aan rabo inaan iftiimiyaa waa, ma cid baa ku raadgadanaysa baaqan mise muwaadiniin sulux iyo samaan wadda ayuu ka yimid?

 

– Anigu intaan ka ogahay, ma jirto cid koox ama urur ah oo ii soo bandhigay inaan baaq shacab raaco, inaan qodobbada xukumadayda ka dhiman iyo halka aynu marayno aan waydiiyo maamulkayga. Keliya dareenka naftayda ee jecel Somaliland samaheeda iyo sareedadeeda iyo aqoontayda ku taxaluqda maamulka dawladda ayaan isku waydiiyey: Somaliland ma gaadhay ujeedadii qarannimo ee loo aasaasay, ma rumeysay damaceedii iyo doonisteedii ahayd inay noqoto qaran jira oo qaramada adduunka ka mid noqda, shacabkeedu 100% ma ayidsan yihiin mana ku qanacsan yihiin adeeg bixinta dawladda, ma helaan dhammaan adeegyadii ay dawladdu u haysay, muwaadin kastaa maku noolyahay tabasho la’aan, sharciga iyo dastuurkuna ma yihiin marjaca dawladnimada ee u sarreeya (Sida ku cad dastuurka, marka laga yimaaddo kitaabka Alle),  golaha shacabka ee i matala, dawladaha hoose ee u astaysan buuxinta adeegyada aasaasiga ah  ma dooran karaa marka ay muddo xiloodkooda dhammaystaan? Maamuul-daadejinta adeegyada dawliga ahi ma yahay mid ka shaqeeya dhammaan lixda gobol ee Somaliland mise inanka Sool, Sanaag iyo Awdal joogaa wax ay shahaadada sanawiga ah u soo doontaan Hargeysa? Dhammaan saxeexyadii dawladduna Hargeysa ayay yaallaan? Intan iyo in ka badan baan tebayaa oo iskay isku waydiiyey, welina aanan jawaab, garawshiiyo iyo falcelin kaga helin masuuliyiintaan u igmaday ee majaraha u haysay qaranka.

 

Wuu jiri karaa tuhun odhanaya, waxa ku jiraa baaq shacab koox ama dad dan kale leh. Haa, ma diidayo, iskama indhotirayo waana wax suure ah oo wax kasta oo wanaagsan waa ay jiraan dad shaydaan ah oo ku lammaan. Waa halkii uu abwaankii ka lahaa: “Baadida nin baa kula daydaya, oo daalna kaa badine.. Oo doonahayn inaad heshaa, daayin abidkaaye..” balse waxaan ugu baaqayaa xaqudirirka ay dar Alle iyo wanaagga ka tahay baaq shacab sidayda inaanu u joojin dadka noocaas ah iyo kuwa sida dhabta ah uga soo horjeeda ee aan ka garaabayn gaabiska, dib u dhaca iyo daldaloollada jira maanta ee ay tahay inaynu iska buuxinno. Kuwaasna waxaan leeyahay, heestii aynu geela ugu heesi jirney ee ahayd: “Seermaweydiyo.. Sagaallaha dirir.. Waanu kugu simi.. Haddaad seegtana.. Waanu kaa socon.”

 

Soo jeedimahayga ku aaddan dadka wada baaqan iyo waxyaabaha mudan inaynu isweydiino, dadka kale ee aan ku baraarugsanayna isweydiinayaan:

1. In la qeexo oo la caddeeyo waa maxay ujeeddada guud ee uu salka ku hayaa baaq shacab? Yuu la hadlayaa? Yaase ka faa’idaysanaya?

2. Ma jirtaa ama jiri kartaa in daraasado rasmiya laga sameeyo yoolashii daahfurnaa ee qaranku lahaa 29kaas sanno, ee aan waxba laga hirgeliin (Kuwo wiiqmey iyo kuwo hagaasayba) si bulshadu ay u dareento uguna baraarugto socod la’aanta ragaadisay dedaal lagu dhiso qaran taabbagal ah.

3. In la caddeeyo, baaq shacab ma wax maalmo keliya ku eegaanaya oo laablakac ah buu noqon doonaa mise wax si cilmiya u bilowda, gaadha ilaa yoolkiisa u danbeeya oo ah isbeddel dhab ah oo ka tisqaada Somaliland?

4. Baaqa shacabku ma sidan buu u baahsanaan doonaa mise meel iyo madal rayga iyo afkaaraha shacabka lagu ururiyo ayuu yeelan doonaa, si dhawaq mid ah iyo cod mid ah loo helo?

Intan iyo waydiimo farsamo oo badan ayay shacabka aan baaq shacab ku qancin weli is waydiinayaan. Waxaan se rajaynayaa inay ka warcelin doonaan aqoonyahanka iskood isku xilqaamay ee ku fooggan baaqan dhammaan. Farriintan iyo waydiimahanna wax aan ugu dhiibi doonaa garyaqaan Guuleed Axmed Dafac (Guuleed Dafac) oo la wadaagi doona dhammaan aqoonyahanka iyo muwaadiniinta kala geddisan ee taageeray codkan baaq shacab.

Qalinkii: Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad)

#Baaq_Shacab