Baaq taban iyo talo gurracan Q.1aad (WQ: Jamal A. Muse)

“Tabnaan Sharci, Gurracnaan Siyaasadeed, Saymo Soohan, Tusaaleyaal Isku lammaan, Daaranaanta Dahsoon, Iyo Gorfeynta Sheegmoooyinka Is Diiddan Ee Dhigaalka Baaq Shacab”

▪Ugu horreyn, Baaq Taban iyo Talo Gurracan waa tusmo kooban oo iftiimin iyo daah-qaad u noqoneysa goldaloolooyinka qaanuuniga ah, tabnaanta, iyo gurracnaanta sheegmada dhawaaqa BAAQ SHACAB ee 18 May 2020 soo galay baraha bulshada. Balse inta aanan gudagalin dulucda qormada aan si buuxda u sugo xaq ahaanshaha aragti dhiibashada muwaadinka reer Somaliland iyo waafinimada Dastuuriga ee ku aaddan hal-cabbirka aragtiyaha, dhawrsanaanta xaquuqaha, sinnaanta iyo caddaaladda.

▪Iyada oo sidaasi ah, haddana waxa Dhawaaqa Baaq shacab ka muuqata feedho qaawanaan sharci, hab-adeegsi siyaasadeysan iyo ku gabasho xaqa xorriyadda iyo aragti dhiibashada muwaadinka ah oo dhawaaqa ka dhigtay mid hodan ka ah tabnaansho iyo gurracnaan is barkan. Taasi oo aynnu si quman ugu lafo guri doonno qaybaha labaad iyo saddexaad ee tusmada Baaq Taban Iyo Talo Gurracan.

▪Muwaadin, waxa is waydiin mudan saxsanaanta dhawaaqa Baaq Shacab, sharcinimada hab-adeegsiga xaqa aragti dhiibashada muwaadinka, kala saarista Baaq Shacab iyo abaabul siyaasadeed, burin sooyaal dawladnimo, guulo qaran iyo is ahaansho ummadnimo 30 jir ah.

▪Iyada oo sharciga iyo nidaamka dawladnimo kuu ogol yahay sheegista dhalliilaha Dawladda taagan ama hadda talada qaranka haysa, ma kula habboon tahay in koox abaabulani soo saarto dhawaaq ku sheegan Baaq Shacab oo aan idmanaan sharci iyo metelaad loo haysan.

▪Kooxda ku saxeexan qoraalka Baaq shacab qanuun ahaan ma yihiin kuwo meteli kara codka Shacabka JSL, iyada oo ay jiraan wakiillo bulsho iyo Hay’addo shacabka ku metela nidaamka dawladnimo qaran ee ka yagleellan geyiga Somaliland.

▪Maxaa loo qaadan karaa si delegta iyo isa sudhanka ujeeddo ee Dhawaaqa Baaq shacab iyada oo lagu jiro dabaal-degga maalinta qarannimada JSL ee 18 may 2020 iyo la tacaalista xaaladda kakan ee COVID-19.

▪Horta, dhammaan soo-jeediyeyaasha dhawaaqa Baaq Shacab ma yihiin kuwo si qumaanti ah u saxeexay, mise waxa jirta is diidmo is barkan.

▪Haddaba,Tusmada Baaq taban Iyo Talo Gurracan ayaa badka soo dhigeysa durreyn iyo dadafeyn ku qotonta tusmeynta saxsanaanta Baaq Shacab iyo aragtiyaha ku gadaaman tusaaleyaasha isku lammaan, is diidmada dhigaalka iyo dalliil la’aanta dul hoganeysa dhawaaqa Baaq shacab. Banyaalnimada daarannaanta dahsoon taaganta iyo taseynta kula kufay sooyaalka togan ee dalnimo.

La Soco Qaybo Kale oo Muhiim ah.

Jamal A. Muse.

DG, MoPCA Somaliland.