Baaqyadii shalay 2000 iyo kuwa maanta 2020 (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Sanadkii 2000 , ayaa laggu dhawaaqay in bisha 5aad ee sanadka 2001 Somaliland lagga qaban doono afti dadwayne oo dadku ugu codayn doono distoorka Somaliland , distoorkaas oo draft kiisa koobaad laggu ansixiyey shirwaynihii 3aad ee beelaha Somaliland 1997 , ka dibna kaabis , wax ka badalis iyo dhamaystirid ay ku sameeyeen labadda gole ee guurtidda iyo Baarlamaanku .

 

Ansixintaai markay dhamaatay  , aisla sanadkaas 2001 loo dhaqaaqay furashadda axsaabta siyaasadeed oo ay ugu horeeyeen , Ucid , Udub iyo qaar kale ,  isla sanadkaas waxaa shirwayne laggu qabtay magaaladda Burco 2001 , waxaana shirkaa ka qayb galay 16 Suldaan iyo Cheif caaqil , waxaana saxeexay 17 , baaqasna waxaa hordhac looga dhigay arrimahan .

 

In Distoorka ina cigaal samaystay oo uu is leekaysiiyey , in xukuumaddu sharciga ku tumatay kuna xud-gudubtay , ugu dambayn waxaa lagga soo saaray go aan odhanaya .

 

1- In xukuumaddu joojiso nidaamka axsaabta kana noqoto xisbigga udub muddo 30 cisho gudaheedda .

2- In shirwayne beeleed la isugu yimaaddo .

3- In hadii xukuumaddu qodobadaas fulin waydo Golaha salaadiintu dadka isugu yeedho .

 

Arrintaas oo wadanka qalalaase gelisay waxay ku dhamaatay ugu damayn geeridii Cigaal , markii Cigaal dhintay 2002 ayaa dhamaan taageerayaashii baaqyadaasi distoorkii iyo nidaamkii dib ugu soo noqdeen .

 

Baaqaasina wuxuu ahaa mid aan laggu hagaajin maxkamadaha , goleyaasha iyo xukuumadda oo banaan ka fayla , waxaana watay siyaasiyiin caana oo la wada yaqaanay .

 

Hadaba waxaa xusid mudan , in waagaas 2000 ilaa maanta Distoorka la igu xukumaa yahay kii waagaas la ansixiyey oo aan hal qodobna lagga badalin .

 

Dhamaan dadkii Distoorkaa kasoo horjeeday na xukuumadda way soo mareen , qaarkoodna way ku jiraan , distoorkii waagaas ay diidanaayeena way inagu xukumeen , qaarkoodna hadeer inagu xukumaan , hadaba bal  maxaa la diidanaa  maxaase la badalay.

 

20 sanno ka dib 2000 , 2020 .

 

Waxaa jirta axsaab siyaasadeed oo sharciyeysan , goleyaal sharciyeysan iyo xukuumad sharciyeysan  .

 

Baaqyadda ina soo gaadhayana sidda distoorku dhigayo looma gudbinin golaha wakiiladda si ay u noqdaan soo jeedin golaha la hor dhigay oo la midda ta ay soo gudbiyaan xildhibaanaddu  , dacwad ahaana maxkamadda looguma gudbinin si dadka soo saarayaa ay uga dacwoodaan waxay ka cabanayaan , xukuumadda xafiisyadeedana  looma gudbinin , axsaabta siyaasaddana sidoo kale midna lagguma hagaajinin , baaqyada qudhooda ayaana ah kuwo banaan ka fayla sidii kuwii 2000 oo aan distoorka iyo sharciga midna ku salaysnanayn , waxaanay u muuqdaan uun sidda kuwii waagaas ina soo maray kuwo cid gaari , si gaara ugu muraadsanayso .