Badbaadiyaha Bedqaba (WQ: Mukhtaar Xasan Maydhane)

Markasta oo aan arrimaha bulshada kala sheekaysto dadka, markasta oo aan ka dhegaysto khudbadaha madaxda iyo culimada, markasta oo aan ka akhristo hadalka aqoonyahanka iyo indheergaradka bulshadeena, waxa uun aan kala hoydaa dareen ah in dadka iyo dalkuba u baahan yihiin badbaadin. Waxa kale ee aan kala hoydaa in inta aan la sheekaysanayey iyo naftayduba ka bedqabaan waxaas dadka laga badbaadinayo. Oo maxaa dadka u diidey sidayadaa inay u wada bedqabaan?

Wax baa si ah; si ay yihiin ba. Waa ba yaab mutuxane, kol ba mid cusub ayaan qornaa inta bedqabta, sida ninkii aan la sheekaystay xalay iyo dhawr qof oo uu soo hadalqaaday ba, haddana rajo iyo yididiilo na ma geshaan intayadaas bedqabta korodhka inta la badbaadshay. Inkastoo bulshada badankeeda aan ku qornay kuwo aan bedqabin, haddana meel aan tiradooda ku hayno ma jirto. Waa kuwo u baahan badbaadintayada sababtoo ah anagaaba kuu sheegayna dee…

Bedqabiddu waa seere noo xidhan, dadku nala wadaagin. Intaan doono ayaan ku gurnaa, ka aan doono na ka daynaa. Waxa qudha ee ay u jiraan dadku waa in ay ka maragfuraan baahida ay u qabaan badbaadintayada iyo runta ereyada aan ku cabirayno basanbaaskooda. Rag Alle wax siiyey sidoodii, habeen ba mid ayaan ka saarnaa. Alla miskiin sanaa wuxu! Muuqan ogaa baylahdu!

“Laga bilaabo hadda, waad bedqabtaa. Soo dhawaw, Mudane/Marwo.”

Sidaasaa dad lagu dhaqaa. Sidaasaa dal lagu dhisaa. Dan baa lagu hayaa. Dad baa loo hayaa. Sidii maalintii dhallinyarada tahriibka laga waaninayey oo kale. Yaa ka badbaadin kara mashaqada tahriibka ee aan ka ahayn qof ka bedqaba inuu tahriibo? Waa cidnaba. Yaan se tahriibayn? Nin sita baasaboorkii uun. Maya, maya, maya. Kaas laftiisu wuu tahriibi karaa. Isaga tahriibka waxa ka horjooga waa baasaboorka uun. Ka aan tahriibayn waa ka laga tahriibayo. Ninkaasi dadka ha waaniyo. Isagaa ka bedqaba aafada. Waa badbaadiyaha bedqaba.

Tahriibku waa saddex nooc oo kala ah: xaaraan, xalaal iyo waajib. In badda la isku qubo adigoo bedqaba waa xaaraan (haddaanad bedqabin lafteeda, waxa loo badinayaa makruuh (wax la dhibsado) maadaama la waayayo, haddii la wada tahriibo, cid la badbaadiyo). In talada dalka, sida loo maamulayo dhaqaalaha iyo arrinka umadda laga tahriibo waa xalaal, weliba mustaxab (la-jeclow) ayaa loo tirinayaa. Waxase waajib ah, weliba ah mid aan wadar ahayn, in la xisaabtanka qiyaadadda (hoggaanka) bulshada laga tahriibo. Kan dambe waxa lagu cilleeyey inhiyaar (burbur) umadeed.

Haddii se qofku gudbo, nooca tahriibkiisu kuu doono ha noqdee, waa la laalayaa dembiyadii oo dhan. Waxa hadhaynaysa waa bedqabkiisa/bedqabkeeda. Intii nool baa talo u baahan. Marka uu sugmo ruuxaasi, wuxuu ku biirayaa badbaadiyayaasha bedqaba. Sida badbaadiye kasta oo bedqabana, waa in uu arrimaha dalka gorfeeyo, xusuusto dadkiisa u baahan in la badbaadiyo ee masaakiinta ah. Waa in uu maal iyo maan ba u huro. Waa xilkiisa cusub. Waa in uu maamuuskaas “bedqab” habeen ba ka uu la kulmo ee sheekadu isugu toosto ku tolo. Goleyaal badan waa in lagu arko. Qaadhaan ururis badan waa in uu ka qaybgalo. Dunida horumartay iyo xirfadaheeda, nidaamyadeeda, iyo tabaheeda waa in uu ku hoga-tusaaleeyo dadka. Intaas ba isagoon hawl mug leh oo kale wadin, waa in si xarago leh uu uga soo dhalaalo ilaa safarkiisu yimaad.

Socoto dalkii waa in uu ugu noqdo oo wuxuu taageerayey, telefoonadii dheerdheeraa, iyo dardaaranadiisii badbaadineed waa in uu indhihiisa ku soo arko. Waa in uu soo helo daliilada doodiisii xataa haddii daliilkii meesha aanu oolin. Dad iyo dan ba waa in uu halkoodii ugu tegaa walow labaduba halkii ka guureen. “Ilaa Madaxweynaha waan soo arkay, Prof. Hebel na waan wada qadaynay, intu ba way ii caddeeyeen in aan meesha wax ba oolin. Nothing (waxba). Nada (waxba ba). Garbage-kaa (qashin) ugu yar oo wax qaadaya ma jiraan. Meeshaas uskag iyo cuduro ayaaba loogu dhimanayaa, my goodness,” iyadoo madaxiisu la ciirciirayo ha soo noqdo. Hana iska soo guursado mid yar oo bedqabta oo mid bedqaba eeganayey, markiise laga hor qaaday u qaatay in baasaboorku sababta yahay. Halkaas na falsafad-doob ha ugu mariyo sida haween bedqab ayna u ba lahayn, marba heblaayo, tii qudha ee u dhawayd bedqab, haddii ay raacday mid cidina sugayn bedqabkiisa oo doolaalo uga soo kicitimay qaarad kale.

Macalinka uu u waramo sawkan la yara dhoolacadaynaya yaab ee miskiinkan aan bedqabin ka yaaban. Walee reer aan ogahay ma guuro! Qashinka uu u haysto wax sahlan, miyaanu ogeyn in dunida oo dhan qaaq laga joogo. Miyaanu ogeyn qashinku in uu yahay dhibaatooyinka ugu weyn ee dhaqan magaaleedku keenay. Miyaanu ogeyn in dalalkan maanta magaalooyinka iska nadiifiyey beri dhawayd looga baqe qabay in saalada fardaha awgood looga qaxo. Wuu se roon yahay ba haddii uu gartey dhibta qashinka – wuxuu muujiyey astaan aadame oo aasaasi ah.

Maskaxdii iyo muruqii dalka way ka qulquleen. Makase iyo makare ayaa isku hadhay. Alleylehe, iyo biil macalinku khaati ka joogsaday dhawaanahan. Waxa aan iyaga la hadalhaynba wixii anshax qulquley – ama dalka ha weydaartaan, ama goleyaal gaar ah uun ha weydaartaan e. Sida laga soo weriyey dadkii hore, wejigu wuxuu ahaa baasaboor meel walba lagu maro. Haddana waxa la werinayaa in baasaaboorku yahay wejiga meel walba lagu maro. Sida se wejigu ugu guurey baasaaboorka, ama baasaboorku ugu guurey wejiga, cid sharaxda weli ma hayno. Mid ka kale dhigeyba, anshaxa iyo dadku in ay isdhigeen ayaa la sheegaa. Ninkii socdow, siiga yare…

Intan dambe, macalinka waxa u muuqday tacabqasaar uun. Reer iyo raysalmaal kale midna meel kuma oga. Kolba ka wadanka ku cusub ayuu ku majiirtaa sanadihii tegay ee aan midho dhalin. Xalkii ugu wacnaa ayuu se helay. Qulqulku waa in uu dhinaca kale u jeesto. Dalkii uu ka soo tahriibay beri hore ayuu imika dib ugu tahriibay. Wuxuu dadka ugu waramay in uu ka dhiidhiyey arrinka umadda oo akhyaartii iyo intii asluub wanaagsanaa ka tahriibeen, sidaas darteedna ugu tahriibayo. Markan se tahriib ma sheegto ee waa guryo-noqosho. Sariirta guudkeeda wuxuu isku tusaa sida taladani u gufeynayso hulada gudihiisa ka bannaan. Waxase la isla qirsan yahay in macalinka loo baahan yahay in ka badan inta uu isagu baahan yahay, sida badbaadiye kasta oo bedqaba. Waxaan se laga warqabin in huladiisu ka weyn tahay ta uu bulshada u gufayn karo.

Waa duni rogan. Dhalaan iyo haween, maatiidii, iyo rag ba maanta waa baadi. Baadisooc ma leh. Dhaqan iyo hiddihii la xoor. Xilli horaa meel la iska dhigay. Ta xilligan taaganna xal loo ma hayo. Meel fayow ma leh. Hayaan waa halkiisii. Cir kaa dheer, dhul kaa dheer ayaa hilin la bidey. Ratiga lagu guurayaa waa badbaadiyaha bedqaba. Ha noolaado badbaadiyaha bedqaba!

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Mukhtaar Xasan Maydhane

Akhriskii Kal Hore: 2015

Jaadadka Keligii-Taliyaha Reer Afrika

Bakayle Iyo Diin

Tilmaamaha Maalmaha

Gorfeyn: Hal Ka Haleel 

In Defense of The Defenseless: Both Somalis and Cadaan

maidhane@yahoo.com