Nin ayaa waxa u yimid saaxiibkii oo marti ah. Kadibna wiilkiisii ayuu ku yidhi “Aabo nin aanu saaxiibo nahay oo igu qaali ah ayaa yimide orod suuqa tag oo soo iibi nus kiiloo hilib ah. Ninka hiliblaha ah waxad ku tidhaah iga iibi hilibka ugu wanaagsan ee aad hayso.
Wiilkii yaraa wuxu iska soo noqday isaga oo faro madhan. Aabihii oo yaabban ayaa weydiiyey “Maxaa dhacay? Mee hilibkii aan kuu diray? Wiilkii wuxu ka sheekeeyey sababta uu waxba la’aan u soo noqday, wuxuna yidhi:
“Waxaan u tagay ninkii hiliblaha ahaa waxanan ku idhi iga iibi hilibka aad hayso kiisa ugu wanaagsan. Wuxu iigu jawaabay waxan hayaa hilib aad subag mooddo. Anna waxan ku idhi marba haddii ay arrintu subag tahay iska daa waxan tagayaa tukaanka subagga iibiya si aan isaga uga soo iibsado.
Kadib waxa aan tagay dukaankii subagga waxaanan ku idhi iga iibi subagga aad hayso kiisa ugu wanaagsan. Wuxu igu yidhi waxan hayaa subag aad malab mooddo. Waxan ku idhi marba haddii ay arrintu malab tahay iska daa waxan tagayaa tukaanka malabka iibiya si aan isaga uga soo iibsado.
Dabadeed waxa aan tagay dukaankii malabka waxanan ku idhi iga iibi malabka aad hayso kiisa ugu wanaagsan. Wuxu igu yidhi waxan hayaa malab aad biyo mooddo. Waxan ku idhi marba haddii ay arrintu biyo marayso waxba iibsan maayo waayo biyuhu xaafaddayadaba way yaallaan.”
Aabihii wiilkii yaraa madaxa ayuu u salaaxay, wuxuna ku yidhi “Aabo waxaad tahay fariid caqli badan lakiin waxaad innaga khasaarisay kabihii aad kolba tukaan ku tagaysay.” Wiilkiina wuxu ku jawaabay “Maya aabo. Kabaha aan xidhay waxay ahaayeen kabihii martida!”
By: Ina Siciid
Bandhige@gmail.com