Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega (W.Q. Nuur Xaaji Xiiray)   

Waxa aan la yaabay dadkan laga wada dhawaajiyey Kulmiye, Kulmiye uun eega, nin baanu maalin  muranay kolay laba qof haday isqabtaan mid uun baa qaldan, markaa dhaqan ahaan soomaali waxaynu u naqaanaa qofka isla hagaagsan in uu yidhaa waar yaa Illaahay yaqaan, ninkii baa kalmadaa ku tiraabay waxaan ugu jawaabay anagaa Illaahay naqaan oo saaka u soo tukanay eh adigu saaka ma u soo tukatay, markaasuu aamusay.

Waxaan la yaabay tan danteedii wada lumisay ee Kulmiyada uun haysa daya. Tallow ma shaqo kale oo ay qabato  ayay wayday. Haayoo waa ummad wadaa bilaa camal ah (from head to toe) madax illaa mijo. Waar dadkan way shaqaysanayaan waxba ha ku mashquuli shaqadooda eh rag baa u dirtay in ay riwaayadan kuu matalaan eh taada ku foof, riwaaydoodii waxay sii qiimo yeelanasaa marwal oo hadal haysaan kala raacdaana.

Laakiin hadaydaan halkaa ka soo qaadin dan ayay u fadhiisan lahaayeen una heshiin lahaayeen ama u kala tagi lahaayeen laakiin dhibaatadu waa idinka, sidiinii qoriga u soo qaata oo ina wareeriya, maxaa yeelay  dantiina ayaydaan garanayn. Waayo haddii aad dantiina garanaysaan kumaydaan mashquusheen nin shaqadii oo shaqaysanaya, nin baa wuxu yidhi adduunyadu waa riwaayad dadkuna way matalayaan, sida uu hebel riwaayada u jilaayo ha ku mashquulin eh ee dhinacaaga si fiican u matal, oo dantaada garo weeyi.

Maalinta qiyaamah ayay dadku is wada qabsanayaan adaa i lumiyay, adaa sidan iigu wacnaa, kuwii hoggaamiyayaasha ee la daba yaacayey ayaa odhanaya waar haddaanu hanuunsan nahay waanu idin hanuun lahayn, halkaas ayey isku wada nacdalaysaa, waxaan idin waydiiyay nimankan aad ku wada xiiqdeen tallow xagee ayey idiinku baaqayaan, ma is waydiiseen, mise sida babqaaqa ayuun baad hadalka ku celcelinaysaan waar toosa oo dantiina garta inta ay goori-goor tahay.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray oo Soomaali iyo Ingiriisi ah:

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com