Qaylo iyo sawaxan ka soo yeedhaya qoys aan sidaa uga fogayn ayuu ku soo baraarugay Aw Jaamac oo caadi ahaan marka uu qadeeyo dhinaca dhulka yara dhiga, ilaa laga gaadhayo salaadda Casar. Baroorta iyo sawaxanka ayaa marba marka ka danbeysa sii xoogaysanaya. Ruux dumar ah ayaa qaylo dhawaaqaysa, gargaarna dalbanaysa. Cod carruur argagaxsan ayaa iyaguna la maqlayaa. Oohintooda ayaa qofka maqla qalbigiisa qoomaysa.
Markii hore wuu yara dheelalawsanaa oo waxa uu Aw Jaamac u qaatay in guryaha jaarka mid ka mid ah uu dab qabsaday. Balse ilbidhiqsiyo gudahood ayuu ku xaqiiqsanayaa in qayladu ay ka soo yeedhayso dhinaca reer Dulyar. Ceebtood maaha ee waa caadadood ayuu hoos ahaan iskugu odhanayaa isaga oo dhinacna macawista gurmad u giijisanaya. Waa runtii oo qoyska uu horjoogaha u yahay Dulyar, mar walba war dhiillo leh lagama waayo. Sannado dhawr ah oo ay Aw Jaamac jaar ahaayeen, arrinkooga isaga iyo jaarka kale uun baa ku kala dhex jiray.
Dulyar waa odayga qoyska. Waa waayeel da’diisu ay lixdameeyihii madaxa la gashay, balse hab-dhaqankiisa aad moodo kuray aan qaangaadhin. Muuqiisu waa lafo isa sudhan oo balwad baa dubatay. Aroorta hore ayuu ijabbane raadco tagaa, ilaa inta uu waa-dhawaadka dhinaca dhulka dhigayana jeebkiisa iyo afkiisa qaad lagama waayo.
Mas’uuliyadda qoyska waa hore ayuu gabay, xaaskiisa ayayna dantu badday in ay la kacaakufto. Iyada ayaa meel aan xaafadda ka dheerayn khudrad ku iibisa, wixii ay ka soo heshana badhna carruurta dabka u saarta, inta kalena Dulyar iskaga jeedisa. Haddii ay sidaa yeeli waydo, bakooradda ayuu u roganayaa. Qayladan maanta dhacaysaana arrintan ayay ka dhalatay oo carruurtii oo aan dheriba loo dhadhaarin ayuu Dulyar garaadkiisa xaajiyadda qaad ka rabaa.
Waa xasarad-u-joog mar walba jecel inuu helo sabab uu ugu gacan qaado xaaskiisa. Hadda garo oo xilkii saarnaa ayay ka furatay oo sida ciyaala-iskuulka ayuu nusa-saace qaataa. Isla jeerkaas haddanna waa kan marka uu ka waayo budka saaraya.
Oday jaarka ah oo dhawr jeer galay xallinta muranka reerkan, ayaa ku dhejiyey naaneystan naasibtay ee Dulyar, ka dib markii uu ka yaabay hab-dhaqankiisa dulqaadka ka arradan. Dulyar inta badan jabhadihii geyiga Soomaalida ka abuurmay wuu ka soo wada qayb qaatay, mid walbana halis ayuu naftiisa u galiyey. Dagaalladii sokeeye ciidamadii reeraha ayuu ka mid ahaa, wixii dagan ee uu arkanna dabka ayuu saarayay.
Aw Jaamac oo xaaladdiisa aad uga dheregsan ayaa mar walba ku canaanta inuu xisaabtamo oo maskaxda ka shaqaysiiyo. Xilka reerka iyo ubadka ka saaran ayuu goor walba xusuusiyaa. Ruuxdan Dulyar ee rabshadaha jecel ayuu ku waaniyaa inay dib iskugu noqoto oo bal dib isku xisaabiso.
Waano dhalad baa ka adage waxa la soo xaqiijiyey in Dulyar, isaga oo dhawaan difaacayay dhul ganacsade reerka ahi sheeganayay, uu dil toogasho ah qudha kaga jaray askari bilays ah. Ciidammada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay, xabsiga ayaana loo taxaabay.
Baadhitaan dheer ka dib, waxa caddaatay in Dulyar askariga bilayska ah si badheedh ah xabbad madaxa ugaga dhiuftay, isla goobtaasna marxuumku ku qudh baxay. Maxkamaddihii kala duwanaa ee dilkan ka garnaqay waxa u caddaatay in kiiskanni badheedh yahay. Sidaasi darteed, waxay iska daba xukumeen in la qisaaso eedaysanaha.
Ninkii ganacsadaha ahaa ee uu u dagaalamayay, maantana uu godobtiisa u god galayaa, iska dhaaf inuu wax ku taree, war kama hayo (waligiina xog-ogaal uma noqon) xaaladda reerka uu ka tagayo Dulyar. Mar dhawaan ganacsadahan taageero dhaqaale loo waydiiyay reerkii ninkaa uu sahayday, ka dib markii curadka qoyska xaalad caafimaad darro cisbitaalka loo jiifiyey, fara madhnaan ayaa lagala soo noqday. Ku darsoo, ubadka rafaadka iyo silica ku koraya tol xaaladdooda ogi ma jiro.
Xaajiyadda qoyska ayuu Alle baday noloshan qaadaa-ma-dhergaanka ah. Waligeedba iyada ayaa culays kasta u soo dhabar adaygaysay. Jaar wanaagsan oo Aw Jaamac u horeeyo ayaa iyaguna -mahadi ha ka gaadhee- inta duruufuhu saamixi waayaan kabayay. Maantana taasi uun baa hurran. Haddii laga tagi waayo, nacabkii arragiisa kaga gabban jiray ayay geerida Dulyar hillin u furaysaa.
Marwadu si dhab ah ayay maanta u walaacsan tahay. Qaddarka iyo qorshaha Rabbi way ogoshahay balse kasheeda ayaa warsanaysa oo jawaab u raadinaysa sababta odaygu ku baxayo.
Waligeed nolol xasilloon oo deggan ma ay arag, maantase waxa kaga daran gar iyo mag la’aanta uu ninkeedu ku dhimanayo. Sababta ay asayda uu qaadayso, ubadkeeduna ku agoomoobayaan ayay u aragtaa fidno hurudday oo nin dan lihi toosiyey. Mar Dulyar ayay ku tuhmaysaa inuu macno la’aan qori la booday oo qiiro dhaqaaqay. Mar kalena ganacsadaha duqeeda magaca reerka ku marin-habaabiyey haatanna garabkooda ka baxay ayay hiifaysaa.
Mid ay tahayba, Dulyar tiirka ayaa lala tiigsan doonaa. Cidda kaliya ee uu ka baxayaana waa xaaskiisa iyo ubadkiisa. Ganacsadihii baasaa ee hallaaga u horseedayna, abaabulka wiilal hor leh oo reerka ah ayuu wali ku hawlan yahay, si uu u xasiliyo mulkiyadda dhulka uu sheeganayo!
Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
abdirahman.adan@gmail.com