Balaayaa kasoo ham iyo dig leh! (Hibo Ciise Maxamed “basbaaso”)

Waxey ahayd abaaro 11:30 subaxnimo markay diyaaradii uu la socday Feedhayare caga dhigatey garoonka diyaaradaha ee Aden Cade, isla markii uu soo galey waaxda imaashaha (Arrival) ayaa wuxuu arkay boqolaal dad ah oo meesha is dhex yaacaya oo Soomaali ku hadlaya haddana aanu qaarkood fahmeyn, waxa uu arkayaa wajiyo uu moodayo in ay yihiin qoomiyadaha kasoo jeeda Galbeedka Afrika (Nayjeeriya, Kamaruun, Jaad iyo kuwo kale oo badan) ama dadka aynu u naqaan Afrikaanka, isagoo indhaha kolba dhinac u lalinaya ayuu arkay Hanad oo gacanta u haadinaya si dhakhso ahna dhankiisa ayuu ugu soo taalaabeeyay waa laysa salaamay si kal iyo laaba ileen waa rag kala baadee, Hanad waxa wehelinayay saxiibkii Culusow oo ay goob kawada shaqeeyaan wuxu bilaabey in uu is baro Hanad labadan nin, se Feedhayare wuxuuba ku mashquulayba magaca “Culusow” lasoo ambabax, markii ay hal cabaara kasoo socdeen garoonkii diyaardaha kuna soo dhawaadeen albaabka laga baxayo ayuu arkay ciid biro lagu shushubay (dhufays) oo meesha dhooban iyo Niman aad u madmadow oo aanad daamurka ka garan oo dusha ka saaran, wax uu qori u gartayna dhiniciisa ula soo jeeda, naxdin ileen wadnuhu kaama soo dhaco wuuba iska istaagey.

Waar Ina keen niyaw meesha Xamar baa layidhaah daa oo qorigu waa hasha laysku af gartee, haddaanad wax huba sidan wax ku yeeli maayaane, caadi iska dhig noo, waa hadalada ka soo yeedhayey Hanad iyo Culusow. Waa lasoo dhaafey waxaaney soo raaceen baabuur nooca harrierka looyaqaan ah oo dibadda ku sugayey, waxa la keenay Feedhayare guri ay daganayeen Hanad, Hanfade iyo Halac oo intuba ahaa niman reer Hargeysa ah oo ay isku xaafad ahaayeen Feedhayare, salaan diiran ka dib wuu iska nastay wax badana layska wareysatay waayihii u kala danbeeyay intii ay kala maqnaayeen. Habeenkiina sidii baa lagu kala seexday. bal waagu markuu baryo iyo inta inoo hadhayna

La soco qaybaha danbe.….

alkan hoose ka akhri maqaaladdii hore ee Hibo Ciise Maxamed qortay:

Rajo qaribto “Qabyaalad”

Bulsho wada siyaasiya

Been ha ku sabaaleyn

Guurka haweenka badan

Aafo

Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!

Allaa Mahadleh

Hibo Ciise Maxamed(basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com