Ballan-ka-baxa Cabdiraxmaan Cirro waa u guul-darro hankiisa siyaasadeed (W.Q. Cali Xasan)

Sharaf iyo maamuus aynu dadka kale dheer nahay bay ahayd  inaan tashano oo gaadhno heshiis hadba marxalad kasta oo dalkeena la soo gudboonaata ugana samata saarno xilliyada adag ee ay sababeen duruufaha siyaasadeed.

Shalay waxaa si wada jir ah warbaahinta ula hadlay guddoomiyeyaasha labada xisbi qaran ee Kulmiye iyo UCID iyaga oo si wada jir ah daboolka uga qaaday inuu jiray heshiis afar-geesood ah oo ay galeen saddexda xisbi qaran iyo xukuumadu kuna salaysnaa soo jeedin muddo-kordhin ay doonayeen inay u gudbiyaan Golaha Guurtidu.

Waxa kale oo ay Faysal  Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi sheegeen in heshiiskaas oo la doonaayey in Sabtidii la saxeexo uu ka baxay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”.

Haddaba heshiis-jabinta Cirro ayaa loo aanaynayaa arrintii horeba loogu xaman jiray inuu talada ka qaato xildhibaano maangaab ah oo ku jira xisbigiisa iyo haween ku waas oo kula taliyey inuu ka baxo heshiiskaas. Balse caado uma ay lahayn  masuuliyiinteena  inay heshiisyada heer qaran ka baxaan. Waa nasiib-xumo in Cabdiraxmaan uu ka baxo heshiiskii uu galay.

Danta qaranka iyo isu-tanaasulku waa nidaam aynu ku soo caano-maalnay.

Cirro  wuxuu hore heshiis ula galay Dawladda Jabuuti haddii uu ku guulaysto haggaaminta mustaqbalka Somaliland inuu ka iibin doono dhulka dhanka xeebta xiga dhinaca Jabuuti. Sidoo kale in uu 70% siin doono heshiiska dhaqaalaha soo-saarista saliidda  ku duugan xeebaha Somaliland dhanka Jabuuti, bedelkeedna uu qaatay lacago xaddi badan tan iyo wakhtigii 2012-kii xiligii uu samaystay urur-siyaasadeedka haddana ah xisbiga Waddani.

Sidoo kale wuxuu heshiiskaas mid la mid ah la galay Dalwadda Xamar wuxuna u ballan qaaday haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtinimada Somaliland inuu qaadan doono nidaamka federaalka Soomaaliya, iyana bedelkeeda uu qaatay lacag badan si uu isugu maalgeliyo.  Sidoo kale waxaa uu  weli hayaa xilkii Dalwada Soomaaliya uu uga hayey waddanka ruusha. Weli iskama uu casilin lacagtiina sidii buu u qaataa.

Waxaa la yaab ah nin doonaya in uu mustaqbalka qaran dhan u noqdo hoggaamiye haddana khiyaamaya oo doonaya inuu iibiyo. Waa laba aan is qaban. Su’aashu waxay tahay muxuu ka faa’iidayaa?

Waddani iyo xulafadiisa waa u sharaf dhac iyo maamuus-xumo madaxna sidaa laguma noqdo. In ballan laga baxaa waa khalad weyn.

Cali Xasan                                                                                                                                                                

Calixasan806@gmail.com