Ballantii Saaka ee Madaxweynaha iyo Saraakiisha Akadamiga Nabadda! (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Ballantii Saaka ee Madaxweynaha iyo Saraakiisha Akadamiga Nabadda!

27kii Jeneweri 2020ka maalin Isniin ah oo aanu hawl gaar ah u tagnay Xafiiska Xisbiga UCID waxa madaxda Xisbiga shir kula jiray saraakiisha Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, kuwaas oo ergo ka ahaa in xal loo helo khilaafka ka taagan guddida doorashada Qaranka. Wadahadal ayaa labada dhinac dhex maray. Madaxda UCID waxa ay ku adkaysteen in la fuliyo heshiiskii guddida dhexdhexaadintu soo saartay

Madaxda Akaadamiga Nabaddu waxa ay ballan la lahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi saaka oo ah 30ka Jeneweri 2020ka, sida lagu carraabaabay shirkii Akaadamiga Nabadda iyo UCID dhex maray.

Waan filayay in horusocod laga gaadho xaajadan cakiran, balsa taas beddelkeeda waxa aan arkayaa in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu saaka booqasho ku tegay Madaarka Cigaal ee Hargeysa. Sida aan ka dheehday bogga saaxiibkay Nuuradiin Diini. Madaxweynuhu waxa uu ka warwareegayaa in uu la kulmo ergo wadda xal malaha sharciga baalmarsan.