Jawiga, dareenka iyo shucuurtooduba waa ay bedelnayd, naawilaada rajadooda wadaaga noloshana waxay muujiyeen inay qawadeen.
Waa wiilal dhallinyaro ah oo tiro ahaan aan yaraan badankooduna waxay ka baxeen Jaamacaddaha dalka, garashada aqooneed ee aan u leeyahay qaarkood kama mid aha dhallinta laasimay balwaddaha maandooriyaha Jaadka halka kuwooda kalena muuqaalka wejiyadooda aanay ka muuqan humaag rumeedka balwada.
Walow aanan war buuxa ka hayn xogahooda nololeed haddana halku dheggooda banana-buxu waxa uu ahaa “Weli waxaan ahay keli, doob ama mid aan guursan”, halka banana-baxayaasha Guursaday ee ka dhex muuqday uu ahaa mid kali kaas oo laabta ku sitay warqad ay ku xardhan tahay “Waan Guursaday”.
Hargeysa waa magaalo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dhulka soomaalidu degto, dadka ku noolina rag iyo dumar waxaa tirokoobyo dhawaan lagu sameeyey lagu qiyaasay in 57% ay dhalinyaro yihiin.
Waxbarashadu waa mid aan laga daalin xaga da’yarta kolka aad isbar-bar dhig ku samayso adigoo ka duulaya aragtidaada dhow magaalada hargeysa waa ay kala badan yihiin dhallinta balwada jaadka isticmaala iyo kuwa gelin hore iyo galin dambeba u dareera goobaha waxbarashada, sidaasay tahay majirto wax rajo ah oo taala Somaliland dhanka shaqo abuurka, dhallinyarada waxbaratayna celcelis ahaan waxa shaqo ka hela laamaha dawlada, Hay’daha ajaanibka, ururadda wadaniga ah, iyo goobaha waxbarashada gaarka loo leeyahay.
Tiradda Somaliland shaqaysa ayaa lagu qiyaasaa 3% halka 97% ay shaqo la’aan wakhtigooda ku qaataan goobaha laga qaxweeye iyo shaleemooyinka aflaamta iyo ciyaaraha, halka kooxda awooda ama waalidkii wax yar ku tuhmaya haba ahaato daartii uu ku dhashay’e uu nolol ka doonay dariiqa tahriib taaso kumanaan iyo kumanaan kale waalidkood ka goblamay, kuwo kalena xabsiyada adduunka buux dhaafiyeen, qaar kalena yurubta qabow ay caydh ku qaataan.
Maaha mid cidina indhaha ka lalin karto sida xaqiiqdu tahay ee taariikhda markii u horeysay dhulka Soomaalida keentay sababta banana-baxayaal guur doon ahi oo weliba dhanka labku ay sameeyaan.
Magaalo weynta Hargeysa dhanka guurka waa ka gooni in badan oo ka mid ah gobolada Somaliland, halka Somaliya inteeda kalena ay kala yihiin Hargeysa kaaf iyo kala dheeri.
Hablaha Hargeysa dhinaca guurkooda inta badan dhigooda ama wiilasha qayrkooda ahi kolka aad la sheekaysato waxa ay kuu sheegayaan inay adag tahay iyagoo u nisbaynaya dhinaca dhaqaalah.
Abdirashiid Danab waxa uu ka mid yahay dhallinyarada aqoonta qaniga ka ah sidoo kale waa hal abuur, waana guurdoonayaasha maanta banana-baxa sida weyn uga dhex muuqday, maraan dareenkiisa banana-baxa kadib la wadaagay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay kuna dhameeyey:
“Saaxiib Cabdirisaaq Terra waad mahadsan tahay hal dhib oo keliya ayaa jirta guurku waa xulasho wakhtigeeda leh, waxbarasho heer wacan baan ka gaadhay, shaqona rajo naawil baan ahay, hase ahaate hamadayda guurka iyo rabitaankeeda ayaa ah kan aniga iyo saaxiibaday dibada noo soo saaray, xiligan jacaylka iyo dookha guurka xalaasha ahi waxa uu ku xidhan yahay, cadadka meherka, qiimaha gabaatiga, agabka guriga, Huteelka arooska iyo wax kale oo badan oo aan halkan kuugu soo koobi karayn, waxaana ka gadhwadeen ah waalidiinta oo had iyo jeer wiilka gabadha guursanaya aan u eegayn muxuu bartay iyo maku filan yahay nolosheeda ilaa diinteenu waxay qabto, balse markasta isbar-bardhiga gabadh calafku ku daray wiil aabihii tabcaday maal aad u badan iyo nolosha ay ku nooshahay, markaa saaxiib banasn-baxan way nagala fursan wayday in aanu ku muujinayo dareenkayaga”.
Sanadba sanadka kasii dambeeya guurku waa sii yaraanayaa, dhibaatada guur la’aanta iyo halisteeda waa mid sii kordhaysa oo halis dhallintu lab iyo dhedigba ugu jiraan gelitaanka beeraha libaaxa.
Banaan-baxana lama garanayo in xaalada keentay tahay “Doob qalanjadii ga’bay ma da’ lagu khasaaraa” iyo in kale .
Cabdirisaaq Yuusuf Cali “Terra”
Email: Terra-10@hotmail.com