Bandhigga Buugaagta Burco Waa Burjigii Hal-Abuurka Togdheer. (WQ: Mustafa Axmed Geedi-Xaas)

Waxaan dareemaya in hibbadu tusaale u tahay nolosha guud ahaan . Waxaan dareemaya in qorraalku iyo akhrisku yahay midka laga dheehdo nolosha iyo humaaga qarsoon ee guud ahaan Aadamigga.
Bandhigga Buugaagta Burco(BBB2019) waxay ahayd rajadii jiilka maanta ku nool burco iyo bandhigista hibbadooda nolloleed. waa Caymis lagu wadaago Hal-Abuurnimo Qorraal iyo mid Sugaaneed.
Shaqsiyan waxaan kala socday Barraha Bulshada iyo warbaahinta labadaba.
Hadaba maxaa iiga baxay? Bal sawir maskaxeed aan ku xardho tusmada fahamkayga ee ku saabsan “BBB2019”
Sawirka goobtu waa madal wayn oo qurux badan  ardaaga Golis ama Barxada SOYVO oo lagu soo xidhay. waxa isoo jiitay dhigaalka quruxda badan ee  Bandhigga buugaagta burco ee lagu dhex xardhay midb-ka  qurxsan ee buluuga ah. Wuxuu u muqdaa bandhig si qorshaysan la agaasimay. Ka qaybgalayshuna darreen ahaan waxa isoo jiitay marka loo istaagay heesta Callanka ee dhulka hooyo “Samo ku waar, samo ku waar” oo ahayd dhaxalkii uu inooga tagey abwaan Xasan shiikh muumin AHUN.
Runtii waxa goobta ka muuqday dhalinyarro leh hibo suggaaneed iyo hibo qorraal, kuwaas oo ka koobnaa hablo iyo wiilal aan is leeyahay gobollada kale waa ku dhif iyo naadir xaqiiqatan  marka la fiiriyo hibada ay soo bandhigaan.
Dhalinyarada burco waxa ku jirra wiilal iyo gaabdho sugaan-yahano ah iyo kuwo leh xirfad qorraal oo sare, oo aan dhawr jeer  oo hore halacsaday dhigana-yaashooda  sugaaneed iyo qorraalo kuwaas aan is idhi hadii xuquuqdooda loo qiri lahaa waxay noqon lahayeen xidigihii qarniga 21aad.
Waxa iyaguna amaan muddan dhalinyarro ka shaqeeya arimaha bulshada burco oo mudan xusidood.
Waxaan akhriyay maansooyin ay leeyihiin hablo iyo wiilal reer burco, habdhac eragyga iyo dhadhanka nuxurka iyo habraaca errayga waxan xusuusta abwaanadii dhexe sida hadraawi iyo gaariye ama kuwii bari-samaadkii Qamaan iyo salaan waa kuwa aan suggaantooda xiiseeyo ee, markaa burco waa meel murtidu taallo, laba kamid ah abwaanadan aan xusayna waa reer burco.
Waxan runtii aad uga xumaaday markii aan arkay inaan dhalinyarradeenu helin dhiirigalintii madaxda gobolka iyo kuwa qarranka, Xataa walalaheen hal-abuurka may helin dhiiri-galinteenii bulsho ee reer burco ee ganacsato iyo nin gar-bood toonna.
Burco waxaa la hadhay madaxdii xukunka u haysay, Bal fiiri bandhigii hargaysa waxa looga  yimi dunida dacaldeeda. Cadaan iyo madoow xataa waxa goobta joogay madaxda ugu sarraysa dalkeena, waxaan is leeyahay waxa rumoobey habaarkii halgamagii Shiikh Bashiir AHUN.
Bal fiiri boorama waxa looga yimi dacallada dunida . Bandhiga waxa dabada ka riixayey bulshada ree borama ganacsato iyo haayado wadani ah iyo haldoorka reer Borama.
Yaa inala hadhay?  burco waxa la hadhay madaxdii ay doorratay iyo haldoorkii,ganacsatadii, waxaan leeyahay madaxdyadii waxaad hagrateen ubaxii togdheer.
Bal isoo fiiri”! Bal waxad qiimaysaa wiilka ama gabadha dhalinyarrada ah ee mudo dhawr sano ah qorraysay Buug sugaaneed ama buug qoraal ah oo maskax muruq iyo dhaqaale galiyay sidii uu hibadiisa usoo bandhigo lahaa, ee  morraalku ka xumaaday markii uu waayo qof qiimo u yeella waxa uu qorey, kadib markii uu wayay dhiiri-galintii madaxda iyo tii bulshada gobolkiisa. Waa niyad jab wayn waxaanse hubaa in hal-abuurada qorraal iyo suganneed inay macnawiyan yihiin kuwii la rabey in xirfadooda Xiiso u yeelaan oo midowbaan horumarinta bandhigooda hibo.
Sowkii Abwaankii murti dhaadhiga ahaa ee Xaaji aden Af-Qalooc lahaa AHUN  “ilko wada jirkooday hilbaha adag ku goyaane,hadii inniba meel taagan tahay adhax ma feentee.”
Waxaan arkay dad reer burco ah, oo baraha bulshada ku buunbuninaya Bandhigyadii hargaysa iyo borama , bandhiga burco ee buugaagtana liidaya. Awel soow Maahmaah somaliyeed ma ahayn “Hashii Awar-keeda ka Cararta ee awr kale u oloshaa way abaaho seegta”.
Social media waa meesha macanaha loogu yeelo haldoorkaaga, ee dhalinyarada hibada leh yaan la hagran. Miyaan bandhiga burco u qalmin inaad u xusto sidaa aad u xusayasey ee laguugu waynaynayey bandhigyadii gobollada kale. hadii aan dhaho bugaagta burco lagu qorro ayaa ka nuxur badan kuwa kale sow sax maaha, ilaa burco waa meesha hibada u leh sugaanta Somaaliyeed e.
Waxaan ku bogaadinyaa”BBB2019″ dadaalka wanaagsan ee ka sameyeen gobolka, waana abaal reer burco idiin hayso inta dhugashada lehi.
Waxaan idiin rajaynyaa inaad dadaalka sii wadaan, si sahan-kiina Geeddigu ugu nagaado meel rays iyo ramaas qaboow leh oo aad ku furtaan bahda wax qorta.
Wax qoristu waa dhaxal ka kaliya ee ummadi ka dhaxsho ummad. Taasi oo dhaxal u noqota jiilasha soo socda , inagu jilashii inaga horeeyay qoraal inoogma tagin ,waa sababta aan u garan laanahay halka aan ka nimi, si aan u fahano halka aan u socono, waad ogtahay halka qallinku diinta ka joogo.
Sawkii Abwaanka wayne ee Hadraawi isagoo tilmamaya muhiimada qalinka lahaa “Muxuu qalinku sheekiyo, qubanah dharaartiyo hadba qodob la yaabiyo, ma hadhooyin qorayaa”
Dhamaantiin guul ayaan iidn rajaynayaa insha allh hore u socda walalayaal.
Alaah mahad-leh
-Facebook. Mustafa Ahmed Geedi
-WhatsApp0659555532
-Waxa Qorey. Mustafa Axmed M Geedi-Xaas
Burco Somaliland