Bariga dhexe Maxaa dhici kara? (WQ: Mohamad Hirsi G Abdibashir)

Bariga dhexe Maxaa dhici kara?

Eeraan waxay tidhi: qof kasta oo Maraykan ah oo bariga dhexe laga helaa waa yool aar-gudasho.

Maraykanna waxa uu kaga jawaabay: car qof Maraykan ah wax ha la yeelo.  Haddii ay dhacdo waxa aannu noo taagetgaraysan 52 yool oo Eeraan ka mid ah, iyada oo loogu aargudayo 52-kii qof ee 1979kii lagu qafaashay safaaraddii Tehraan. Yacnii Target walba qof baa loogu aarayaa.

Xisbullaah waxa ay yidhaahdeen: dhammaan ciidamada Maraykan ee bariga dhexe waa noo yool aargudasho.

Eeraan waxay tidhi: waannu joojinnay wada shaqayntii Nugliyeerka oo waxannu dardar gelinaynaaa  Yuuraniyomtii !

Ciraaq waxay tidhi: Maraykanku ha nagala baxo ciidamadiisa.

Nato iyo xulafadii dagaalka Isis, waxay yidhaahdeen: Waannu joojinnay camaliyaadkii aannu ku beegsanaynay ISIS, is difaac mooyaane.

Marka uu halkaa xaal marayo maxaa dhici kara?

Jawaab: Waxba!

Waa qasab in la dhexgalo si aan waxba u dhicin.

eeg, ka soo qaad:

– in Eeraan ay tallaabo qaadday. waa tallaabo lagu beegsanayo dano Maraykan oo kooban, sida markab shidaal, markab dagaal ama xero mullateri ama dad caadi ah.

– Maraykan waa kaa jawaabay ee beegsaday 52 taarget oo Eeraan ah.

– Eeraanna waa taa duqaysay intaa in le’eg oo dawladaha khaliijka ah ka mid ah, gaar ahaan Sucuudigii. waa kaa barigii dhexe gubtay.

– Ciraaq waa taa la safatay Eeraan ee saartay Ciidamadii Maraykan!

– Heh, Naato iyo xulafadii dagaalka ISIS, waa kuwaa ka wada baxay Ciraaq iyaga oo taageeraya Maraykan.

– Dabadeedna waa taa ISIStii Ciraaq soo noqotay.

Taas Ciraaq ma rabto oo Eeraan ma rabto, oo Maraykan ma rabo, oo Naato ma rabto oo sucuudigu ma rabo.

Markaa waxa qasab ah in ay heshiiyaan xulafadu. Yacnii waxba ma dhici doonaan!

Maxay kula tahay adiga?