Barnaamijka Akhris-wadareedyada ka Jira Hargeysa

 

Barnaamijka Akhris-wadareedyada ka Jira Hargeysa

Akhris wadareedyada iyo Naadiyada Akhriska iyo Qorraalku waa meelaha ugu danbeeya ee qof jecel kutubta,akhriska iyo qorraalku ku sii xidhnaan karo wakhti badan oo noloshiisa ah.Mashquulka Hawlaha Adduun ,iyo Shaqadu waxa ay Qoraayo iyo Akhristayaal tiro badan tuseen in aan qofku keligii is bixin kariin taasi oo keentay in ay ku biiiraan ama sameeystaan naadiyo,bar kulan iyo Akhris-wadareedyo ay ku midoobaan oo u sahla in ay adkeysi u yeeshaan duruufaha iyo mashquulka xad dhaafka ah ee ay ku ilaabi karaan akhriska iyo qorraalka.Bar kulanadaa bilaha ah ee Kooxo Qoraayada,aqoonyahanada iyo Akhristayaashuba ay u sameysteen isku xidhka,iyo ka wada shaqeynta horumarinta akhriska iyo qorraalkuna waxa ay hoos u dhigtey dad badan oo caqabad ku qabtey Akhriska iyo qorraalka intaba kuwaasi oo kulanada bilaha ah ka hela kalsooni,dhiirigelin,naxariis iyo farxad.

 

Dal sida somaliland ah oo sii balaadhanaya tirada dadkuna sii kordheyaan cida wax akhriyeysaana ay marba marka ka danbeysa soo kordheyaan,dhanka kalena dadka wax qorayaa ay hadh iyo habeen buugg iyo qorraal curin la imanayaan waxa hubaal ah in aad heleyso bar kulan iyo naadi akhris in ay iska tahay wax sahlan.waxaase si gaar ah u xusan Dadka labeenta bulshada ah,aqoonyahanka iyo qoraayasha wax qorida ku xeesha dheer in ay ilaa cimrigooda ugu danbeeya isku xidhnaadan oo ay sameeyaan bar kulan akhris u gaar ah.akhris-wadareedyada Dhalinta ku cusub dunida qalinka iyo qorraalkuna wey ka duwan tahay kuwa ay leeyihiin ruug caddaa waayo aragnimo xeel dheer u leh buuggaagta,curinta,iyo akhriskaba.inkasta oo aan la odhan karin waa dad si gaar ah uga tilmaaman bulshadda haddana akhris wadareed kooxda isugu timaada ay tahay dad dhisan wey kaaga qiimo badan tahay akhris wadareed dhalinyaro aan waayo aragnimo badan laheyn aad la qaadato.

Akhris-wadareedka Bilaha ah

Akhris-wadareedyada sida Joogtada ah loogu kulmo waxa ka mid ah midka Dhalinta kooban ee Aqoonyahanka labeenta ah ee reer hargeisa oo isugu jira Akhristayaal iyo qoraayo oo hadda saameyntiisa aan dareemi karno ay isugu yimadaan,ahna kuwa aan sawirka sarrena ka soo qaadaney ,habeeenkaasi buugga nasir sahal la la qaatey wakhtiga.Akhris-wadareedkaasi oo ah waxa ugu weyn ee laga leeeyahay in                         la helo meel lagu soo bandhigo caqliyada iyo fikirka,isbedelna lagu raadinaayo habka akhriska iyo qoraalka.Xubin kastana Halka ay hibada u leedahay amma mawduucyada uu jecel ee uu xiiseeyo ayaana u noqon doonta doorka iyo kaalinta uu akhris-wadareedka kaga qeyb qaadanaayo sida suugaan,sheekooyin,buuggaagta siyaasadda,kuwa arrimaha bulshada,dhaqaaaha iwm.

xeerarka bahda akhris-wadareedku waa kuwo sahal u ah una fudud akhristaha iyo qoraagaba iyada oo markasta Albaabadu u furan yihiin xubnaha cussub ee leh tayada iyo xeer akhlaqadeedka xubnaha horre ee ka tirsan akhris-wadareedka.inta badana lacagtu ma go,aamiso ka mid ahaanshiyaha urur akhris wadareed loo aasaasey,waxaase ka xoog badan jaceylka iyo farxada loo qabo akhriska,qoraalka iyo soo bandhigida wax cussub.waana meel hibooyinkaaga akhris iyo qoraal lagu soo farxaayo markaad ku soo bandhigto.buggaagtii aad jaldigooda ,mawduucooda iyo akhriskooda jecleyd oo dad kale soo jeedinayaan ayaanad wakhti kooban kaga soo boganeysaa.

 

Bil kasta iyo wakhti u cayiman oo balansan ayaana si joogto ah kulan uga qabsooma goob u cayiman oo Akhyaartu isugu timaado,iyada oo la wada sugaayo bishaasi qofkii ku maqnaa ee isku xilqaamey ama loo xushey in buug akhriska ama mawduuc la isla qaatey oo laga balamey uu soo jeediyo bishaasi isaga oo soo koobaya soona uruurinaya nuxurka buugga.kulanadaasi joogtada ahna waxa ka soo dhex baxaaya in xubnahaasi jaceylka ay u qabaan akhriska iyo qoraalku sii xoogeysto markasta.

Goobta kulanada akhris wadareedka martigelisaa waxa ay leedahay jawi kasta oo qofka akhriska iyo qoraalka jeceli uu ku xasilaayo sida in buuggaag meesha taalo oo ay tahay rukta kutubta dhexdeeda ama meel kale oo loo agaasimey shaqada Akhris-wadareedka joogtada ah.goob kasta oo Akhris wadareedna waxa waajib ku ah in ay tahay meel cabitaano,goob cibaado,buugaag iyo nasashaba leh maxaa yeellay waa kaam uu ku xareysan yahay qof wax akhrinayaa.Dhageysiga Akhris wadareedka iyo soo jeedinta bilaha ahi marka ay dhamaatana xubnuhu waxa ay iska weydiiyaan su,aalo badan oo uga soo dhex baxey buuggaasi oo qaarkood doodo waaweyn abuuri karaan,waxaana muhiim ah n qofkasta soo akhriyo ama aqoon buuxda ka heysto buugga la soo jeedinaayo si uu su,aalo caqli gal ah oo buuga quseeya weydiimaha ugu darsado.

Gunaanad

Ugu danbeyntii caweysyadaasi sida quruxda badan qoraayada ama aqoonyahanku ay ugu qaada dhigayaan soo bandhigida quruxda badan ee fikirkooda iyo buuggaagtaba ah waa mid fariin wanaagsan diraaya,mustqablakana wax badan looga faa,ideysan doono.in aad xubin uun ka ahaato oo aad meesha uun fadhi iyo sawir u doonatana waxa ka fiican in aad adiguna wax soo kordhiso oo aad buug soo akhrido soona koobto nuxurkisa ama wax qorto.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com