Barnaamijka xisbiga Kulmiye ee 2017: Falanqayn, falcelin iyo faallo- Q.4aad (WQ: Dr Maxamed-Culimo)

 

Qoraaladdii hore waxaynu ku iftiiminay meelaha u baahan in dib u eegis iyo kaabis lagu sameeyo. Qormadan waxaynu ku soo bandhigi doonaa sida Somaliland noqon doonto haddii KULMIYE guulaysto, Muuse Biixi noqdo madaxweyne, barnaamijkana la fuliyo. Qaybaha sida fiican looga shaqeeyey loona yeelay halbeegyo la cabiri karo waxaa ka mid ah tiirka 1aad ee ka hadlaya arrimaha bulshadda gaar ahaan caafmaadka iyo waxbarashadda.

Inkasta oo barnaamij siyaasadeedka KULMIYE ay ku ku jiraan himilooyin badan oo hiigsi iyo balanqaadyo waaweyn oo haddii ay fulaan Somaliland ka dhigi doona dal casri ah, qodobadda sida gaarka ah ii soo jiitay ee barnaamijka ku jira waxaa ka mid ah balanqaadyaddan:

1. Hadafka Barnaamijku waa in 80% muwaadiniinta JSL noqdaan kuwo wax qora, waxna akhriya sannadka 2022.

2. Waxa uu gaadhsiin doonaa waxbarashada ardayda saami ah in halkii macallinba uu wax u dhigo 30 arday oo keli ah (30:1) marka la gaadho sannadka 2022

3. Waxa uu u suurtagelin doonaa ardayda dugsiyada hoose/dhexe iyo dugsiyada sare in ay helaan buugaagta dhammaan maaddooyinka Manhajka Waxbarashada dalka oo bilaash ah.

4. Waxa uu u qoondayn doonaa 10-15% miisaaniyadda guud ee Qaranka Waxbarashada.

5. Waxa uu awood u siin doonaa cisbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ay dawladdu maamusho in ay bixiyaan adeeg caafimaad iyo dawooyin bilaash ah oo tayo leh.

6. Waxa uu ka dhigi doonaa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Cusbitaal Qaran oo casri ah oo yeesha dhammaan takhasusaadka loo baahan yahay, maarayn kara dhibaatooyinka caafimaad ee cusbitaallada gobolladu u caal waayaan, bixinna kara adeeg caafimaad oo gaadhsiisan hal-beegga caalamiga ah sannadka 2022.

7. In 70% shacabka Somaliland helaan biyo nadiif ah 2022.

8. Waxa uu hirgelin doonaa Barnaamijka Laylinta Dhallinyarada Qaranka (National Internship Program), kaas oo ay ka faa’iidaysan doonaan dhallinyarada ka qalin-jebisa jaamacadaha dalka iyagoo fursad u heli doona in ay helaan fursad waayo-aragnimo oo u suurtagelisa in ay shaqo rasmi ah helaan.

9. Waxa uu xoogga saarayaa sidii aanay bulshadu u kala tegi lahayn dhaqaale ahaan, dalkana aanay uga abuurmin dabaqado dhaqaale oo aad u kala fog. Si ujeeddadaas loo xaqiijiyo, KULMIYE waxa uu meel-marin doonaa siyaasado haga hawlaha lagu baahinayo dakhliga soo gala dalka si muwaaddin kasta dheefta dhaqaale wax uga soo gaadhaan.

10. Waxa uu Miisaaniyadda Qaranka uga qoondayn doonaa 2% Nidaamka Doorashooyinka JSL. Waxa arrintani suurtagelin doontaa in Nidaamka Doorashooyinka JSL noqdo nidaam Qaran, kana madaxbannaanaado qaadhaan ururin.

11. Waxa uu Miisaaniyadda Qaranka uga qoondayn doonaa 4% maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah, si aan u helno dhaqaale Qarankeennu leeyahay oo lagu maareeyo aafooyinkaas.

12. Waxa uu si dhammaystiran u socodsiin doonaa isticmaalka shillinka Somaliland, waxaanu xakamayn doonaa wax-ku-kala- iibsiga lacagaha qalaad.

13. Waxa uu ka hor tegi doonaa dib-u-dhac doorasho oo dambe oo dalka ku timaadda sifo kasta oo ay ku iman karto.

14. Diyaarinta xeerarka iyo nidaamka hawl-gabka shaqaalaha.

Si uu u guulaysto barnaamijkani, una rumowdo himilladda iyo hiigsigga shan-ta sano ee soo socota, waxaa lama huraan ah in la helo:

1. Awood fulineed-In la helo xukuumad tayo leh kana kooban dad fahamsan barnaamijka, aqoon iyo waayo aragnimana u leh qaybaha kala duwan ee barnaamijka. Xukuumadani waa inay ka duwan tahay xukuumadihii hore ee Somaliland soo maray mar haddii qaybaha ugu badan ee barnaamijkani xooga saarayo horumarinta.

2. Dhaqaale ku filan-Si barnaamijkan loo fuliyo waa inay rumowday saadaasha korodh dhaqaale ee Somaliland. Sidaas oo kale waa in xukuumaddu raadiso lacago dheeraad ah oo aan ku jirin saadaasha hadda ku qoran buuga oo ah (£500 million). Haddii la qiimeeyoo lacagta(costed plan) ku bixi karta tiirkasta oo ka mid ah barnaamijka, waxaa suurtogal ah inay aad uga badan karto inta saadaasha lagu sheegay.

3. Daba-gal iyo la socod-Waa in la sameeyo qorshe suurto galinaya in barnaamijkan si dhaw loola socon karo (monitoring strategy) si loo hubiyo in fulinta barnaamijku la jaanqaado dhalashadda xukuumadda iyo in wakhti kasta la fuliyo in qorshan oo loo qoondeeyey si xaqiiqo ah (realistic).

Hoos ka akhriso qaybihii hore:

http://bandhige.com/barnaamijka-xisbiga-kulmiye-ee-2017-falanqayn-falcelin-iyo-faallo-q-3aad-wq-dr-maxamed-culimo/

http://bandhige.com/barnaamijka-xisbiga-kulmiye-ee-2017-falanqayn-falcelin-iyo-faallo-q-2aad-wq-dr-maxamed-culimo/

http://bandhige.com/barnaamijka-xisbiga-kulmiye-ee-2017-falanqayn-falcelin-iyo-faalo-q-1aad-wq-dr-maxamed-culimo/